Somali International Primary and Secondary School

Somali International Primary and Secondary School Fadlan ku soo biir Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali.

OGEYSIIS  OGEYSIIS MUHIIM AH!.Dhammaan maamulka, macallimiinta iyo ardeyda Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali waxaa la oge...
31/10/2022

OGEYSIIS OGEYSIIS MUHIIM AH!.

Dhammaan maamulka, macallimiinta iyo ardeyda Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali waxaa la ogeysiinayaa in uu fasax yahay Iskuulka muddu saddex maalin ah oo ka bilaamanaysa maanta oo ay taariikhdu tahay 31-10-2022, waxaana laysku soo laabanayaa 5 bisha November 2022 maalin Sabti ah insha Allah.

Waxaa saaka si rasmi ah xarunta dhexe ee Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali uga billaamay imtixaan bileedka sannad dugsiye...
15/10/2022

Waxaa saaka si rasmi ah xarunta dhexe ee Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali uga billaamay imtixaan bileedka sannad dugsiyeedka 2022-2023.

''Dhammaan Maamulka iyo Macallimiinta waxay bogaadinayaan dhammaan ardeyda u fariistay imtixaanka waxayna alle uga baryayaan inuu u fududeeyo imtixaanka,,.

Jimco wanaagsan dhammaan  bahda Somali International Primary and Secondary School .
14/10/2022

Jimco wanaagsan dhammaan bahda Somali International Primary and Secondary School .


HAMBALYO HAMBALYO MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED.Dhammaan ummadda soomaaliyeed waxaa ugu hambalyaynaynaa  Xuska munaasaba...
12/10/2022

HAMBALYO HAMBALYO MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED.

Dhammaan ummadda soomaaliyeed waxaa ugu hambalyaynaynaa Xuska munaasabadda Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. waxa ay ku beegan tahay 68 sanno ka hor halyey maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo wada jirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.

Dhammaan muslimiinta meel walba ay joogaan waxaan ugu hambalyaynaynaa munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna  Muxamad ...
09/10/2022

Dhammaan muslimiinta meel walba ay joogaan waxaan ugu hambalyaynaynaa munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamad Nabad-gelyo iyo Naxariis korkiisa ha haateeﷺ.

01/10/2022
Isqorista ardayda cusub sanad dugsiyeedka 2022-2023 way socotaa
01/10/2022

Isqorista ardayda cusub sanad dugsiyeedka 2022-2023 way socotaa

Jimco wanaagsan ayaan idin leennahay dhammaantiin bulshada jecel waxbarashada ee halkaan ku xiran.   .  .  .  .
29/09/2022

Jimco wanaagsan ayaan idin leennahay dhammaantiin bulshada jecel waxbarashada ee halkaan ku xiran.


.
.
.
.

Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa lacag la’aan ka dhigtay adeegga bixinta shahaada dugsiga...
28/09/2022

Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa lacag la’aan ka dhigtay adeegga bixinta shahaada dugsiga sare ee dalka, sida uu sheegay Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya mudane farax Sheekh Cabdulqaadir

Ogeysiis Ogeysiis  Ogeysiis!Dhammaan waalidiinta iyo bulshada kale ee ku nool Gobalka Banaadir waxaa la ogaysiinayaa in ...
04/09/2022

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis!
Dhammaan waalidiinta iyo bulshada kale ee ku nool Gobalka Banaadir waxaa la ogaysiinayaa in Dugsiga Caalamiga ah ee Soomaali uu billaabay qaadashada ardayda cusub sannad dugsiyeedka 2022-2023.

Haddii aad doonayso waxbarasho tayo leh fadlan ubadkaaga u door Dugsiga SOOMAALI.
Dugsigu waxa uu ku yaallaa Degmada Hawl-Wadaaag gaar ahaan isgoyska baar-ubax dhabarka dambe ee masjidka Maryama.
Wixii warbixin dheeri ah nagala soo xariir telefoonnada 0616446755 ama 615946434.



Address

Baar-Ubax
Mogadishu

Telephone

+252615946434

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali International Primary and Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Somali International Primary and Secondary School:

Shortcuts

Share

Category