TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu

TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu

Share

Educatin

11/05/2026

BISHAARO BISHAARO
Dugsiga Sheikh Suufi oo ay gacanta ku hayso HAYADA TURKIYE DIYANET wuxuu ugu bishaaraynayaa dhammaan bulsho weynta soomaaliyeed in ay furantay diiwaan gelinta ardayda cusub sanad dugsiyeedka 2026/2027.
Waa deeq waxbarasho oo leh Jiif iyo Cunto Lacag La'aan ah.

๐Ÿ“Œ Si aad isu diiwaan geliso, fadlan booqo linkiga hoose:

๐ŸŒ www.seyhsufiihl.com
๐Ÿ“ž 0616673732

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 23/04/2026

Taariikhda markey Ku begned 23/04/2026 Waxaa inoo soodhamaaday imtixaan 3aad
Ee sanad dugsiyadeedka 2025/2026
Waxa uu i noogu soo dhamaaday si guul leh

19/03/2026

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐˜‚๐—น ๐—™๐—ถ๐—ฑ๐—ฟ๐—ถ๐—ด๐—ฎ โœจ๐ŸŒ™
Sheikh Sufi school waxay dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha schoolka, u diraysaa hambalyo diirran munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ilaahay ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa, hana inaga dhigo kuwii ku guuleysta kheyrka iyo barwaaqada".

Mubaarak!

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 19/03/2026

Alxamdulilah waxaa mahad iska leh ilaahigii
na gaarsiiyey bisha ramadaan maantana inoogu sooqatimay. waxaan Talaadadii h**e sameenay in aan soo qatimnay qur,aanka kariimka anagoo galayno markaas fasaxii ciida waxaana idin lee nahay

ุนูŠุฏ ู…ุจุงุฑูƒ.
ูƒู„ ุนุงู… ูˆุงู†ุชู… ุจุงู„ุฎูŠุฑ.
ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„.

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 12/03/2026

Farxad weyn ayay inoo tahay in uu si rasmi ah inoogu bilowday tartankii Qurโ€™aan Ka. kaas oo aan qaban jirnay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Tartanka sanadkan wuxuu ka kooban yahay qaybaha kala ah:
โœ… 30-ka Juz
โœ… 15-ka Juz
โœ… 10-ka Juz
โœ… 5-ta Juz
Waxaan Alle ka baryeynaa inuu ardayda u fududeeyo, tartankana uu inoogu soo dhammaado nabad iyo guul. Illaahey ha inagu anfaco naxariista Qur'aanka. ๐Ÿ“–

05/03/2026

๐ŸŒ™ Afur iyo Is-xogwareysi: Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Turkiga ku soo Waxbartay ayaa caawa magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta TDF Sheikh Sufi Imam Hatip School, loogu qabtay afur wadareed aad u heer sareeya oo ay isugu yimaadeen ku dhawaad 100 dhalinyaro ah oo waxbarashadooda kusoo qaatay dalka Turkiga.

Kulankan oo ahaa mid aad u qurux badan, waxaa agaasinkiisa lahaa Ustaad Omer Faruk Arslan (Uqeybsamaha Arrimaha Diinta ee Safaaradda Turkiga ee Muqdisho). Waxay ahayd fursad qaali ah oo ay asxaab badan oo muddo kala maqnaa isku arkeen, isna xog-wareysteen, kuna qaateen jawi walaaltinimo iyo farxad leh.

Maxaa ugu muhiimsanaa kulanka?
Is-xogwareysi: Dhalinyarada ayaa iska wareystay xaaladda dalka iyo sidii ay aqoontooda uga faa'iideyn lahaayeen bulshada.

Xiriirka Labada Dal: Waxay muujisay doorka muhiimka ah ee dhalinyaradan ay u yihiin buundada saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xusuus-wadaag: Waxaa dib loo xusuustay waayihii waxbarashada iyo saaxiibtinimadii ka dhalatay muddadii ay Turkiga ku sugnaayeen.

Waxaan u mahadcelineynaa cid kasta oo soo qaban-qaabisay kulankan, gaar ahaan Ustaad Omer Faruk iyo maamulka xarunta Sheikh Sufi.

Ramadaan Kariim! ๐Ÿ•Œโœจ

๐Ÿ“ท Media

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 05/03/2026

Kulankii Afurka Wadareedka ee shaqaalaha dugsiga TDF Sheikh Sufi oo si qurux badan inoogu qabsoomay. ๐ŸŒ™โœจ

Wuxuu ahaa kulan lagu xoojinayo midnimada iyo walaaltinimada ka dhaxaysa qoyska waxbarasho ee sheikh sufi.

Mahadsanid ustaad ร–mer Faruk oo inoo soo jeediyay dhiirigelin iyo hadallo qiiml leh oo nagu dhiiri-gelinaya inaan sii kordhinno dedaalkeenna. Guul iyo midnimo! ๐Ÿค๐Ÿ“–

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 04/03/2026

Waxaa farxad weyn noo ah inaan soo gebagebeennay wareegii koowaad ee Tartan Aqooneedka Dugsiga, kaas oo ay ku Tartameen dhammaan fasallada dugsiga. Waxaan halkan hambalyo uga diraynaa
4-ta fasal ee muujiyey dadaalka dheeriga ah isla markaana u soo gudbay wareegga xiga. Waxaan rajaynaynaa in tartanku noogu soo dhammaado nabad iyo guul. Dhammaantiin Ramadaan Kariim!"

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 25/02/2026

The Grand Finale and Award Ceremony of the Noble Hadith Memorization Competition.

Alhamdulillah! We are thrilled to announce that our students emerged as the overall winners of the recent Hadith memorization competition held at Ma'arif School! .

Congratulations to our champions! May this be the first of many successes. ๐Ÿ“šโœจ

Photos from TDV Sheikh Sufi Imam Hatib School Mogadishu's post 19/02/2026

waxaa sharaf weyn inoo ahayd inuu dugsigeena nagu soo booqday Sheekh [Dr C/hi Sheekh Aadan], kaasoo ardayda u soo jeediyay wacdi aad u qiimo badan oo ku saabsan Soo dhaweynta bisha Barakeesan ee Ramadaan 1447 iyo Faa'idooyinka uu u leeyahay qofka muslimka ah.
Sheekhu wuxuu si qoto dheer uga hadlay Faa idoyinka soonku uleyahay :
1-Nadiifinta Nafta 2-Caafimaadka Jirka iyo
3-Xoojinta Sabarka:- Inaan dareeno dadka dhibaataysan.
Waxaan leenahay Sheekha Alle ha kaa abaalmariyo cilmigaaga, annagana Alle ha nagu anfaco. ๐Ÿคฒ๐Ÿ“–

18/02/2026

Waxaa maalintii shalay ahayd kulan sxbtinimo ah dhex maray iskuulada walaalaha ah ee Sheikh Sufi iyo Maarif. Kulankaas oo ku soo idlaaday 6:6 bareejo.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Mogadishu