21/01/2026
Waxaa mahad usug naate alle oo inoo suurta galiye in aan u fadhiisano imtixaan ka k**a dambeyska waxbarashada heerkii kowaad ee jamacadda 17/1/2026 waxaan alle ka waydisanenaa in uu naga dhigo dadkii lagu nafci lahaa
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Kuliyadda Beeraha Iyo Cilmiga Deegaanka Ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed
11/01/2026
TAHNIYAD AROOS ๐
Waxan hambalyo leeyahay walaalkeena Mรถhรคmed Cabdulle iyo Marwadiisa Ali huseen oo maanta meherkoodu dhacay .
Isku barakooba, ubad baari wada hela
Gurigiina guri nagay guulle haka dhigo
ุจุงุฑู ุงููู ููู
ุง ูุจุงุฑู ุนูููู
ุง ูุฌู
ุน ุจูููู
ุง ูู ุฎูุฑ
๐ ๐
16/05/2025
waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15 may 2025 jamacadda ummada soomaaliyeed gaar ahaan kuliyadad beeraha iyo cilmiga deegaanka
lugu qabtay seminar Ay soo qaban qaabiyeen maamulka kuliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed
oo ugu ugu horeeyo(DR MAXAMAD RASHIID SHIIQ ABDI SAMAD ) dhiinka kuliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jus
sidoo kalena uu qeyb lixaad leh ka qaatay (HOD) ga kuliyada beeraha waaxda wax soosaarka (Barafasoor Abdisalaan)
Presenter (Abdinasir omer osmaan
waxa uuna ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga deegaanka u noqday dhaxal reeb ay aqoon badan kaga faa iidaysten.
(Climate Smart Agriculture) waa fure muhiim u ah mustaqbalka wax-soosaarka beeraheena Soomaaliya, Waxaa muhiim ah in la taageero beeraleyda, oo nala siiyo aqoon iyo agab ay kaga faa'iideysan karaan farsamooyinkan si loo helo cunto ku filan.
24/03/2025
HAMBALYO DUFCADDII 7-AAD EE KULLIYADDA BEERAHA IYO CILMIGA DEEGAANKA EE JAAMMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED-JUS.
Hogaan ka fasalka iyo ardayda waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayna ardayda dhamaysatay waxbarashadooda heerka 1-aad ee kulliyadda Beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jamacadda Ummadda Somaliyeed-JUS. Maanta waa maalin taariikhi ah oo xusuus gaar ah idin leh, maalin muujinaysa dadaalkii iyo juhdigii aad geliseen waxbarashada. Dufcaddan 7-aad waxay isugu jirtaa arday bartay Wax-soosaarka Beeraha (Agriculture), Cilmiga Deegaanka (Environmental Science), iyo Badbaadada Dhirta (Plant Protection), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dalka iyo ilaalinta deegaanka.
Ugu dambayn, hambalyo mar kale! Guushiinnu waa guusha waalidkiinna, macallimiintiinna, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaan idiin rajayneynaa mustaqbal ifaya, guulo joogto ah, iyo dadaal aad ku xaqiijin doontaan himilooyinkiinna. Waxaan rajeynayaa inaad noqotaan iftiin iyo rajo cusub oo u soo kordha bulshadeenna iyo dalkeenna.
.
26/11/2024
Muqdisho, 25 Nofeembar, 2024, Hay'adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteda kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga deegaanka u qabatay bandhig hordhac u ah Xuska Maalinta Badqabka Cunnada Addunka, Madasha ayaa lagu soo bandhigay Qudaar kala duwan iyo Kaluunka kaas oo wacyigalin guud loogu sameeynayo bulshada Soomaaliyeed si ay kaga taxadaraan badqabkooda Caafimaad marka ay wax iibsanayaan si ay ugu hortagaan bacteria iyo cudurada halista ah ee laga qaado Cunnada aan badqabkeeda wanaagsaneen.
Hormuud kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga deegaanka ee Jaamacadda Umadda Mudane Dr Mohamed Sheekh Abdisamad ayaa ka hadlay Ahmiyada ay leedahay xuska maalinta Cunnada adduunka oo sanad waliba laga xuso adduunka waxaana uu sheegay hormuudka kuliyadda in ay laga maarmaan tahay in wacyigalin iyo baraarujin loo sameeyo ganacstada iyo bulshada si looga bad baado cudurada halista ah.
--DHAMMAAD--
12/05/2023
Mogadishu, 12 maayo, 2023.
Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka gaar ahaan Waaxdeeda Bad-baadada Dhirta(Plant Protection Department) ayaa soo agaasintay Xuska Maalinta Caalamiga ee Caafimaadka Dhirta: Waxaana lasoo jeediyey Siminaar kusaabsan: Muhiimada Caafimaadka Dhirtu uu u leeyahay Beeraleyda Soomaaliyeed iyo Sidoo kale dood-cilmiyeed loogaga hadlayey kaallinta iskaashiga Khubarada, Hay'addaha dowliga iyo kuwa aan dawliga ahayn ku leeyihiin yareynta Aafooyinka beeraha.
Waxaana kasoo qeybgalay dhammaan daneeyiyaasha barnaamishkan oo kala ahaa: Khubaro kutakhasuatay Cilmiga bad-baada Dhirta, iyo khubaro kakala socotay, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Beeraley, Ururada beeraha sida Ururka Badbaadada Dhirta(SPPS) ,Ururka Gabdhaha beeryahanada (SAGA) iyo Shirkaddaha ka ganacsada Sumaha Beeraha sida (Beero -kaab, Targed iyo Green Life): Waxaana la islagartay in si wadajir ah la isaga kaashdo maareeynta dullinada beeraha.
07/05/2023
DHamaan ardayda kulliyada beeraha iyo cilmiga degaanka gaar ahaan B8 waxa ay hampalyo udirayaan dufacadii 5aad ee kuliyada beraha iyo cilmiga degaanka JUS qeebata beeraha oo maanta difaacday buuga qalin badalashada, marlabaad iyo mar sadaxaad hampalyo aqonyahanada cilmiga beeraha waxaan idiin rajenenaa mustaqbal ifaya I.a.
Cilmigaad barateen kii lagu intifaacsado Alle hanooga dhigo.
Amiin Amiin.
27/04/2023
Ardeyda dufcada 8aad ee kulliyadda Beeraha iyo Deegaanka JUS iyagoo kaashanaayo Ustaad Abdelfitah Ali, ayaa waxa ay sameeyeen tijaaba iyo daarasad ku saabsan soo saaridda calafka xoolaha Galley Iyo Masago iyadoo loo beeray qaab carro la'aan ah. (Hydroponic Farming on Maize and Sorhum fodder crops For livestock). Calafkaan ayaa muhiimad gaara uleh xoolaleyda waxeyna adeegsan karaan xilliyada biyo yarida ama abaaraha ay jiraan iyadoo ay xusid mudantahay in calafkaan lagu soo saari karo wax ka yar 12 maalmood. calafkaan xoolaha lagu tijaabiyey ayaa sifiican udaaqay maadama uu biyo badan leeyahay, aadna u jilicsanyahay, dhadhan fiicanna u leeyahay xoolaha loo dhiga.
18/10/2022
Muqdisho
Talaado 18october 2022
Waxa bilawday tartankan sporstka ee ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deeganka
Waxaa kulanka furintaanka ka qaybgalay gudoomiyaha ardayda abdifitah mohamud ali iyo madaxa sportska kulliyadda Ahmed osmaan ibraahim
Kulanka daahfurka waxa ka wada dheelay fasalada kala ah
Batch8 vs batch7 agri
Natiijada ciyaarta waxay kusoo dhamaatay
Batch8:6Goals
Batch7 agri:1Goal
Guushana waxay sidaa kuraacday batch8
Oo helay 3dhibcood
15/10/2022
Hampaliyo Hampaliyo Beeraleyda somaliyed
12/10/2022
Ardayda kulliyadda beeraha iyo cilmiga deegaanka ee jaamacadda ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dufcada 8aad (batch8) ayaa sameeyey practical ku saabsan soil test gaar ahaan Carro madowda (clay type) ayagoo kaashanaya Dr. Cilmi warfaa oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga carrada ( soil science).