23/07/2025
Tababar heerkiisu sareeyo ayuu qayb ka ahaa Gadomomiyaha uuruka HankaabTIA,
Mohamed Abdi Dalboon Tababarkaas oo ay soo agaasimeen uruka Union of Mogadishu University students UMUS .
Waxaan u mahadcellineynaa tababare eng sayyid Ali Gabane iyo bahdii soo agaasintay guud ahaanba.
Tababarkaas oo cinwaankiisu ahaa;-
๐๐จ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐๐: ๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ค๐ก๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ ๐๐-๐๐๐ฆ๐ข๐๐ ๐๐ง๐ญ๐๐ซ๐ง๐๐ญ๐ค๐.
Union Of Mogadishu University Students -UMUS.
21/03/2025
Ku celcelintu waxa ay isku rogtaa aamminaad.
Aaminaaddaasina marka ay noqoto qanaaco dhammaystiran, arrimuhu waa ay dhaboobaan.
21/03/2025
daawasho wacan
10-ka Maalmood ee Ugu Dambeeya Ramadan;8-Hab oo aad uga faa'iideysan karto maalmahaan dahabiga ah.
10-ka Maalmood ee Ugu Dambeeya Ramadan;9-Hab oo aad uga faa'iideysan karto maalmahaan dahabiga ah.1.Salaadda Habeenka (Qiyaamu Layl) Kordhi, 2. Akhriska Qurโ...
21/03/2025
Afar Xeer oo Muhiim ah si Aad u Noqoto Qof Caqli Badan:
1. Inaad Hadal ka yarayso
2. Inaaf Dhegaysato wax badan
3. Inaad Ka falcelinta yarayso
4. Inaad U fiirsato wax badan
21/03/2025
10-ka Maalmood ee Ugu Dambeeya Ramadan: Fursad Dahabi ah oo Laga Faaโiidaysto
Ramadan waa bil barakeysan, laakiin 10-ka maalmood ee ugu dambeeya waa kuwa ugu qiimaha badan. Waa xilliga ajarka la labanlaabo, danbiyada la dhaafo, iyo fursadda ugu weyn ee lagu helo Laylatul Qadr, habeen ka khayr badan 1,000 bilood! Haddaba, sidaan ayaynu uga faaโiidaysan karnaa:
1. Salaadda Habeenka (Qiyaamu Layl) Kordhi
Dadaal dheeraad ah geli salaadda habeenkii, siiba Taraawiixda iyo Tahajudka. Waa waqti lagu helo ajar weyn iyo dambi dhaaf.
2. Akhriska Qurโaanka Badso
Qurโaanka akhri, faham, oo la falgal si aad ruux ahaan u kobocdo.
3. Duco Badso โ Codso Waxa Aad Rabto
Rasuulku (SCW) wuxuu yiri: "Habeenkii Laylatul Qadr, ilaahay waa cafis badan yahay, wuuna jeclaanayaa cafinta, ee badi inaad tiraahdo: โAllaahumma innaka โafuwwun tuhibbul-โafwa faโfu โanniโโ (Tirmidhi).
4. Sadaqada iyo Samafalka Kordhi
Bixi sadaqo si aad u hesho ajar aan la koobi karin. Wax walba oo aad wax ku tari karto, ha yaraadeen ama ha weynaadeenba, waxay leedahay ajar weyn.
5. Laylatul Qadr Raadso
Laylatul Qadr waxay ku jirtaa 10-ka habeen ee ugu dambeeya, gaar ahaan habeenada kala bararka ah (21, 23, 25, 27, ama 29). Habeenkaas cibaadada u badi, maxaa yeelay waa habeen ka wanaagsan 83 sano iyo 4 bilood!
6. Tobanka Habeen ee Dhammaan Dadaal
Haku koobnaan hal habeen, ee dadaal tobankaba. Rasuulka (SCW) wuxuu tobankan habeen u huray cibaado.
7. Xasuusta Ilaahay Badso (Dhikr & Istighfaar)
Xus Ilaahay maalin kasta: Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Laa ilaaha illa-llaah, Allaahu Akbar, Astaghfirullaah.
8. Xiriirka Qoyska Xooji
Ka faaโiidayso fursaddan si aad u xoojiso xiriirka qoyskaaga, la wadaag farxadda Ramadan.
9. Naftaada Murqo Gali โ Fikir iyo Dib u Milicsi
Tobankaan habeen waa fursad aad u qiimo badan si aad noloshaada dib u eegto, qorshe mustaqbal samayso, oo Ilaahay la xiriirto.
10. Ictikaaf โ Waqti Gooni ah oo Ilaahay Loo Huro
Haddii aad awoodo, waqti gooni ah u samee cibaadada, si aad u hesho xoogaa sakoon ah.
Gunaanad
Haddii aad rabto inaad Ramadan ka faaโiidaysato, hadda waa fursaddii ugu dambeysay! Ku dadaal tobankaan habeen, oo Ilaahay ka bari inuu kaa dhigo kuwa guuleysta.
Fadlan la wadaag qoraalkan si ajarkeeda aad u hesho!
---
21/11/2024
Hambalyo dhammaan macallimiinta soomaaliyeed.
13/11/2024
Qaybo ka mid ah marti sharaftii ka soo qayb gashay tababarkii ay xarunta Hankaab Training and Internship Association u qabatay qaybo ka mid ah dhallinyadara magaalada Mogadishu, laguna qabtay Jamacada darul hikma.
Mahad Mohamed Salad
Farxiyo Qaliif Colow
Ahmed Ali Ahmed ali
Ibrahim Kaire
Mohamed Abdi Dalboon
Abdirahman Ahmed matan
100M Followers
Darul Hikmah University-DHU
training and Internship Association
13/11/2024
Qaar ka mid ah dhallinyaradii ka faa'iidey tababarkii ay u qabatay xarunta Hankaab Training and Internship Association ku dhawaad 50 arday.
09 February 2023, xarunta dhisidda hanka dhalinyarada ee Hankaab Training and Internship Association oo kaa shaneeysa Jaamacadda Daarul Hikmah University waxeey qabatay Seminar ku saabsanaa ( How to set goals and a chive them).
seminarku wuxuu ka dhacay xarunta jaamacadda ee 6-Piano waxaana soo jeediyay Agaasimaha guud ee Xarunta dhisidda hanka dhalinyarada ee Hankaab Mohamed Abdi Mohamed "Alamtara".Waxaana ka faa'ideestay ku dhawaad 50 arday.