Qaran International College

Qaran International College

Share

Welcome to Qaran International College platform

25/02/2026

Hada iska diwan gali

15/11/2025

Cudurka ka dhashay Koonfurta dalka Itoobiya – waa maxay? Xaggee ka yimid? 🦇
••••••••••••~••••••••••••••••••
《Marburg Hemorrhagic Fever 🦇》

Sidee ayuu ku faafaa?
⬇️
Cudurkan waxaa keena fayraska loo yaqaan Marburg. Wuxuu horay uga dillaacay dalal Afrikaan ah sida Angola, Uganda, Rwanda iyo kuwo kale. Baadhitaanno la sameeyay ayaa muujiyay in fayraskani laga helo shimbirta habeenkii (fiidmeerta, bats 🦇). Marka dadku ay taabtaan xayawaankan, cudurku wuxuu ku faafay dad badan oo dalal kala duwan ku noolaa. Sidaas darteed, waxaa la rumeysan yahay in fayrasku ku jiro shimbirta fiidmeerta 🦇

Sidee ayuu qof qof ugu gudbaa?

• Taabashada dhiigga qof qaba cudurka
• Dhiigga ama dheecaannada jidhka sida candhuufta, matagga, kaadi, saxarada iwm
• Taabashada qof qaba cudurka kadibna aad taabato afkaaga, sanka ama indhaha.
• Galmada iyo xidhiidhka dhow ee jidhka

✔️ Ma jiraan caddeyn muujinaysa in cudurku ku faafo hawada/nefiska.

Ka fogaanshaha taabashada qofka la tuhunsan yahay iyo u gudbinta xarun caafimaad si loo yareeyo faafitaanka.

Calaamadaha Cudurka:

Kadib marka fayrasku qofka ku dhaco, calaamadaha waxay soo baxaan 3 ilaa 21 maalmood gudahood:
► Qandho kulul
► Madax xanuun iyo daal badan
► Dhiig bax gudaha jidhka ah
► Dhiig ka yimaada afka, sanka ama indhaha

Daaweynta:

Daaweyntu waa daryeel iyo taageero caafimaad. Inkastoo daawooyin qaar loo adeegsado fayrasyada kale ay faa’iido yeelan karaan, haddana daawada cudurkan si rasmi ah looma xaqiijin. Tallaallo kala duwan oo la isku dayay in la sameeyo way jiraan, balse weli lama helin mid si buuxda u shaqeeya bulshada anfaca.

Ka Hortagga:

☞ Gacmaha si fiican u dhaqo ama u isticmaal saabuun/jeermis-dile
☞ Ka fogow taabashada qof la tuhunsan yahay inuu qabo cudurka
☞ Raac talooyinka caafimaadka

Caafimaad wanaagsan!

🖊 Source: Ethiopian Medical Association

30/10/2025

Types of Miscarriages
Farah Mohamed Aden



29/10/2025

Nursing Quiz

29/10/2025

IV complications
Farah Mohamed Aden

29/10/2025

Types of patients
Farah Mohamed Aden

29/10/2025

Diseases and their Causative Organisms
Farah Mohamed Aden

28/10/2025

types of bleeding and wounds
Farah Mohamed Aden

28/10/2025

Explain the difference
Farah Mohamed Aden

23/10/2025

different worms
did you ever seen one of these worms?

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Abudwak
Mogadishu