AUI Media

AUI Media

Share

Waxaa naga go'an inaan idin soo gudbino warar iyo dhacdhooyinka xaqiiq ku saleysan ka dhaawo page-ka www.@ibraahin Abrone .com.

02/01/2022

kooxaha Xalane degan miyaa loogu waramayaa in amarkooda loo fulinaayo maadaaba ay ka cadhaysnaayeen terminal kii laga xidhay ee waxay rabaan ay kala soo degi jireen kana dhoofin jireen
Terminal ka la xidhay maraykan baa aad uga cadhooday taas oo sababtay inay Ku dhaqaaqaan Xukumada oo Mohamed Hussein Roble hogaamiyo in ay ku taageeraan xatooyo Hanti ,

Maxay tahay Sababta NISA looga saaray Garoonka ?
Hay'ada NISA miyay Burburi doontaa ?
Mise Shaqo Ka joojin Ayaa lagu Sameyn Doonaa ?

Photos from AUI Media's post 06/09/2021

Yaa saxsan Farmaajo iyo Rooble?

21/08/2021

Mullah Abdul Ghani Baradar oo ka mid ah dadkii wax ka aasaasay Taliban, haddana madax ka ah garabka siyaasadda ee Taliban ayaa ku sugan Kabul oo ay doonayaan inay uga dhawaaqaan dowlad cusub.

Afhayeenka Taliban ayaa sheegay in madaxda kooxda, madax h**e oo ka tirsan dowladda Afghanistan iyo hoggaamiyeyaasha diinta ay ka wada qaybgalayaan wada hadallada looga arrinsanayo dowlad cusub.

Taliban waxay ballanqaadday inay soo dhisi doonto dowlad ay u wad adhan yihiin shacabka Afghanistan.

19/08/2021

WAR DEGDEG ah: wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ayaa hada xabsiga la dhigay.

Coldoon ayaa tan iyo markii dhawaan xabsiga Hargeisa laga daayay waxa uu baraha bulshada ku dhaliilayay xukuumadda Soomaliland.

07/08/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KAGA XAYIRAY HEY’ADAHA DOWLADDA HESHIISYADA IYO IS-AFGARADYADA XILLIGA DOORASHADA

Muqdisho, Ogoosto 07, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

DHAMMAAD

23/07/2021

Degdeg: Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday taliye ku xigeenka ha’yadda NISA Cabdullaahi Kulane oo ku magac dheeraa kulane Jiis.

10/06/2021

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ay dagaal kaga qayb galeen Itoobiya iyagoo gacan siinaya kuwa eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe oo hadda shir jaraa'id Muqdisho ku qabtay ayaa waxba k**a jiraan ku tilmaamay warkaas.

Qaramadda Midoobay warbixin kasoo baxday ayaa dhawaan lagu sheegay in Ciidamo Soomaali ah lagu arkay gobalka Tigrey xiligii dagaalku socday.

Waalidiin sheegay in Carruurtoodu maqan tahay ayaa maanta Muqdisho banaanbax ka dhigay iyaga oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in loo soo celiyo carruurtooda oo aysan war ka helin muddo badan.


:. AUA Media ....

Photos from AUI Media's post 09/06/2021

Turkiga ayaa aqoonsaday 41-Jaamacood oo ku yaala Soomaaliya.

Maku jirtaa Jaamacada aad ka baxday? Liiska hoose ka fiiri.

08/06/2021

WARSAXAAFADEED

Sida aan wada ognahay, waxaa jiray ubad Soomaaliyeed oo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo uu amray in la qoro loona qaado Dalka Eriteriya si ay tabobar ciidan oo qarsoodi ah ugu soo qaataan dalkaas.

Hannaanka qorista ciidankaasi waxaa loo maray qaab qarsoodi oo ka baxsan xayndaabka nidaamka ciidan qorista ee dastuuriga ah sida ku cad Qod.27aad "Muwaadin kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn, iyada oo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta".

Dhammaan ciidanka la qaaday waxaa loo qoray si qarsoodi ah iyada oo lagu faafiyay bulshada dhexdeeda dacaayad ah in ciidanka loo qorayo Dowladda Qatar oo soo codsatay, taas oo keentay in dhalinyaradu (18 – 25 sano) ay si qarsoodi ah isu diiwaangeliyaan kuna qanciyaan waalidkooda iyo eheladooda.

Xitaa dadka qaar waxaa laga qaatay lacago si ilmahooda loogu daro liiska ciidankaas. Marna ma jirin ogeysiin rasmi ah oo ka soo baxday talisyada ciidamada ama wasaaradaha amniga gudaha iyo gaashaandhigga. Sidaas daraadeed, ilaa iyo hadda lama garanayo nooca ciidan ee ay yihiin iyo ujeeddada ciidankaasi loo qaaday.

Haddaba, waxaa jira warar la xaqiijiyay oo tilmaamaya in ciidamadaasi la geeyay gobolka Tigray ee Ethiopia waxaana ugu dambeeyay warbixinta sannadlaha ah ee uu soo saaray u-qaabilsanaha xuquuqda aadanaha ee Hay’adda Qaramada Midoobay kuna saabsan xaaladda xuquuqul insaanka ee Eriteriya, Mohamed Abdelsalam Babiker.

Warbixintan waxaa loo jeedinayaa fadhiga guud ee Golaha Xuquuqul Insaanka Hay’adda Qamadada Midoobay: “Waxaa i soo garay xog sheegaysa in ciidamada Soomaalida laga qaaday xeryaha ay tabobarka ku qaadanayeen lana geeyay goobaha dagaalka ee Gobolka Tigray iyaga oo la socday ciidamada Ereteriya”.

Hadaba,

• mar haddii hannaankii lagu qaaday ciidanka aysan waafaqsaneyn sharciga Dalka u yaalla.
• mar haddii ay isa soo tarayaan warbixinnada gaboodfalka loo geystay carruurta Soomaaliyeed.
• mar haddii Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ay sida aan kor ku soo sheegay uga hadleen xaaladda.
• Mar haddii laga jawaabi waayay baaqyadii siyaasiyiinta iyo goleyaasha Dowladda lana dhageysan waayay codsiyadii ka imaanayay waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtoodu ka maqan yihiin muddo ku dhow labo sano. Xitaa kuwa mar soo hadlay - sida la sheegay - lama garanayo in lagu khasbayay iyo in kale in ay u hadlaan sida dad aan dhibaato qabin.

Waxaa nala gudboon in aan qaadno tallaabooyinka soo socda:

1. Aniga waxaan hoggaaminayaa dadaal lagu raadinayo xuquuqda ubadkaas Soomaaliyeed aniga oo qoraal rasmi ah u gudbin doona Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka kana codsan doona in la furo kiis lagu baarayo laguna ogaanayo xaaladda ilmahaasi iyada oo la qaadayo dhammaan tallaabooyinka uu sharcigu tilmaamay.

2. In waalidiinta Soomaaliyeed ay raadsadaan ubadkooda iyaga isticmaalaya xaquuqdooda dastuuriga ah ee la xiriirta helidda xog kasta oo ay hayso Dowladda sida uu xeeriyay Qod.32aad ee Dastuurka KMG ah:
• Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.
• Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.
3. Dhammaan siyaasiyiinta, Shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka howlgala Soomaaliya in ay u istaagaan sidii loo heli lahaa carruurtaasi ku maqan Amarka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday si loo badbaadiyo intii ka hartay ubadkaasi.

=DHAMMAAD=

Abshir Bukhaari guddoomiye ku xigeenka koowaad ee aqalka Sare.

03/06/2021

Guryosamo waxa ay qabanaysaa sanadkii 2-aad Guur-wadareedka Dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.

Ka qeybqaado kana qeybgal xafladda Guur-wadareedka walaalaha baahiyaha gaarka ah qaba.

21/05/2021

Waa inaad wax un u sheegi kartaa walaalahaa waliba ugu gudbi sida ay wax ku fahmaayaan

20/05/2021

Guuto ciidan reer Falastiin oo aan mardhow la arag oo faraagaha yimid iyo xiisadda oo sii socota.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu