Omar Mohammed Abdi 77

Omar Mohammed Abdi 77

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Omar Mohammed Abdi 77, Educational consultant, Mogadishu.

26/09/2023

Hilmaamka badan iyo Garaadka

Cilmi baaris ay samayeen laba proffesor oo ka tirsan jaamacadda Toronto oo lagu kala magacaabo Professor Richards iyo Paul Frankland ayay ku ogaadeen in hadii uu qofka yahay qof ilooba waxayabaha yar yar (Forgetful) ay noqon karto calaamad muujinaysa in qofka garaadkisu sareeyo (greater intelligence).

Cilmi baarista ayaa intaas ku dartay in maskaxda qof ay xasuusato oo kaliya waxyaabaha ay markaas u arkayso inay muhiimka u yihiin sido kalena ay iska hilmaanto waxyabaha aysan muhiimka u arkayn si ay u wanaajiso goan qaadashada.

Hadaa is aragto adigoo hilmaamaya waxyaabo ku qorshaysnaa ha walwalin waxa laga yaaba inad aad u garaad sarayso.

FG: hadii aad aragto adigo hilmamaya waxyabaha muhiimka ah waa lagu yaabaa ee iska gaar ayay cilmi baaristu leedahay.

24/09/2023

Marwalba oo aad akhriska badiso waxaa waajib ah inaad yeelato garaad sare lana baratami kartid odayaal/islaamo kaa da'weyn 50 sano 60 sano amaba 100 sano ku dhawaad.

20/09/2023

๐—œ๐—ฆ๐—ž๐—” ๐——๐—”๐—”๐—ช๐—˜๐—˜ ๐—›๐—”๐—ฅ๐—š๐—”๐—•๐—ž๐—” ๐——๐—›๐—”๐—ž๐—›๐—ง๐—”๐—ฅ ๐—Ÿ๐—”โ€™๐—”๐—”๐—ก
๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—พ๐—ฎ ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐˜€ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ:
Cilmibaaris lagu soo daabacay joornaalka "Chest" waxaa lagu xusay in cabidda maraq kulul oo laga sameeyay qudaar iyo digaag la isku kariyay in ay aad u yarayso faafidda ama tarmidda jeermiska feyraska ee hergabka keeno, waxay kaloo xustay dadka joogteeyo cabista maraqa in ku yar tahay in uu hergab ku dhaco!
Hargabka ama dureyga wali ma iskaga daawaysey Maraq?
Faalada u koreysa ka akhriso sida aad iskaga daaweyn lahayd hargabka dhakhtar laโ€™aan
SHARE
W/Q Dr Amen

Photos from Omar Mohammed Abdi 77's post 19/09/2023

Akhristayaal waxa aan qalinka u qaatay faaโ€™idada akhrisku leeyahay iyadoon aanan ku soo kooobi karin qoraal kaliya balse isku deyaya in aan wax ka yara tilmaamo.

Waxaa mahad iska leh Allah (SWC) ina baray qalinka iyo qoraalka, dadkana baray waxaanay aqoon ulahayn .

Faโ€™iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno.

1.Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.

2.Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ayuu akhris ku gaadhayaa, wakhti uuna noolayna ummaddii joogtay ayuu waayahooddii akhrisanayaa.

3.Akhrisku waxa uu kobciyaa xusuusta qofka, wuxuna daawo u yahay cudurka dadka waawayn ku dhaca โ€œAsaasaqnimada โ€.

4.Akhrisku waxa qofka ku abuuraa in uu wax mala-awaali karo.

5.Akhrisku wuu ku horumarinayaa wuxuna kaa caawinayaa in aad gaadhid guulo badan oo aad ku hammiyaysay.

6.Akhriska waxa aad kaga dhuuman kartaa walwalka iyo dhibaatadda inaggu lamaan, buug aad akhrido ayaa ku ilowsiinaya wixii ku haystay oo kuu sawiraya duni kale oo xasiloon oo aad ku raaxaystid.

7.Akhriska waxa aad ka helaysaa macluumad badan oo aad kaga jawaabtid daruufaha nololeed ee ku haysta. Waxa uu ku siinayaa fikraddo cusub oo aad kaga baxdid daruufaha kolba ku haysta.

8.Waxa aad ka helaysaa caqli cusub iyo murti cusub oo aad wax ku abuurtid, buugta waxa ku kaydsan afkaaro iyo aqoon wixii dunidan soo martay.

9.Akhrisku waxa aan suuro-galka ahayn ayuu suuro-gal ka dhigaa, waxa uu ku fududaynayaa qabashadda waxyaabo aad lahayd suuro-gal maaha ama aan caqligaaga soo galin.

Maah maah ingiriisiya ah baa tidhaa โ€˜Hal buug oo fiican oo aad akhridaa waxa ay la mid tahay sidii aad adigu dib u qortay buugaas ,haa waa run, haddii aad buugaas dhuuxday, oo aad si fiican u fahantay ,

Xikmaddii ku jirtayna kala soo dhex baxday, miyaanad lahayn aqoontii uu lahaa qoraagaasi adiga oo ilaalinaya xuquuqda qoraaga oo aanad sheegan aqoontii aad ka soo daalacatay. Mid kalena waxay tiraahdaa

Haddii aad akhridid buugaag fiican waxa ay la mid tahay adiga oo la doodaya mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo maray,

haa waa dhab, akhristuhu waa sidii qof isku dayaya in uu la sheekaysto oo xaal waraysto mufakiriintii iyo aqoonyahanaddii dunidan soo martay kuwii dhintay iyo kuwa noolba oo ayna suuro gal noqoteen la kulankoodu.

Umadda wax akhridaa waa ummad horumarsan oo ka xadaarisan ummadaha kale, ummadaha horumaray waxa ay caan ku yihiin maalgalinta aqoonta iyo goobaha akhriska.

Halka ummadaha dibu dhacayna waxa lagu gartaa in aqoonta iyo goobaha akhriska ayna daryeelin oo maaliyad yarna u qorsheeyaan goobaha waxbarasho. Ummadda aan caruurtooda iyo dadkooda ku barbaarin akhriska waxa ay u nugul yihiin in ay ka dhacaan horumarka dunidan ka socda. Ummaduhu siday u kala horumarsan yihiin waxa lagu qiimeeyaa Literacyga (inta wax akhrida iyo inta aan waxba akhrin).

Cilmi baadhis laga sameeyey dadkii ugu caqliga iyo aqoonta badnaa aduunkan soo mara ayaa waxa lagu ogaaday in hal shay ka sinayeen oo ay ahayeen dad wax-akhriska joogteeya Waxa laysku raacsan yahay in qofba qofka uu ka akhris badan yahay uu ka aqoon iyo garasho sareeyo qofka kale.

Xigmad ingiriis ah baa Tiraahda โ€œtake time to read, itโ€™s the source of knowledge.โ€ oo micnaheedu tahay, Wakhti sii inad wax akhrido , waayo waa ilaha cilmigu ka soo burqadoโ€

Xigmad kale oo jabaanis ah ayaa tiraahda โ€ Reading is like the daily live eating.โ€ micnaheedu waa;. wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda wakhti , haddaba ugu fikir wax akhrinta sida cuntada oo kale .

Caalim reer Galbeed ah oo la dhaho Alberto mar la weydiiyey yaa hogaamin doona aduunka ? wuxuu ku jawaabay (cida garanaysa sida wax loo akhriyo ).

GUNAANAD

Haddaba, waxaa Hubaal ah in wax akhrisku yahay fure iyo fursad aad ku horumari karto. waa in aan ku dadaalna akhrinta wakhtina siina haddu doono ha koobnaade si aan wax u akhrino wax badan u ogaano.

19/09/2023

Waxan dhawan ka hadli doona faa,iida uu leyahay wax akhriska .
Sodhawada asxbta. ๐Ÿ™

Photos from Omar Mohammed Abdi 77's post 18/09/2023

Hambalyo waxa ay glbta guushu raacday gobolka nugaal.

18/09/2023

Mar walba Allah talada u dhiibo ...

17/09/2023

Glb wngsn sxbyal โ˜•๏ธ ๐Ÿง‹ ๐Ÿ™

16/09/2023

"Allah haduu ku aqbalo dadku waxba maha" ๐Ÿ˜ ๐Ÿ™

Photos from Omar Mohammed Abdi 77's post 18/01/2023

Dhabar jabka iyo dulliga ummadeenna ku habsaday waxa ugu weyn ee sababay, waa in ubadkeenna aysan aqoon taariikhdooda qiimaha badan iyo in aysan waxba ka aqoon taariikhda geesiyaashii islaamka taasna waxaa sababay manhajka waxbarashada oo aad u liito iyo tarbiyada guriga oo asaaska aheyd oo iyadana liidato.

Geesiyaal Taariikhda galay๐Ÿฅฐ๐Ÿ’ซ
โœ Wll_Bosnia

24/12/2021
Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu