Sahal Training & Research center

Directions Website

Sahal Training & Research center Online Training and research center

08/08/2026

🎓 HAMBALYO IYO SOO DHOWEYN
Jaamacadda caalamiga ah, ee Al-Imra waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyaynaysaa: Mudane Mohamed Hassan Abdullahi, oo loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Waxbarashada Sare iyo Cilmibaadhista (Vice Rector of Postgraduate & Research).
Waxaan u rajaynaynaa guul, horumar iyo hoggaan wax-ku-ool ah, isagoo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta waxbarashada postgraduate-ka iyo cilmibaarista jaamacadda.
Hambalyo iyo guul ayaan kuu rajaynaynaa!

🎓 CONGRATULATIONS & WELCOME
Al-Imra International University warmly congratulates Mr. Mohamed Hassan Abdullahi on his appointment as Vice Rector of Postgraduate & Research.
We wish him every success in his new role as he contributes to advancing postgraduate education, research, academic excellence, and institutional development.
Congratulations and best wishes for a successful tenure!















QAABKA FAA'IDADA AY QAYBSANAYAAN SOMALIA & SHIRKADDA QODAYSA SHIDAALKA: Shidaalkii lasoo saaro, xaddiga uu doono ha le'e...
28/10/2024

QAABKA FAA'IDADA AY QAYBSANAYAAN SOMALIA & SHIRKADDA QODAYSA SHIDAALKA:

Shidaalkii lasoo saaro, xaddiga uu doono ha le'ekaade marka h**e intaanay qeybsan Dawladda iyo Shirkaddu waxaa laga jarayaa 10% oo ah waxa loo yaqaan (Royalty)-ga, taas oo qasnadda dawladda ku dhacaysa, 90%ka soo hadhayna waxaa loo qeybinayaa sidatan:

70% waxaa qaadanaysa shirkadda oo u goosanaysa qarashkii ka baxay, qarashkaasi ha noqdo qarashkii raasumaalka ahaa ee ka galay ceelasha shidaalka intaan wax soo saarka la gaarin (Capital Expenditures) ama ha noqdo qarashaadkii ay gashay si ay shaqada u socodsiiso (Operational Expenditures), arrintaasina waxa ay soconaysaa ilaa ay shirkaddu ka wada dhamaysanayso dhamaan qarashaadkii ka baxay oo dhan, taas oo laga yaabo in ay qaadato sanado badan, iyadoo ay ku xidhantahay hadba xajmiga uu le'egyahay qarashka ka baxay iyo qaabka loo xisaabiyay intaba. Sida dabiiciga ahina arrintaasi waxa ay qaadataa 5 ilaa 8 sanadood oo sanadaha wax soosaarku socda ah.

30% soo hadhay waxa ay noqonaysaa faa’ido, ka wada dhaxaysa Shirkadda iyo Dawladda Soomaaliyeed. sida loo qaybsanayo faa’idadaasna, waxaa lagu xusay heshiiskii u danbeeyay ee Turkiga lagu galay, iyadoo lagu sheegay in hanaanka faa’idada loo qaybsanayo uu noqon doono mid ah 50%- 50% oo dawladdu qaadan doonto kala badh, shirkaduna kala badh.

Tusaale ahaan, haddii bishan Octobar lasoo saaray 100K oo foosto, waxa loo qeybinayaa sidatan:
10K oo foosto waxa ay u go’aysaa royalty oo dawladda qaadanaysa.

90K ee soo hadhayna sidan bay noqonaysaa: 63K oo foosto oo ka dhigan 70% waxaa qaadanaya shirkadda oo qarash ahaan ula go’aysa, 27K ee foosto ee soo hadhay oo ka dhigan 30% waxaa kala qeybsanaya dawladda iyo shirkadda oo midkiiba 13.5K oo foosto faai’ido ahaan u qaadanayaa.

Kadib 13,500 ee foosto, ee soomaalida ku soo aada ayaa loo sii kala qeybsan doonaa sidatan:

55% waxaa qaadan doonta Dawladda Dhexe, taas oo ka dhigan 7,425 foosto.
25% waxaa qaadan doona Dawlad Goboleedka shidaalka laga soo saaray, taas oo ka dhigan 3,375 foosto.
10% waxaa qaadan doonta Degmada Shidaalka laga soo saaray oo ka dhigan 1,350 foosto.
10% waxaa qeybsan doona dawlad goboleedyada kale 1,350 foosto.

Marka la gaaro marxalad ah in shirkaddu ay gudsatay dhamaan qarashaadkii raasumaal ee h**ey uga baxay, marxaladdaas waxaa loo qeybsan doonaa shidaalka sidatan:

10% Royalty, toos qasnadda dawladda ugu dhacaysa.

90% soo hadhay, waxaa laga jarayaa qarashaadka sida joogta ah u baxa ee ay shirkaddu gasho ee loo yaqaan qarashaadka socodsiinta shaqada, sida mushaharaadka shaqaalaha, qalabka sida maalinlaha loo isticmaalo, iyo dhamaan qarash kasta oo joogto ah. Wixii intaa kasoo hadhay ayaa noqonaya shidaalka faa'idada oo labada dhinac si isle'eg ay u qeybsan doonaan. Marxaladdan waxaa suurta gal ah in ay gaarto qismiga Somalia ka helayso 100 kun ee foosto ee lasoo saaro, wax ka badan 40 kun oo foosto, halkii ay awal ka helaysay 13,500 oo foosto.
Xigasho Khaalid

Kolka h**e hambalyo dhammaan reer Hirshabeelle. Munaasabadda sanndguurada ayaan idiinku hambalyaynayaa.Boodal waa erey m...
05/10/2024

Kolka h**e hambalyo dhammaan reer Hirshabeelle. Munaasabadda sanndguurada ayaan idiinku hambalyaynayaa.
Boodal waa erey micnihiisu yahay ‘nin geesi ah’, wiil iyo gabartoona boodal lama odhan karo, oo wuxuu u gaar yahay darajada nin. Magacana waxaan ku doortay ragannimada iyo kartida hoggaamineed ee Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Caliguudlaawe) uu sooyaalka Soomaalida ku soo biiriyay.

Buuggan Boodal waa dhigane aan ku dhiteeyay waxqabadka boodalka, aarka ama halyeyga ah ee madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Caliguudlaawe) iyo sooyaalka dawladda Hirshabeelle. Geesigan ugu da’da yar madaxweynayaasha ayaa haddana ugu waxqabad wanaagsan. Waxaan leeyahay mudane madaxweyne mahadsanid malyuun jeer.
Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle)

Axmed Maxamed Islaan (Axmedmadoobe) wuxuu ku adkaystay arrin u daran reer Jubbaland.Haddii uu halkaa taagnaado, xalku wu...
05/10/2024

Axmed Maxamed Islaan (Axmedmadoobe) wuxuu ku adkaystay arrin u daran reer Jubbaland.
Haddii uu halkaa taagnaado, xalku wuxuu noqonayaa is beddel siyaadadeed. Reer Puntland oo raysalwasaare qaata, Jubbaland-na la tuuro.
Hadduu xal oggolaado raysalwasaare Xamse iyo xukuumaddiisa danqaran way joogi karaan.
Axmed halala hadlo, kursigiisu wuxuu luminayaa kursi kale, oo muhiim ah.

Raysalwasaare ama raysalwasaare la'aan.

Address

Haji Basto
Mogadishu
002522

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahal Training & Research center posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category