02/11/2023
“Reading is a political act. It can challenge the status quo, question authority, and inspire change.”
Keep reading and keep resisting.
-BL Team
School of Mudanism focuses on knowledge disseminating, social change and empowering Somali youths.
School of Mudanism is an afro-centric school of thought which focuses on intellectual and knowledge disseminating, social change and empowering youths.
02/11/2023
“Reading is a political act. It can challenge the status quo, question authority, and inspire change.”
Keep reading and keep resisting.
-BL Team
03/10/2023
Shahaaddadan dugsiga sare waxaa sanadkii 1896 la siiyey Albert Einstein. Maaddooyinkii uu ku baasay waxaa ugu horreeya maaddada Xisaabta oo uu ka keenay lix dhibcood. Inta kale qaybta hoose ka fiiri.
German language and literature: 5
French language and literature: 3
Italian language and literature: 5
History: 6
Geography: 4
Algebra: 6
Geometry (planimetry, trigonometry, stereometry and analytical geometry): 6
Descriptive geometry: 6
Physics: 6
Chemistry: 5
Natural history: 5
In drawing: 4
In technical drawing: 4
Isbarbardhig ku sameey maaddooyinka lagu dhigo dugsiyadeena sare iyo kuwa uu soo qaatay Albert Einstein.
-Mudanist
01/06/2023
Waxaan xusuustaa in hooyaday ay igu garaaci jirtay in aan aado dugsiga (iskuulka) si aan wax u barto. Markaan soo xusuusto waan u duceeyaa hooyaday, iyada ayaa sabab u ah heerka aan maanta ka joogo waxbarashada.
Adiga yaa kugu dhiiriggeliyey akhriska iyo waxbarashada?
-Mudanist
21/05/2023
Farxadda dhabta ah waxaa la helaa marka aad runta isku sheegto, riyadaada ka dhabbeyso, kuna faanto waxa aad tahay iyo meesha aad hadda joogto, dhegahana ka fureysato cadaadiska dadka ka imaanaya. Si kale u dhig, adiga oo is leh saaxiibadaa raalli geli ha beddelin dabcigaaga; naftaada ahaw, adiga is ahaw, saaxiibada saxda ah iyagaa u riyaaqi doona wax aad tahay.
Kelmedda 'geesi' macnaheedu waxa uu yahay dadka u sheeg waxa aad tahay.
"Don't change so people will like you; be yourself and the right people will love you."
-Mudanist
Markaad naftaada dhisto, tacliin iyo waqti badan galiso, isku kalsoonaato ayay dad iyo duunyaba ku hoos cararayaan. Si kale u dhig, waa halka ay Soomaalidu ka yiraahdaan "qofkii naftiisa sharfo ayaa shariif ah."
Marka adiga isu cimmaamad awoowe. Cid kale ictiraaf ha ka sugin.
-Mudanist
There is a depth inside of us, whether you call that an unconscious, a soul, or an Inner Light.
****
It’s a depth that we can only know when we accept silence.
-Mudanist
Aniga oo diyaarinaya koorso ku saabsan isbeddellada lagu sameyn karo hay'adaha dowliga si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada bulsho (public services) ayaa waxaan ku dul kufay wareysigan lala yeeshay duqii h**e ee magaalada Medellin ee dalka Colombia 🇨🇴
Waxaa aad ii soo jiitay qaybtan yar ee uu kaga hadlayo qorshihiisii iyo sababihii uu ku xushay kooxdii la shaqeyneysay. Wuxuu yiri "waan aqaanay waxa aan qaban doono maalintii aan xukunka gacanta ku dhigay. Yacni, qorshe cad ayaan watay ka hor xukunka. Arrinta kale ee muhiimka ah waxay tahay waxaan xushay koox ila fulisa qorshahayga, iyaga oo iga caawinaya in aan ka dhabbeeyo riyadayda. Si Kooxdaas aan u helo waxaan tixgeliyey shantan astaamood ee hoos ku xusan:
1. Daacadnimo.
2. In ay yihiin dad aqoon iyo farsamo ahaan dhisan oo yaqaana hawlaha hortebinta inoo leh.
3. In ay fahamsan yihiin deegaanka ama magaalada laga shaqeynayo: shacabka degan, dhaqankooda, heerka nolosha, waxbarashada, dhaqaalaha iwm.
4. In ay ka go'an tahay, ku qanacsan yihiin, una hamuun qabaan fulinta hawlaha ina horyaalla.
5. Akhlaaq wanaagsan, bulshada dhexdeeda miisaan ku leh, moraal ahaan dhisan.
Intaas marka laga soo tego, dhallinyarada ku cusub siyaasadda waxaan kula talinayaa in ay akhriyaan buugga "The first 90 days." Waxa uu ka hadlayaa talaabooyinka aad qaadi karto saddexda bilood ee ugu horreyso marka xil dowladeed laguu magacaabo.
-Mudanist
Wax iiga xanuun badan ma leh markaan arko dhallinyaro Jaamiciyiin ah oo kabaha ay kaga dhammaadeen sidii ay shaqo ku heli lahaayeen.
Illaahey ha u fududeeyo; garabkoodana ha galo.
-Mudanist
02/12/2022
Big congratulations to you Mr. President.
Waxaa jirta saddex arrimood oo caqabad weyn ku ah in aad guulaysato, horayna u socoto:
1. In aad ku qanacdo meesha aad hadda joogto. Yacni, waxaad arkeysaa qof toban sano ka badan hal meel ka shaqeynayo, haddana wax horumar ahna aan gaareyn. Jug jug meeshaada iska joog.
2. In aad aaminto wax la dhaho "waxba lama qaban karo."
3. In aad wax ku raadiso waddo sahlan oo fudud. Yacni, ma jirto guul bilaash ah oo si fudud isaga imaanaysa. Ugu yaraan, waa in loo maraa jid qardajeex ah, qodax badan leh.
Intaas marka laga soo tego, adiga maxaad ku dari lahayd?
-Mudanist
Buugaagta uu qoray Niccolo Machiavelli waxaa ugu caansan The Prince laakiin waxaa jira buug kale oo la dhaho 'Discourses on Livy.' Cutubkiisa 17aad waxaa ku qoran xikmad oranaysa "Xil ha u magacaabin qof dhaawacan (cuqdadeysan) waayo berri waxa uu awooddiisa u isticmaali doonaa in uu kugu dhibaateeyo." Yacni, qof markiisii h**e la soo qaraabtay kooxdii NN ee laga adkaaday haddii aad xil qaran u dhiibato waxaa suuragal ah in uu karfantaada tolo. Waayo weli waxa uu la nool yahay xusuustiisii h**e.
"Do not empower a person whom have offended or hurted in the past... that one individual shouldn't be offended then that same one sent to an administration and governance of importance."
-Mudanist