22/11/2025
Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed – 21 November 2025 🇸🇴
Waxaa magaalada Baraawe lagu qabtay munaasabad lagu xusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, taas oo uu si gaar ah u soo agaasimay Xafiiska Guddoonka Waxbarashada Degmada.
Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Midowga Ardayda Degmada Barawe Nur Abdulkadir Said, Kormeeraha Waxbarashada Degmada Najib Mohamed Abu, Iskuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta, Gudoomiyaha ururka Haweenka, maamulayasha dugsiyada, odeyasha dhaqanka, masuuliyiin kale, macallimiinta iyo ardayda, iyadoo si qiiro leh loo xusay doorka qiimaha badan ee uu macallinku ku leeyahay horumarka bulshadeena.
Macallinku waa tiirka iftiinka – Mahadsanidin dhamaan macallimiinta Soomaaliyeed
13/10/2025
OGEYSIIS
Waxaa dhamaan Bulshada reer Baraawe la ogeysiinaya in asbuucaan uu si dardar leh loo bilaabay diiwangelinta ardayda cusub ee Dugsiga Sare Kaluumeysiga iyo cilmiga Badda.
Dugsigaan ayaa lagu baran doona dhamaan qeybaha Kala duuwan cilmiga badda, maadooyinka dugsiga Sare, iyo computer-ka. Waxaa kaloo dheer in si Practical ah ardayda wax loogu Bari doono.
Faaidooyinka ku Jira aqoonta laga baran doono dugsigaan ayaa ah:
1. Shaqo abuur joogto ah
2. Ka qeybqaadashada ilalainta deegaanka
3. Maareynta shaqooyinka badda
4. Fursado caalami ah waxbarasho iyo shaqo
Goobta: Xarunta Dugsiga wuxuu ku dhex yaala
Iskuulka AlNuureyni.
Waqtiga gelitaanka: 7:30 Am subaxnimo
Ka faaideysi wacan
28/07/2025
𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝘄𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗹𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝘄𝗲 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗶𝘀𝘂𝗴𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗶𝗱 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗱𝗮𝗿 𝗱𝗮𝗿 𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝗮𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗮𝘆𝗻𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝘄𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗹𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗮𝘄𝗲.
Shalay oo ay taariikhda ku beegneyd 27 - July - 2025 Waxaa kulan lagu dardar gelinaayo wada shaqaynta Midowga Ardayda Degmada Barawe oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Midowga Ardayda Degmada Barawe Mudane 𝗡𝘂𝗿 𝗔𝗯𝗱𝘂𝗹𝗸𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗦𝗮𝗶𝗱 iyo Gollaha Dhalinyarada Degmada Barawe oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Dhalinyarada Degmada Barawe Mudane 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗿𝗶𝗮 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗿𝗶𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗯𝗮, kulankaas ayaa xooga lagu saaray sida lagu dar dargelin lahaa sidii ay wada shaqayn buuxda uwada yeelan lahaayeen Midowga Ardayda Degmada Barawe iyo Gollaha Dhalinyarada Degmada Barawe.
Kulanka ayaa ugu horayn furay Gudoomiyaha Midowga Ardayda Degmada Barawe Mudane 𝗡𝘂𝗿 𝗔𝗯𝗱𝘂𝗹𝗸𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗦𝗮𝗶𝗱 asagoona aad u bogaadiyay wada shaqaynta ay yeelanayaan Midowga Ardayda Degmada Barawe iyo Gollaha Dhalinyarada Degmada Barawe asagoona dhamaan xubnaha Midowga Ardayda iyo Gollaha Dhalinyarada kula dardaarmay in ay wada shaqayn iyo dadaal dheeri ah muujiyaan si ay degaankooda wax u qabtaan.
Waxaana ugu dambeen kulanka soo xeray Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Mudane 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗿𝗶𝗮 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝗱 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗭𝗮𝗸𝗮𝗿𝗶𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗯𝗮 asagoona Kulanka ka soo jeediyey dhallinrada in eysan ka koobneyn kuwa gollaha ku jira kaliya ama maamulka la shaqeeya dhalliyarada in ey yihiin qof walba oo da'da dhallinyada ku jira rag iyo Dumar ba oo qeyb walba jooga ulana yeelan doona kulamo gaar gaar ah sii loo helo dhallinyaro isku filan oo degaankooda hormarin kara.
Dhamaad
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abaas Mursal Abubakar,
Xafiiska Warfaafinta Midowga Ardayda Degmada Barawe
E-mail: [email protected]
25/07/2025
Waxaa maanta salaada jimco masjidka Sheekh badawi kula tukaday bulshada ku dhaqan Degmada afayaheenka midow Ardayda Degmada Barawe Mudane Abaas Mursal Abubakar asigoona aqriyay qudbada jimcaha
24/07/2025
Gudoomiyaha Midowga Ardayda Degmada Barawe Mudane Nur Abdulkadir Said ayaa maanta shir Gudoomiyay shirka isbuuclaha ee xubnaha Midowga Ardayda Degmada Barawe.
Shirka ayaa diirada lagu saaray sida Ardayda loogu faaidayn lahaa maalmaha fasaxa ee iskuulada xeran yihiin.
Gudoomiye Nur ayaa xubnaha midowga kula dar daarmay in dar dargeliyaan howlaha midowga horyaala.
24/06/2025
Ardeyda fasalka 8aad ee degmada Baraawe ayaa maanta usoo idlaadey Imtixaanka dugsiga dhexe ee ay qaadey wasaaradda waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed.
Waxaa farxada maalintooda udambeysey Imtixaanka ardeyda laqaatey Gudoomiyaha Midowga Ardayda Degmada Barawe Mudane Nur Abdulkadir Said.
Dhamaan ardeyda Degmada Baraawe waxaan urajeyneynaa Guul iyo natiijo wanaagsan Insha Allah.
21/06/2025
21-June-2025
Caasimada KGS Baraawe
Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabay imtixaanka ardayda shahaadiga ah fasalka 8aad degmada Baraawe
Waxaan imtixaanka si rasmi u furay Gudoomiyaha Degmada Baraawe ahna duqa magaalada mudane Cumar Abdulahi Mohamed, Gudoomiyaha waxbarashada degmada Mudane Nur Abubakar Nur iyo kormeeraha Waxbarashada Degmada Barawe Najiib Mohamed Abu
Waxaan sidoo kale goobjoog ka ahaa furitaanka imtixaanka Gudoomiyaha Midowga Ardayga Degmada Nur Abdukadir Said iyo Gudoomiyaha Ururuka Dhalinyarada Zakariya Baaba.
Waxaan dhamaan ardayda urajaynayna in uu alle u fududeeyo imtixaanka natiijo fiican na ay la yimaadaan.
19/06/2025
Waa ardayda Degmada Baraawe ee fasalka 12aad oo maanta usoo gabagaboobay imtixaanka qaranka soomaaliyeed.
Waxaan ugu mahadcelinayna Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare DowladdaKoonfur Galbeed & Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare, oo suurtogeliyey in imtixaanka si fiican u qabsoomo, waxaana sidoo kale kaalin weyn ka qaatay ciidanka amniga Degmada Baraawe oo iyagana har iyo habeen u istaagay sugidda amniga goobta imtixaanka.
Waxaan dhamaan ardayda u rajaynayna natiijo ay ku farxaan insha Allah
15/06/2025
Jadwalka Imtixaanka shaahdiga ah ee fasalka 8aad dugsiyada dhexe ee Dowladda Koonfur Galbeed, sanad dugsiyeedka 2024/2025.
.