18/08/2022
TACSI TIIRAANYO LEH
"إنا لله وإنا إليه راجعون”
Dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda iyo dhammaan howlwadeennada iskuulka
waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, asxaabta, bahda suugaanleyda, iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed, geeridii xanuunka badneyd ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaanka ummada Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim warsame (Hadraawi), oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Abwaanku wuxuu ahaa hal abuurre iyo keydka umadda Soomaaliyeed, waxuuna umadda uga tegay suugaan dhaxal gal ah.
Abwaan hadraawi waxaaan Alle uga baryaynaa marxuumka in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkii iyo asxaabtii uu marxuumku ka baxay.
Aamiin Aamiin.
15/08/2022
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ogaysiinaysa bahda waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee-u- fariisatay Imtixaanki sanad dugsiyeedka 2021/2022, in lagu dhawaaqi doono maalinta beri ah natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad sanad dugsiyeedka 2021-2022.
08/07/2022
Waxaan hambalyo udirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidda Carrafo.
Waxa aan idiin rajaynayaa dhammaantiin in sannadkan sannadkiisa aad ku gaartaan Caafimaad qab , Horumar, Barwaaqo iyo nabadgalyo buuxda.
Ciid Wanaagsan dhammaantiin.
30/06/2022
𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼
Mamulka, macalimiinta, ardayda iyo dhammaan bahda schoolka waxay ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan 62 sano guuradii kasoo wareegatay madaxbannaanida Soomaaliya.
#𝟭𝗱𝗮𝗟𝘂𝘂𝗹𝘆𝗼
23/06/2022
Hambalyo dhamaan Ardayda Dugsiga sare ee Form Four-ka ee uu usoo idlaaday National Examka, Allah haidin fududeeyo natiijo qurux badana Allah hadinka siiyo dadaalkii iyo waqtigii aad soo hurteen, Haidinka dhamaantiin guuleysta meel walbaad joogtaan.
04/06/2022
Wargelin muhiim ah
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare JFS, waxaa uu halkaan kula wadaagayaa ardayda Soomaaliyeed ee -u-fariiisanaya Imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2021/22 jadwalka imtixaanka fasalka 12aad.
Imtixaanka waxaa uu bilaaban doonaa 18ka Juunyo, 2022 oo ku beegan maalin sabti ah. Jadwalkaani wuxuu qeexaya sida maadooyinku-u-kala horreyn doonaan.
Wasaaraddu waxay ardayda Soomaaliyeed u rijayneysaa guul iyo mustaqbal horumarsan.
Dhammaad
28/05/2022
U gaar ah Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare.
Adeegsiga Buugga Jawaabaha Imtixaanka.
Buugga jawaabuhu waa buug loogu talagalay in looga jawaabo maaddo kasta oo imtixaankeeda la gelayo, buuggu waxa uu ka kooban yahay ilaa 12 bog iyo jeldiga kore.
Dhinaca bidix ee wejiga koowaad ee buugga jawaabaha waxaa ku qoran tilmaamaha soo socda oo ay ardayga waajib ku tahay inuu dhowr mar aqriyo inta uusan jawaabaha qoriddooda billaabin :
1. Fadlansi wanaagsan oo deggan u aqri su'aal walba ka hor inta aadan ka jawaabin.
2. Fadlan ka jawaab dhammaan su'aalaha hana ka tegin qaar.
3. Ku qor dhammaan jawaabaha su'aalaha buugga jawaabaha.
4. Fadlan ha ku qorin jawaabaha warqadaha su'aalaha imtixaanka.
5. Fadlan si muuqata u qor lambarrada su'aalaha aad ka jawaabtay.
6. Magacaaga iyo taxanahaaga (Rollambarkaaga) si sax ah oo muuqata ugu dul qor buugga jawaabaha.
7. Fadlan ha isku dayin qish, taas waxay sababi kartaa in darajooyinkaaga la baabi'iyo.
8. Fadlan wax calaamad ah ama summad ah oo loo aqoonsan karo afgarasho ha ku dul qorin buugga jawaabaha.
9. Haddii waqti kuu soo haro, iska hubi in aad ka jawaabtay dhammaan su'aalaha.
10. Ku kalsoonow naftaada iyo aqoontaada, Ilaahay talo saaro.
Qaybta midig ee wejiga koowaad ee buugga jawaabaha waxaa k qoran xogta ardayga laga doonayo inuu ku dul buuxiyo sida:
Magaca Afaran ee Ardayga:‐------------------------------
Dugsiga Ardayga:-----------------------------------------------
Xarunta:----‐---------------------------------------------------------
Rol lambar:--------------‐------------------------------------------
Fasalka:--------------------------------------------------------------
Maadada:-----------------------------------------------------------
Taariikh: -------------------/-------------------/-------------------
Xogta ku qoran wejiga labaad ama dhanka dambe ee buugga jawaabaha ardaygu shaqo kuma lahan. Waxa ay gaar u tahay guddiga saxay Imtixaanka sida Minguuriyaha, Wadareeyaha iyo Madaxa Guddiga.
Qaybta gudaha ee warqadaha lagu qorayo jawaabaha waa warqado leh sadarro lagu kor jawaabayo waxaana ku qoran lambarka su'aasha iyadoo horteedana lagu qorayo jawaabta su'aasha.
FG: Arday kasta oo gelaya Imtixaanka shahaadada dugsiga sare waa in uu si wanaagsan u aqriyaa xogta ku qoran buugga jawaabaha maaddo kasta oo la gelayaba.
Fadlan la wadaag arday kasta oo gelaya Imtixaanka Qaranka.
Guul ayaan u rajaynaynaa ardaydeenna.