27/08/2026
Bismillaah.
Marka h**e, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda reer Jubaland, gaar ahaan ardayda reer Luuq, oo muujiyay dadaal, karti iyo juhdi ay ku gaareen natiijooyin wanaagsan.
Si gaar ah waxaan ugu hambalyeynaynaa maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan bahda Sinai Primary School, kuwaas oo dadaal dheer, juhdi iyo shaqo adag ku bixiyay horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta jiilka soo koraya.
Sinai Primary School waa hoyga aqoonta, tarbiyadda iyo barbaarinta jiilka mustaqbalka. Guusha maanta la gaaray waxay caddeyn u tahay dadaalka joogtada ah ee maamulka iyo macallimiinta iskuulka.
Farxad iyo sharaf weyn ayay noo tahay in ardayad ka tirsan Sinai Primary School, Kafiyo Abdi Muhumed, ay ka gashay kaalinta 7-aad guud ahaan Jubaland. Tani waa guul weyn oo sharaf u ah Kafiyo, qoyskeeda, macallimiinteeda, iskuulkeeda iyo guud ahaan bulshada reer Luuq.
Kafiyo waa gabar isku darsatay karti, dadaal, akhlaaq iyo aqoon. Waxaan leenahay: Hambalyo, hambalyo, hambalyo! Guusha aad maanta gaartay waa bilowga guulo waaweyn oo mustaqbalka kuu soo socda.
Dadaalkaaga halkaas ka sii wad, hana ka daalin raadinta aqoonta. Waxaan kuu rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo ka sii waaweyn.
Hambalyo Kafiyo Abdi Muhumed!
Hambalyo Sinai Primary School!
Hambalyo reer Luuq iyo dhammaan reer Jubaland!
Guul iyo horumar joogto ah ayaan idiin rajaynaynaa.