24/08/2025
War Murugo Leh
Waxaan aad uga xunahay go’aanka aan cadaaladda ahayn ee ay qaadatay Wasaaradda Waxbarashada dalka, kaas oo lagu baabi’iyey natiijadii imtixaanka fasalka 12-aad ee ardayda Iskuulka Luuq Ganane Secondary School - LGSS l - LGSS , iyada oo aan la keenin wax caddayn ah ama sabab rasmi ah oo sharaxaysa arrintan.
Iskuulka Luuq Ganane Secondary School - LGSS wuxuu caan ku ahaa dadaal, aqoon iyo guulo arday badan soo hoyeen sanad walba.
Go’aankan waxa uu dhaawac weyn ku yahay mustaqbalka ardayda iyo kalsoonidii bulshada ee nidaamka waxbarashada.
Waxaan ugu baaqaynaa Wasaaradda Waxbarashada in ay dib uga fiirsato go’aankan, caddeyn iyo sabab sharci ahna ka bixiso, si loo ilaaliyo cadaaladda iyo xuquuqda ardayda
13/06/2025
📚 Dardaaran & Duco Ku Socota Ardayda Galaysa Imtixaanka Shahaadiga ah – 2025 📚
Berito oo ay taariikhdu tahay 14-ka Juun 2025, waxaa si rasmi ah loo bilaabi doonaa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, kaasoo ay qaadayso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee JFS.
Sanadkan waxaa ka qeybgalaya jiilka cusub ee Dugsiga Sare ee Luuq Ganane Secondary School - LGSS gaar ahaan dufacadii 8aad tan iyo aasaaska dugsiga ee dhacay 13/9/2014.
Ardayda kasoo baxay LGSS waxay markasta astaan u ahaayeen: ✨ Dadaal joogto ah
✨ Hami sare oo ay wehliyaan yididiilo iyo adkaysi
✨ Kaalmooyin sare oo heer qaran ah
Waxaasoo dhan waxay suurtagal ku noqdeen: ✔️ Aqoonta iyo juhdiga aan kala har lahayn ee macallimiinta
✔️ Taageerada joogtada ah ee waalidiinta
✔️ Iyo ugu dambeyn, fududeynta iyo waafajinta Rabbi Subxaanahu Watacaalaa
🤲 Waxaan halkaan uga diraynaa dhambaal duco iyo dhiirrigelin ah dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee u dareeraysa imtixaanka – gaar ahaan bahda qiimaha leh ee LGSS. Waxaan leenahay:
💫 Guul baan idiin rajeyneynaa!
💫 Alle ha idiin sahlo imtixaanka, ha idiin furo albaabada guusha iyo mustaqbalka ifaya.
Bahda Luuq Ganane Secondary School waxay idinla garab taagan yihiin niyad wanaag, duco iyo taageero!
18/06/2022
Bismillahi manta o ay tarikhdu tahay 18/06/022 waxa kabilaabanayo wadankoo idil imtixanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad
Waxaan alle ogu baryeynaa in uu alle ufududeyo dhamaan ardayda somaliyed ee manta ufadhisanya imtixankas
Waxase xusimad mudan in manta u kamid yahay LUU GANAANE Secondary School Dugsiyada ufarisanayso imtixanka shahaadiga ah
Wana dufacadii 5aad ee ufariisata imtixaanada shahaadiga ah markii la aas asay kadib
Wxan alle ogu rajaynaynaa in ay noqdaan kuwii guulo kagaray , faraxad iyo magacna usoo hoya degmadooda , school kooda iyo gobolkoo idil Idim alle
14/02/2022
Asc dhamaan bulshada somaliyeed gaar ahaan Rer Luuq Ganaane pagekani waa mid cusub
Kaasoo lagu so gudbin doono wixii xog iyo hormar ah ee ay gaaraan dhamaan ardeyda somaliyeed gaar ahaan kuwa .
Ururku waa midowga ardayda Luuq ee GobolkaBanaadir!!! UJEEDOOYINKIISU WAA::
Ujeedooyinka Ururka midawga ardayda Luuq ee Gobolka Banaadir iyo dhalinyarada Luuq..
Dhow
1) Isku_xirka, Xoojinta Midnimada iyo wadajirka ardayda rer Luuq Ganaane ee Ku dhaqan Muqdisho iyo dhamaan gobolada dalka, iyadoo la ilaalinayo mabaadida guud ee inoo dagsan, laguna soconayo ismaqal iyo wadatashi buuxa.
2) La socoshada xaaladaha ardayda iyo xalinta dhibaatooyinka Ku horgudban ardayda iyo caawinta qof waliba oo ay soo wajahdo xaalad ka xoogan xal u helisteeda.
3) ) Qabaahada koorsooyin kala duwan iyo barnaamijyada aqoon is waydaarsiga ah taasoo looga gol leeyahay kor u qaadidda iyo tayaynta waxbarashada ardayda degmadda luuq.
4) Diiwaangalinta isku-xirka Luuq, ayadoo laga diiwaangalinayo ururwaynaha ardayda somaaliyeed iyo xarumaha waxbarashada, Si loo helo Ilo waxbarsho lacag la'aan ah iyo qiimo dhimis waxbarasho, si loogu sahlo dhalinta sii wadidda waxbarashadooda.
5)) Soodhawaynta, dajinta, u fududeynta iyo fahansiinta ardayda cusub dabeecadaha waxbarashada heerka jaamacadeed.
6) Qabashada kulammo wayn oo looga hadlaayo maasiirka iyo horumarinta degmada Luuq Ganaane, si looga faa,iideeyo aqoonta iyo maskaxda saafiga ah ee aqoonyahanka iyo waxgaradka rer Luuq.
7) Samaynta Santuuqa dhaqaalaha, kaasoo loo dajinayo siyaassad togan oo fududaynaysa helista qarashaadka la doonayoh in lagu fuliyo howlgallada guud ee ururka iyo habka lagu maareynayo, kaas oo u jeedkiisu yahay u fududeynta howlaha ardayda iyo horumarinta Degmada luuq Ganaane.
8) isku xiridda ardayda, aqoonyahannada jaamacada kasoo baxay, ganacsatada, odayaasha, Garabka Haweenka, Iyo qurbajoogta degmada Luuq Ganaane, si loo mideeyo aragtiyada, xoogg iyo dhaqaalaha lagu hormarinayo degmada. Iyadoo maamulka ururku uu samayn doono tiro koob rasmi ah, sidoo kalena uu jaangoyn doono qof kaste iyo waxa laga doonayo hadii ay ahaan lahayd Hal abuur fikir, Qarash, Xoog iyo xeeladba.
fogfog.
Taaba galinta ujeedooyinka dhow kadib, waxa maamulku midawga ardeyda ee luuq uu u tallaabsan doonaa horumarinta degmada Luuq Ganaane, taas oo wax laga qaban doono dhinacyada waxbarashada, wadooyinka, qurxinta bilicda magaalada, ka qadashada agab wax barasho iyo iwm, iyadoo lala kaashanayo cidkaste oo gacan ka gaysan karto, dhiirigalinta Ardeyda iyo kor Uqaadida tayada wax barasho ee degmada sidokle casriyaynta beeraha iyo , tayaynta caafimaadka degmada, iyo dhiirigalinta dhamaan ardeyda degmada.
kore waa ardeyda assaaska u ah Ururkan fikirkan wanagsana keentay.
Wallow ay jiraan tiro badan oo uu waqti Usaa mixi waayey, kana muuqan sawirkan cillado ayaga u gaar ah owgeed, balse uu muuqdo wax qabadkooda.
U jeedkeenu waa Horumar iyo Meel sare tiigsi aan gacmaha isqabsano Si aynu meel sarre U gaarno🙏
priority with Dabcad
haka Hilmaamina magaciin jirye.