Fursaddu waa sida xaashi (warqad) taala xeebta badda. Haddii aanan laga gaarin hirka ka hor, way tagtay.
.
Abdirizack Awaale
اللهم إنك عفو كريم تحب العفو فعف عنا 🤲 أعجزالناس من عجز عن الدعاء
Qays binu Mulawax, oo loogu yeero "مجنون ليلى" kii uwaashay Layla Al-caamiriya, balse dhabtii ma'aheyn isaga mid waalan, ee dadka ayaa ugu magac dareen ''naaneys ahaan".
Waxaa la sheegay in maalin maalmaha kamid ah Qays uu kadaba-cararay eygii Layla, si uu u arko halka ay Layla joogto !!!.
Wuxuu Qays soo maray qolo ku tukunaysay salaad meel-banaan si jamac ah isagoo aan arkin iyaga, markii uu soo noqday oo soo ag maray ayey waxey ku yiraahdeen: "Qaysoow waad na'agmartay anagoo tukaneyno salaada si jamac ah, balse adiguna nalama tukan ee maxaa ku helay !!!?".
Wuxuu ugu jawaabay: " ma waxaad aheydeen kuwa salaada ku jira waqtigaa ?". Waxey ugu jawaabeen:" haa".
Qeys wuxuu ugu jawaabay: "wallaahi, aniga sida aan Layla u jeclahay, haddii adinkuna Allah aad u jeclaan laheydeen, ima aydaan aragteen".
❗️‼️
يا من أضاء مولدهُ الأكوان، وأحيا منهجه الأرواح، أنتَ طريق الإنسانية إلى الفلاح، يا رسول الله.
ٱللَّٰهُمَّ صَلِّ عَلَىٰ مُحَمَّدٍ وَآلِ مُحَمَّدٍ.
19/08/2024
"Adduunkaan markaad immaanaysay waad ooynaysay dadkuna way faraxsanaayeen, u nooloow si markii aad dhimato dadku u ooyaan Adna aad u faraxdid".
Abdirizack Awaale
"لو كان الفقر رجلاً لقتلته"
Haddii faqrigu nin ahaan lahaa, waan dili lahaa.
■علي بن طالب.
16/08/2024
Koox arday waqti h**e jaamacada ka baxay ayaa waxay booqasho gurigiisa ugu tageen mid ka mid ah macalimiinta loogu jecelyahay jaamacada. Macalinkii ayaa soo dhaweeyay ardada, iyadoo salaan ka dib sheeko dheer laga yeeshay qofkasta horumarka uu sameeyay jaamacada ka dib, heerka uu nolosha ka marayo iyo caqabadaha la soo darsay. Waxay waqti dheer ayay ka hadleen dhibaatooyinka nolosha, stress iyo culeysyada ka heysta shaqada iyo horumarka. Macalinkii ayaa shaah u soo diyaariyay martida u timid, isagoo shaaha ku soo shubay koob kala duwan, kuwo qaali ah oo dhallo ka sameysan iyo kuwa raqiis ah. Ardada shaahii ayay kala qaateen, iyagoo dhamaantood doortay shaahii lagu shubay koobta qurxoon, kuwii foolxumaana miiska ayaa looga tagay. Macalinkii ayaa weydiiday "Ma dareenteen in shaahii lagu soo shubay koobta qurxoon ee qaaliga ah aad wada qaadateen balse kuwii raqiiska meesha looga tagay." Cajiib ayay ku noqotay ardadii in aysan ku baraarugin arintaas. Macalinkii ayaa ku yiri "Wax lala yaabo ma ahan in dhamaantiin aad qaadateen koobta qurxoon. Qofkasta oo naga mid ah waxa uu naftiisa la jecelyahay waxa ugu fiican, taasoo keeni karta qanacsanaan la'aan, stress iyo dhibaato." Ardadii wali si fiican uma fahmin xiriirka ka dhexeeya koobta iyo dhibaatooyinka nolosha. Macalinkii oo hadalka sii wata ayaa yiri "Mid ogaada, shaahaku jira koobta waa isku tayo, oo koobka quruxdiisu ka badali meyso dhadhanka. Waxaad u baahneydeen waa shaaha laakiin muhiimadu ma ahan koobka uu ku jiro. Balse waxaad ku mashquusheen quruxda koobta." Asagoo hadalka sii wato ayuu yiri "Waligiin xasuusnaada, haddii noloshu ay tahay shaaha, koobtuna ay tahay shaqada, lacagta, awooda, labiska, iwm, waxyaabahaas dhamaantoon waa kuwo ku saleysan qiimaha adigu aad siiso ee muuqaalku yuusan idinka mashquulin muhiimada nolosha.
Xikmada sheekadu waa in aadan ku mashquulin dhalaalka balse aad qiimeyso muhiimada nolosha.
Xigasho: -------
Abdirizack Awaale
[email protected]
Anaa isku jeestay mooyee
Miyaa magacaa jiri lahaay xabashoy
1977 🇸🇴
10/03/2024
بسم الله الرحمن الرحيم
رمضان المبارك
Soonqaad wanagsan dhamaan umadda muslimiinta, gaar ahaan umadda soomaaliyeed. Allaha Naga aqbalo acmaasha kheeyriga ah, allaha nagu daro adoomankiisa uu udenbi dhaafo, unaxariisto iyo kuwa uu naarta ka xureeyo
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال ❤️
FADHI LA FARIISTO MIDKA UGU WANAGSAN
غشيتهم الرحمة والملائكة ❤️
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the school
Website
Address
Mogadishu