28/10/2024
QAABKA FAA'IDADA AY QAYBSANAYAAN SOMALIA & SHIRKADDA QODAYSA SHIDAALKA:
Shidaalkii lasoo saaro, xaddiga uu doono ha le'ekaade marka h**e intaanay qeybsan Dawladda iyo Shirkaddu waxaa laga jarayaa 10% oo ah waxa loo yaqaan (Royalty)-ga, taas oo qasnadda dawladda ku dhacaysa, 90%ka soo hadhayna waxaa loo qeybinayaa sidatan:
70% waxaa qaadanaysa shirkadda oo u goosanaysa qarashkii ka baxay, qarashkaasi ha noqdo qarashkii raasumaalka ahaa ee ka galay ceelasha shidaalka intaan wax soo saarka la gaarin (Capital Expenditures) ama ha noqdo qarashaadkii ay gashay si ay shaqada u socodsiiso (Operational Expenditures), arrintaasina waxa ay soconaysaa ilaa ay shirkaddu ka wada dhamaysanayso dhamaan qarashaadkii ka baxay oo dhan, taas oo laga yaabo in ay qaadato sanado badan, iyadoo ay ku xidhantahay hadba xajmiga uu le'egyahay qarashka ka baxay iyo qaabka loo xisaabiyay intaba. Sida dabiiciga ahina arrintaasi waxa ay qaadataa 5 ilaa 8 sanadood oo sanadaha wax soosaarku socda ah.
30% soo hadhay waxa ay noqonaysaa faa’ido, ka wada dhaxaysa Shirkadda iyo Dawladda Soomaaliyeed. sida loo qaybsanayo faa’idadaasna, waxaa lagu xusay heshiiskii u danbeeyay ee Turkiga lagu galay, iyadoo lagu sheegay in hanaanka faa’idada loo qaybsanayo uu noqon doono mid ah 50%- 50% oo dawladdu qaadan doonto kala badh, shirkaduna kala badh.
Tusaale ahaan, haddii bishan Octobar lasoo saaray 100K oo foosto, waxa loo qeybinayaa sidatan:
10K oo foosto waxa ay u go’aysaa royalty oo dawladda qaadanaysa.
90K ee soo hadhayna sidan bay noqonaysaa: 63K oo foosto oo ka dhigan 70% waxaa qaadanaya shirkadda oo qarash ahaan ula go’aysa, 27K ee foosto ee soo hadhay oo ka dhigan 30% waxaa kala qeybsanaya dawladda iyo shirkadda oo midkiiba 13.5K oo foosto faai’ido ahaan u qaadanayaa.
Kadib 13,500 ee foosto, ee soomaalida ku soo aada ayaa loo sii kala qeybsan doonaa sidatan:
55% waxaa qaadan doonta Dawladda Dhexe, taas oo ka dhigan 7,425 foosto.
25% waxaa qaadan doona Dawlad Goboleedka shidaalka laga soo saaray, taas oo ka dhigan 3,375 foosto.
10% waxaa qaadan doonta Degmada Shidaalka laga soo saaray oo ka dhigan 1,350 foosto.
10% waxaa qeybsan doona dawlad goboleedyada kale 1,350 foosto.
Marka la gaaro marxalad ah in shirkaddu ay gudsatay dhamaan qarashaadkii raasumaal ee h**ey uga baxay, marxaladdaas waxaa loo qeybsan doonaa shidaalka sidatan:
10% Royalty, toos qasnadda dawladda ugu dhacaysa.
90% soo hadhay, waxaa laga jarayaa qarashaadka sida joogta ah u baxa ee ay shirkaddu gasho ee loo yaqaan qarashaadka socodsiinta shaqada, sida mushaharaadka shaqaalaha, qalabka sida maalinlaha loo isticmaalo, iyo dhamaan qarash kasta oo joogto ah. Wixii intaa kasoo hadhay ayaa noqonaya shidaalka faa'idada oo labada dhinac si isle'eg ay u qeybsan doonaan. Marxaladdan waxaa suurta gal ah in ay gaarto qismiga Somalia ka helayso 100 kun ee foosto ee lasoo saaro, wax ka badan 40 kun oo foosto, halkii ay awal ka helaysay 13,500 oo foosto.
Xigasho Khaalid
05/10/2024
05/10/2024
19/07/2024
03/07/2024