25/09/2021
W/Q Ilyas Ilyas Mohamud Hussein
Soomaalidii h**e waxaa caado u lahayd in ninku guursado gabar aan ka tirsanayn qaraabadiisa. Qabaa'ilada qaar ceeb ayey ku ahayd in ninku guursado gabar ku reer hoose ah ama laftiisa ka tirsan. In ninku guursadaa gabar ku jilib hoose ah waxey la mid ahayd sidii nin walaashii guursadey. Caadadani waxey ku badnayd qabaa'ilada raacatada ah ee xoolodhaqatada ahaa.
Waxaa jira oraahyo Soomaaliyeed oo leh:
" Kitaab ina adeertaa kuu mehershey waa kitaab jaan".
Waxey kaloo Soomaalidii h**e oran jirtey " Abti ma laha " qofka ka dhasha laba waalid oo qaraabo dhow ah.
Soomaalidu waxey kaloo tiraahdaa: " War maxaad i moodey ?. Mid eeddadii laga dhaley maad i moodey ?, yacni sidii nin dabaal ah oo waaliddiintooda wada dhashey.
Waxaa kaloo jirta oraah Soomaaliyed oo leh: " Kor u guur, korreeyana shisheeye ka guurso, haddaad kuftidna dhulka ku taagso " .
Shaqsiyaad caan ah ayaan tusaale u soo qaadanayaa si aan u muujiyo guur- dibadeedka (exogamy).
Siyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu aabbihii ahaa Ogaadeen, hooyadiisana Dhulbahante wuxuu ka guursadey Majeerteen iyo Mareexaan.
-Janaraal Daa'uud, Aabihii wuxuu ahaa Abgaal, hooyadii Habargidir, Xaaskiisa Majeerteen.
- Cabdullahi Ciise, Aabihii Habargidir, Hooyadii, Mareexaan, Xaaskiisa Shiikhaal.
- Cabdirashiid Cali Sharmarke, Aabbihii, Majeerteen, hooyadiisa Habargidir, Xaaskiisa Carab Saalax.
- Cabduqaadir Soobe, Aabihii, Disow ( Mirifle), hooyadiisa Asharaaf, wuxuu ka guursadey Ogaadeen iyo Dhulbahante.
- Ismaaciil Jimcaale, Aabbihii, Abgaal, hooyadii, Udaajeen, Xaaskiisa Habargidir.
- Cali Dhuux, Aabihii, Dhulbahante, hooyadiisa, Isaaq, Xaaskiisa Ogaadeen.
- Muuse Galaal, Aabihii, Isaaq, hooyadii, Majeerteen.
- Danjire Shariif Saalax, Aabbihii Asharaaf, hooyadii Ogaadeen, Xasskiisa Habargidir.
-Maxamed Cabdulahi Formaajo, madaxweynaha Soomaaliya, Aabbihii Mareexaan, hooyadii Dhulbahante, Xaaskiisa Murusade.hassan sheikh Maxamuud abihii abgaal hooyadiis xawaadle.
-Maxamed Siyaad Barre, Aabbihii Mareexaan, hooyadii Ogaadeen, Xaasaskiida Mareexaan ka sokow Siyaad Barre wuxuu ka guursadey Gaaljecel iyo Majeerteen.
- Maxamed Ibraahim Hadraawi, Aabbihii Isaaq, hooyadii Dhulbahante.
Wey badan yihiin Soomaalida caanka ah oo iska dhaley laba qabiil kala duwan.
Inkastoo Soomaalidu ay ka soo jeeddo qabaa'ilo badan, haddana waxaa la yiraahdaa waa walaalo, arrimahan kor ku xusan ayaanna muujinaya xiriirka sokeeye ee Soomaalida ka dhaxeeyo. Waana sababta Soomaalidu muuqaal ahaan ay isku shabahaan.
Guurka la fogeeyo waxaa ku jira caafimaad. Saynisyahanka Mareykan Bil Hamilton ayaa wuxuu qabaa, makii uu bato guurka qaraabada dhexdeeda iska guursato in uu kordho Ilmaha ku dhasha qaabka silloon ( deformation). Dalalka Bakistaan iyo dalal badan oo Carab ah sida Kuwait ayaa cuddurada caruurta qaabka silloon ku dhasha uu ku badan yahay waxaana loo aanneeyaa guurka dadka qaraabada dhow ah oo dalalkaa ku badan.
F.G: Guurka iyo dhalasha Soomaalida caanka ah waxaan ka soo xigtey buugga Taariikhda Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Cabdalla Mansuur.