15/01/2026
Khamiis, 15 Janaayo 2026
Cashir Ku-celin iyo Muraajaco – Kulliyadda Xisaabaadka
Guddoomiyaha Kulliyadda Xisaabaadka, Mudane Ali Mahamud Omar , ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey cashirradii ku-celinta iyo muraajacada ahaa ee toddobaadkan socday, kuwaas oo loogu talagalay in ardayda loogu diyaariyo imtixaanka k**a dambaysta ah (Final Exam) ee semester-kan.
Cashirradaan ayaa si weyn uga caawiyey ardayda fahamka maaddooyinka, xoojinta aqoontooda, iyo u diyaar garowga imtixaanka si kalsooni leh.
Ururka FASA wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa madaxa cashir ku-celinta, Mudane Hamza Said , iyo dhammaan kooxda ka qayb qaadatay abaabulka iyo hirgelinta barnaamijkan, kuwaas oo muujiyey dadaal, karti, iyo masuuliyad sare.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Kulliyadda ayaa ardayda kula dardaarmay inay dadaalkooda laba-laabaan, waqtigoodana si hufan u maareeyaan, si ay ugu guuleystaan imtixaanka
finalka una gaaraan natiijooyin wax ku ool ah.
____________________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
14/01/2026
Kullanka Wareega Semifinalka
Koobka Kubadda Cagta ee FASA
Shalay waxa si guul leh u qabsoomay kulan ka tirsanaa wareega semifinalka ee Koobka Kubadda Cagta ee FASA, kaas oo ay isku arkeen labada fasal ee kala ah Bacc29-C iyo AU03.
Kullanka ayaa ahaa mid xiiso iyo tartan adag leh, iyadoo labada kooxoodba muujiyeen dadaal, anshax iyo ciyaar wanaag. Ugu dambayn, guusha kullanka waxa ay raacday fasalka Bacc29-C, oo si mudan u xaqiijiyey u soo bixitaankiisa wareega k**a dambaysta ah (Finalka).
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa fasalka Bacc29-C guushan muhiimka ah iyo u gudbidda Finalka tartanka. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa fasalka AU03 dadaalkii iyo ka-qaybgalka quruxda badnaa ee ay ka muujiyeen tartanka.
📌 FASA Sports Committee
⚽ Isku-duubni, Tartanno Caddaalad ah & Ciyaar Wanaag
_________________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
14/01/2026
Kullamadii Ugu Dambeeyey ee Wareega 1aad
Tartanka Debate-ka Koobka FASA
Isbuucan waxa si guul leh u qabsoomay kullamadii ugu dambeeyey ee wareega 1aad ee tartanka Debate-ka Koobka FASA. Kullamadan ayaa ahaa kuwo aad u xiiso badan, kana buuxay dood-cilmiyeedyo tayo sare leh iyo xamaasad tartan oo heer sare ah.
Kullamada doodda ee dhacay ayaa isugu yimid 6 fasal, kuwaas oo si qurux badan u soo bandhigay kartidooda dood iyo fikir-falcelin aqooneed.
Kullamada:
Bacc30-D 🆚 Bacc30-B
Bacc32-A 🆚 Bacc31-A
Bacc30-B 🆚 Bacc31-D
Guuleystayaasha:
Bacc30-C
Bacc32-A
Bacc31-D
Ugu dambayn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan kooxaha u soo baxay wareega xiga ee tartanka, sidoo kalena waxaan ku amaanaynaa kooxihii ka qeyb-qaatay dadaalka iyo ka-qaybgalka quruxda badan.
📌 FASA Debate Committee
📣 Horumarinta Aqoonta & Dood-cilmiyeedka
________________________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
09/01/2026
Kulamada K**a dambeesta Wareega Quieter Finalka ee Tartanka
Isbuucan waxaa qabsoomay 2 kulan oo ka tirsan wareega quieter finalka ee tartanka:
Kulamada:
Bacc29-C vs Bacc32-C
Bacc31-C vs AU03
Guuleystayaasha:
Bacc29-C
AU03
Hambalyo dhammaan kooxihii usoo gudbay wareega semifinalka tartanka! 🎉
______________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
08/01/2026
Khamiis, 8 Janaayo 2026
Guddoomiyaha Kulliyadda Xisaabaadka ayaa saaka dib u bilaabay barnaamijka cashir-ku-celinta ee ardayda Kulliyadda, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo diyaar-garowga ardayda ee imtixaanka final-ka semesterka.
Cashir-ku-celintan waxaa si gaar ah loogu qabtay ardayda sannadka koowaad ee jaamacadda, waxaana cashirka bixinayay Guddoomiyaha Kulliyadda laftiisa, isagoo si qoto dheer uga caawinayay ardayda fahamka maaddooyinka muhiimka ah.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ardayda ku boorriyay inay dadaalkooda laban-laabaan, si ay si wanaagsan ugu diyaar-garoobaan imtixaannada ugana gaaraan guul wax ku ool ah.
_____________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
08/01/2026
Arbaco, 7 Janaayo 2026
Panel Discussion: “Empowering Female Accounting Students for Professional Leadership”
Shalay waxaa si guul leh inoogu qabsoomay Panel Discussion lagu dhiirrigelinayay haweenka ardayda ka ah Kulliyadda Xisaabaadka (Accounting), kaas oo si wadajir ah u soo abaabulay Faculty of Accountancy - SIMAD University iyo Ururka Ardayda Kulliyadda Xisaabaadka (FASA).
Barnaamijkan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray:
🟢 Kaalinta muhiimka ah ee ay gabdhuhu ku leeyihiin hoggaanka xirfadeed iyo bulshada
🟢 Sida looga gudbi karo caqabadaha dhaqaale iyo aqooneed ee ku xeeran haweenka barta Accounting
🟢 Hababka kor loogu qaadi karo aqoonta, kalsoonida, anshaxa iyo xirfadaha xirfadeed ee ardayda gabdhaha ah
Ururka FASA wuxuu si gaar ah mahadcelin iyo bogaadin ugu dirayaa
👉 Madaxa Arrimaha Haweenka ee Ururka Ardayda Kulliyadda Xisaabaadka, Marwo Aisha Mohamud Ahmed, dadaalkeeda muuqda iyo doorkii hoggaamineed ee ay ka qaadatay hirgelinta barnaamijkan.
Sidoo kale, mahadcelin gaar ah ujeedinaynaa xubnaha kale ee si hagar la’aan ah uga qayb qaatay abaabulka iyo guusha munaasabaddan, ay ka mid yihiin:
Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Ardayda, Hodman Abdullahi Mohamud
Xoghayaha Ururka (Secretary), Maido Abdinur Mohamed
Ugu dambayn, FASA waxay u mahadcelinaysaa dhammaan macallimiintii, khubaradii (panelists) iyo ardaydii ka qayb gashay, kuwaas oo gacan weyn ka geystay guusha iyo faa’iidada dood-cilmiyeedkan.
Ururka FASA wuxuu sii wadi doonaa dadaallada lagu xoojinayo horumarka, hoggaanka iyo kartida haweenka ku jira cilmiga Xisaabaadka, si ay mustaqbalka uga noqdaan hoggaamiyeyaal xirfad iyo anshaxba leh.
07/01/2026
Arbaco, 7 Janaayo 2026
Kullanka Wareega 1aad ee Tartanka Debate-ka
Waqtiga: 11:00 AM
Goobta: Jaamacadda SIMAD, Room F3
Maanta waxaa loo balansanaa inuu qabsoomo kullan ka tirsan wareega 1aad ee tartanka Debate-ka, kaas oo ay ku tartami lahaayeen labada fasal ee kala ah Bacc30-A iyo Bacc32-C.
Si kastaba ha ahaatee, kullanka waxaa soo xaadiray oo kaliya fasalka Bacc32-C, halka fasalka Bacc30-A uusan kasoo qayb gelin kullanka. Sidaas darteed, iyadoo la raacayo xeerarka tartanka, guusha kullanka waxaa si forfeit ah ku qaatay fasalka Bacc32-C, kuwaas oo ku helay 3 dhibcood tartanka.
Ugu dambeyn, waxaan ku wargelinaynaa dhammaan fasallada kale ee weli aan ciyaarin wareega 1aad in ay si buuxda uga soo qayb galaan kullamadooda, kana qaataan kaalintooda tartanka. Fasalka maqnaada kullankiisa si toos ah ayuu tartanka uga haraya.
___________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
07/01/2026
Kullanka Wareega 1aad ee Tartanka Debate-ka FASA
Waxaa shalay si guul leh u dhacay kullanka ka tirsanaa wareega 1aad ee tartanka Debate-ka FASA.
Kullanka ayaa u dhexeeyay labada fasal ee: Bacc29-B 🆚 Bacc29-C
Kaddib dood xiiso iyo tartan aqooneed leh, guusha kullanka waxaa ku guuleystay: 🏆 Fasalka Bacc29-B
Hambalyo iyo bogaadin ayaan u direynaa team-ka guuleystay, sidoo kale mahadcelin waxaa mudan dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo taageerayaasha tartanka.
FASA – Kobcinta Aqoonta & Dood Cilmiyeedka
__________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
06/01/2026
📢 OGEYSIIS MUHIIM AH | FASA
📅 Arbaco, 6-da Janaayo 2026
⏰ Waqtiga: 11:00 AM
📍 Goobta: Jaamacadda SIMAD – Main Campus
FASA waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda in beri ay ka dhici doonto Jaamacadda SIMAD barnaamij Open Discussion ah oo cinwaankiisu yahay:
“Empowering Female Accounting”
Barnaamijkan wuxuu diiradda saaraya:
Xoojinta hoggaanka gabdhaha
Kordhinta aqoonta iyo kalsoonida haweenka ee kulliyadda Accounting
Ka doodista caqabadaha iyo fursadaha gabdhaha ku jira cilmiga xisaabaadka
✨ Waxaan si gaar ah ugu martiqaadaynaa dhammaan gabdhaha daneeya arrimaha Accounting-ga inay kasoo qayb galaan, kana faa’iideystaan dooddan muhiimka ah.
👉 Ka soo qaybgal wacan!
👉 Fursad ha moogaanina.
—
FASA | Faculty of Accountancy Student's Association-FASA
_______________________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
06/01/2026
🏆 Quarter Finalka FASA! 🏆
Isbuucaan waxaa la ciyaaray 2 kulan oo xiiso leh:
⚽ BACC32-B vs BACC30-B
⚽ BACC30-D vs BACC31-A
🎉 Guuleystayaasha:
✅ BACC30-B
✅ BACC31-A
Hambalyo kooxaha guuleystay!
Kooxaha badiye waxay u gudbeen wareega xiga ee tartanka. 💪🔥
__________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
04/01/2026
Kullanka Quarter Final-ka Koobka FASA 🏆
Waxaa maanta la ciyaari doonaa kullanka wareega 2aad (Quarter Final) ee tartanka koobka FASA.
⚽ Kullanka:
BACC32-B 🆚 BACC30-B
🕔 Waqtiga: 5:00 PM
📍 Goobta: Spondiaz Stadium
Taageerayaal iyo ardayba waa lagu soo dhaweynayaa inay kasoo qayb galaan kuna dhiirrigeliyaan kooxaha.
FASA – Sports & Culture Committee
___________________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
SIMAD University
03/01/2026
*Quarter Final 🏆FASA CUP* ⚽👇
⚽ BACC 32B 🆚 BACC 30B
📅 Sunday, 04/01/2026
⏰ 5:00 PM
⚽ BACC 31C 🆚 Audit-03
📅 Monday, 05/01/2026
⏰ 5:00 PM 🚀
⚽ BACC 32C 🆚 BACC 29C
📅 Tuesday, 06/01/2026
⏰ 5:00 PM
⚽ BACC 30D 🆚 BACC 31A
📅 Wednesday, 07/01/2026
⏰ 5:00 PM