Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya

Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya

Share

WAXBARTA AAN BARWAAQA GAADHNEE!!

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 14/11/2024

14 NOVEMBER 2024.....

Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya Dhamaan Xubnihiisa kala duwan waxey dhanbaal farxadeysan u dirayaan
Gudomiye oo soo gaba gabeye Heerka 1aad ee waxbarasho Jaamacada Somaville University

Waxeynu leenahay halkaa kasii wad dadaalkaga inaguna waanu ku garab taaganahay inshaa allah

hambalyu alfa mara......
🎊🎊πŸ₯‡πŸ₯‡πŸ₯‡πŸ₯‡πŸŽπŸŽπŸŽπŸŽ–πŸŽ†

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 01/10/2024

Anago ku Hadleyno Magaca

waxan Hambalyu iyo bogaadin la wadagenaa ardayda ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Shirkadda Hormuud University Ψ¬Ψ§Ω…ΨΉΨ© Ω‡Ψ±Ω…ΩˆΨ― Salaam Foundation.

Ardaydan idin muuqata waxay ku soo baxeen tartan ay ka qaybqaateen in ka badan 400 Arday oo mid kastaba dananaayey inuu ku guuleysto fursadda deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigtay Shirkadda Hormuud Salaam Foundation.

Waxaa Marag madoonta ah in fursadaha Ceyn kaan ah ay ka faaidestaan Arday diyaarsan isla markaana soo sameye diyaar garoow xoogan

dhamaan Ardaydii guulesatay waxay culeys ka qaadeen waalidkii duruufta adag uga soo saaray waxbarashada asaasiga iyo midda dugsiga sare
sidoo kale waxay naftooda u xaqiijiyeen saadaal wanaagsan iyo mustaqbal ifaya.

Hormar wacan baan leenahy dhamaan guuleystayaasha ku soo baxay deeqda Hormuud Salaam Foundation...

Xafiiska Gudomiyaha

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 16/09/2024

ISNIIN 16/9/2024......

DC dagmada luuq ganaane Mudane Ayaa maanta Xafiiskisa ku Qaabilay Qaar kamida Xubnaha Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya

kulanka oo ahaa mid Si heer sare loso agaasimay ayaa waxa diirada lagu saaraye arimaha bulshada gaar ahaan Waxbarashada iyo dar dargalinta howlaha Ururka ka wado dagmada

Sido kale Ururka iyo maamulka waxey heshiis afka ah isla gaaren In dagmada laga yagleelo taa oo Ururka biloyinkii dambe Aad oga shaqenaye sidii dagmada luuq ganaane ku yeelan lahed maktabad...

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 15/09/2024

Ubaxii Dalka 🌹🌹🌹🌹🌺🌺🌺🌱🌱πŸͺ΄πŸͺ΄βš˜οΈβš˜οΈ

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 15/09/2024

Tani waa natiijo wax ku oola isla markaana salku ku haysa waxqabdka Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya

Daba yaaqadii Sanada 20021 Waxbarsho bilasha uu u sameye Qaar kamida Dhalinta Soomaliyed Ayeey Qeyb ka ahayeen Ardaydani laba sano uu qudhata aya oga harsan Iney ka qalin badashaan dugsiga hoose dhexe

Xafiiska Gudomiyaha

13/09/2024

Bandhiga Xaflada Fasalka 8aad ee lagu qabtay School Luuq Primary School ayaa dadka lagu Cazuumay madashaasi waxa ka mid aha Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya
waxa wakiil oga ahaa Mr. Saacid Caate...

Xafiiska Gudomiyaha ...

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 09/09/2024

Isniin 9/9/2024....

Waxanu maanta Qeyb ka aheyn bandhiga Dah-furka Xaflada Qalin-jabinta F-8aad ee Dugsiga hoose dhexe ee Luuq Primary School taa soo si heer sare losoo Agaasimay

waxay aheyd madal bilan oo moqran isla markaana Ardayda ay kuso bandhigeen waxyaabo Cajiiba Oo saldhug u ah baraaruga iyo ahmiyada wabarashadu ledahy

Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya oo mar waliba hiil iyo hoo lagarab jogo bahda qalinleda iyo guud ahaan Ardayda somaliya waxeynu lenahy Hormar wac dhalinyaro!!

09/09/2024

TANI WAA QISADA UGU SAMEYNTA BADAN NOLOSHEYDA!!!

Magaceygu fartuun cali maxamad
Waxan ahay bare/macalin wax ka dhigta
Dugsiyada hose dhexe ee Luuq Ganaane Gaar Ahaan al furqaan Primary school
luuq ganaane Gado Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄

Mudo 4 sano ah Ayan ahaa macalin!
Dhab ahantii shaqada maclinimo wa mid adag kakan isla markaana ubaahan masuliyad ka warqab daryeelid dhimrin iyo Naxariis!!
Macalinimada waxa ugu wayn ee laga dhaxla waa magac iyo sharaf!

Qisadeyda!!
Kolka Ay Taariqdu Aheyd 7/9/2024
Waxan la kulmay dhacdo Argagax leh isla markaana Gil-Gishay qalbigeyga Iguna noqotay Urug iyo Uur ku Taallo!!

Dabcan Maan ahayn maclin ad adag oo bilaa Naxariisa
Macalin dareemi wayey durufaha ardaygiisa!!
Balse Qalad Weyn Ayaa iga dhacay ma Qaldame waa illahay!!
Qaladka iga dhacay baa wuxu Yahay!!
Waxa aan bananka Keenay Qayb ka mid ah ardayda dhigata Fasalka 4aad ee dugsiga hoose Si aan ula Xisaabtamo oo aan oga Aruuriyo lacagaha bisha madama Aan u ahay Fomestar!!

Sida Caadada ah Arday waliba wuxu la hadli jiray Waalidkiisa Gaar ahaan Aabaha

Iskoolka Al-Furqaan wuxuu Iskoolada kle kaga Duwan Yahy kuwa Agoomaha ah inusan wax Qarash ah ka qadin oo Lacag la'aan ayey ku waxbartaan....

Ardaydaasi waxa ka mid aha Arday laba Asbuuc ka hor Geeriyoday Aabihii
Dhab ahantii anu maan la socon Geeridasi ku timi Ardaygega Aabihii
Si hal haleela Ayaan ku idhi la hadal Aabahaa kuna war gali in laga Rabo lacagta bisha
kolka uu hadalkasi kaso baxay afkeyga
hal-mar ayuu is badalay Ardayga Dareenkisa isla markaana qalbigiisa daremay Gocasho Indhihiisa waxa ku soo istaagtay ilin!!
dhab ahantii Aad baan ula yaabay waxa hal-mar badalay Dareenka wiilka yar

Hoyadii ayaan la hadlay isla markaana ii shegtay laba Asbuuc ka hor inuu Geeriyoday Wiilka Aabihii!!!
Dhabtii waan Argagaxay Naxay gariiray ilmeyey haatan oo aan qorayo Fariintaan Waan ilmenayaa Dhowr mar ayaan Hakiyey Qoraalka!!

Si ayara Ayaan ugu Cudur daaray Ma**da Ogaal la'aanteda ku Aadan Geerida ku timi odeygeda.
Markii aan ka baxay Shaqada Oo aan imi Guriga Qolkeyga ayaan Galay wan ooyey Nafteda Ayaan Cananta on Ciqabay!!
waxan aha macalin Naxariis badan oo ardaydiisa ay kuso hirtan Saxiibna la ah

Mararka qaar waxanu u baahan nahy in aan ku kali yowno goobaha dabiiciga ah, si aan ula faaqidno dareenadeena, u Naqdino iintiina, u qaadano go,aanadeena, Dib, u Aqbalno khaladdaadkeena, deedna aan u Cafino Nafaheena iyo naflaha kale ee Nagu xeeran.

Ugu Dambayn-Tii wiilka hooyadii waxan ka Codsaday iney iso dirto si aan qalbigiisa u Farxad Galiyo meel Carwo ah ayaan geeye dedna waxan u iibiye Dharka Iskoolka uniform iyo wax yabo kle sido kle Booqasho ayaan ugu tagay Maamada waxan u geye Hadiyado kana Codsaday iney iska keey Cafiso ...

Tallo!!

waxan u Talin lahaa isla markaana ugu baaqayaa Dhamaan barayasha somaliyed iney had iyo goorba ka war qabaan ilaaliyaan Darenada Iyo qalbiyada Ardaydoda wayo ma ogid danta iyo daruufta ku xeeran nolasha ardayga iyo tan qoyskiisa
Haloo dhimriyo oo ha laga warqabo Ardayda gaar ahaan kuwa dhigta fasalada hoose..

Qore: Cabdixared Mohamett Haaruun.....

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 22/03/2023

CAZUUMAD!

waxaan Qeyb ka aheyn kulan ay soo qaban qaabiyeen Kaa oo lagu xusayey maalintan adeega Bulshada.
Isla markana lagu xoojinayey kaalinta iyo doorka muhiimka ah ee shaqaalaha bulshada
wax ka qabadka, xalinta caqabadaha bulshada iyo dhaqaalaha

Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya ..

Photos from Ururka Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya's post 27/12/2022

Gabadha Saddax Arrin Ayaa Nolasheda saldhig u ah isla markana Maamus U Yeela,

Anshaxa
Aqoonta
Aqlaaqda

Qofka qorshihiisa yahay inuu barwaaqo gaaro riyadiisana raba inuu rumeeyo
ma raadiyo cudur daar balse fursada isaga ayaa sameysta✌

waa xubin kamida Ururka Horumarinta waxbarashada Soomaaliya isla markana kaalin dhumuc leh kaga jidha
Inago isku duuban dhamaanteyo waxan hawada u marineynaa dhanbaal ku adan
Soo gabagabeynta herka kowaad ee Jaamacadda

Ψͺري Ψ§Ω„Ω„Ω‡ Ω…ΨΉΩƒ ΩƒΩ† Ω…ΨΉ Ψ§Ω„Ω„Ω‡ ☝❀

24/12/2022

Hambalyu Sanad guuro wacan!!πŸ’«πŸ₯€
Ugu Horeyn waxey mahado idil u sugnaatay Alle SWT isla markana nagu galadestay Nimcoyin tira badan!
Maanto kale oo ay taariikhda ku began tahy 25/12/2022
waxa ay ku asteesan tahay Maalinti iridaha loo balaqay isla markana la aas aasay
Waxa ino dhamaaday Sanadii 3aad
Mustaqbalku magacyo badan ayuu leeyahay.
Kuwa daciifka ahi waxa ay u yaqannaan 'lama gaadhaan',
Kuwa cabsida badani waxay yidhaahdaan 'lama yaqaan',
Laakiin kuwa dhiirran waxa uu u yahay 'xaqiiq durugsan'.
Waxanu diyar la nahay isbadal muuqdo inaanu ku soo dabalino dagmada iyo guud ahaan gobolka..
Halganku waa Joogteyn...
War san.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu