Midowga Ardeyda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee JUS

Midowga Ardeyda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee JUS Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midowga Ardeyda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee JUS, College & University, 21 October, Mogadishu.

22/09/2026

MUQAAL SOO KOOBAYA MUNAASABADDII HAMBALYADA

Qaybta 4 aad.
21/09/2026

Qaybta 4 aad.

Sawiro qaybta 3.
21/09/2026

Sawiro qaybta 3.

Qaybta 2: Sawiro
21/09/2026

Qaybta 2: Sawiro

KULANKA HAMBALYADA IYO DHIIRRIGELINTA ARDAYDA KU GUULEYSATAY TARTANKA ENGLISH-KA20-Sep-2026.Guddoonka Midowga Ardayda Ku...
21/09/2026

KULANKA HAMBALYADA IYO DHIIRRIGELINTA ARDAYDA KU GUULEYSATAY TARTANKA ENGLISH-KA

20-Sep-2026.

Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada ayaa qabtay kulan loogu talagalay hambalyada, bogaadinta iyo dhiirrigelinta ardaydii guulaha ka gaartay Tartanka English-ka, oo ka koobnaa saddex qaybood, ayna ku tartamayeen kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaalka, kartida iyo guulaha ardayda, iyadoo sidoo kale la xoojiyay muhiimadda wadajirka iyo dhiirrigelinta ka-qaybgalka ardayda ee tartamada aqooneed.

Intii uu kulanku socday, Waxaa kalmado hambalyo iyo dhiirrigelin isugu jira ka jeediyay Guddoonka Midowga Ardayda iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Midowga Ardayda. Sidoo kale, Musharraxa Kulliyadda ku matalaya NJUS, oo ka mid ahaa martidii lagu casuumay kulanka, ayaa jeediyay kalmad isugu jirtay dardaaran iyo hambalyo, isagoo ardayda ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaalkooda iyo aqoontooda .

WINNERS!  Hanbalyo.Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada wuxuu hambalyo  u dirayaa ardayda kulliyadda C...
15/09/2026

WINNERS! Hanbalyo.

Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada wuxuu hambalyo u dirayaa ardayda kulliyadda Culuumta bulshada oo guulo waaweyn kasoo hoyiyey Tartanka English ELI Inter-Faculty Tournament 2026, oo ay ku tartamayeen kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Tartanka oo ka koobnaa 3 qaybood: Podcast, Debate iyo Public Speaking, wuxuu ahaa tartan adag oo ardaydu ku muujiyeen xirfadda Af-Ingiriisiga, kalsoonida, hal-abuurka iyo awoodda ay fikradahooda si hufan ugu gudbin karaan.

Ardayda kulliyadda culuumta bulshada waxay 2 qaybood ka galeen kaalinta 1-aad, halka qaybta saddexaad ay ka galeen kaalinta 2-aad.

Guddoonka Midowga Ardayda wuxuu markhaati ka yahay in aad matalaad dhab ah, sharaf leh oo taariikhi ah u sameyseen Kulliyadda Culuumta Bulshada.

Hambalyo , Hanbalyo Markale.

Isniin, 14-Sep-2026.Waxaa si guul leh noogu qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan Cilmiga Bulshada iyo Shaqada Bulshada (S...
14/09/2026

Isniin, 14-Sep-2026.

Waxaa si guul leh noogu qabsoomay kulan aqooneed ku saabsan Cilmiga Bulshada iyo Shaqada Bulshada (Sociology and Social Work), kaas oo si gaar ah loogu qabtay ardayda Dufcadda 9-aad ee Kulliyadda Culuumta Bulshada.
Kulanka waxaa si xirfadaysan u soo jeediyey Yahye Siciid iyo Ibrahim Muhumed (Qowraar), kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay aasaaska Cilmiga Bulshada iyo Shaqada Bulshada, fursadaha waxbarasho, waddooyinka xirfadeed, iyo kaalinta ay aqoontani ka qaadan karto horumarinta mustaqbalka waxbarasho iyo xirfadeed ee ardayda.

Sidoo kale, kulanka waxaa kalmad dhiirrigelin ah ka jeediyey Muumin Hassan Jimcaale, oo ah musharraxa Naadiga Ardayda Ku matalaya Kulliyadda Culuumta Bulshada, isagoo ardayda ku boorriyey dadaal, aqoon-kororsi iyo ka faaโ€™iidaysiga fursadaha waxbarasho ee horyaalla.

Gebagebadii, Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey kooxdii soo agaasintay barnaamijka, taas oo loogu muujiyey qaddarin iyo bogaadin ku aaddan dadaalkooda, waqtigooda iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinta kulanka aqooneed.

๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ee ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ (๐‰๐”๐’) waxay hambalyo iyo bogaadin u dira...
14/09/2026

๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ee ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ (๐‰๐”๐’) waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Zahra Mohamed Hussein. Oo Kulliyadda Culuumta Bulshada ku matali doonta barnaamijka Public Speaking Tournament-ka, ay qabanayso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, qaybteeda English Language Institute.

Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada wuxuu u rajaynayaa guul iyo nasiib wanaagsan

WHY SOCIOLOGY & SOCIAL WORK?Understanding Your Department Before You Choose.Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada...
13/09/2026

WHY SOCIOLOGY & SOCIAL WORK?

Understanding Your Department Before You Choose.

Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda Kulliyadda, gaar ahaan Ardayda Dufcadda 9-aad, in la qabanayo kulan aqooneed muhiim ah oo ku saabsan Sociology & Social Work iyo fahamka waaxyaha ka hor doorashada takhasuska.

Kulanka waxaa lagu iftiimin doonaa:
๐Ÿ”น Fahamka aasaaska Sociology & Social Work
๐Ÿ”น Fursadaha waxbarasho iyo shaqo
๐Ÿ”น Waddooyinka xirfadeed ee mustaqbalka iyo Sida loo doorto waax ku habboon himilooyinkaaga

Taariikh: 14 September 2026
Waqti: 8:30 AM Subaxnimo
Goobta: KM4

Dhammaan ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada waa lagu casuumayaa inay kasoo qaybgalaan kulankan muhiimka ah.

HAMBALYO IYO BOGAADIN.Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu ha...
12/09/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN.

Guddoonka Midowga Ardayda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ardayda ku guulaysatay Abuur Initiative, kuwaas oo ka tirsan Kulliyadda Culuumta Bulshada, kana kooban qalin-jabiyayaal iyo ardayda sannadka ugu dambeeya (Senior Students).

Abuur Initiative waa barnaamij ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu talogashay kobcinta, dhiirrigelinta iyo taageeridda ardayda leh fikrado hal-abuur, si ay fikradahooda ugu beddelaan ganacsi iyo fursado shaqo.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo in fikradihiinnu noqdaan ganacsiyo miro-dhal ah oo bulshada wax weyn ku soo kordhiya.

Address

21 October
Mogadishu
00252

Telephone

+252615750589

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midowga Ardeyda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee JUS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Midowga Ardeyda Kulliyadda Culuumta Bulshada ee JUS:

Shortcuts

Share