22/06/2025
WARAQ DIGNIIN AH: Dhibaatooyinka Balwadda
Ku: Dhalinyarada Soomaaliyeed ee walaalaha ah,
Ogaysiis iyo Digniin Wacyigelin ah
Aniga oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo jecel horumarka iyo caafimaadka dhalinyarada, waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago digniin ku saabsan halista iyo dhibaatooyinka daran ee ay leedahay balwadda, taasoo noqotay mid burburinaysa mustaqbalka jiilalka cusub.
Balwaddu waa cudur maskaxeed iyo mid nafsiyeed, waxeyna saameyn xoog leh ku leedahay:
1. Caafimaadka: Waxay dhaawacdaa maskaxda, wadnaha, sambabada iyo xubnaha kale ee jirka. Waxay keentaa cudurro halis ah sida kansar, waalli, iyo dhiig karka.
2. Mustaqbalka: Balwaddu waa jid gaaban oo lagaga haro waxbarashada, shaqada, iyo horumarka. Dhalinyaro badan oo balwadda ku dhacay ayaa noqda kuwo sabool ah, laโaan ku nool, ama xabsiyada galaa.
3. Qoyska iyo Bulshada: Balwadda waxay burburisaa kalsoonida qoyska, waxayna dhalisaa muran, faqri, iyo kala tag bulsho.
4. Diinta: Balwaddu waa arrin ka hor imaaneysa diinta Islaamka, waayo waxay dhaawacaysaa nafta biniโaadamka, maskaxda, iyo cibaadada.
Dhalinyarooy, ha u ogolaanin balwadda inay kaa burburiso noloshaada. Ku biir bulshada wanaagsan, ka qayb qaado horumarinta naftaada iyo dalkaba. Raadso aqoon, xirfad, iyo caafimaad wanaagsan. Ka fakar waalidiintaada, mustaqbalkaaga, iyo Alle hortiisa.
Ha noqon kan ay balwadda disho โ noqo kan ay aqoonta iyo dulqaadka dhisto.
Walaal kiin idin jecel,
By ismaaciiil
M 22/jun/2025
H. 26/12/1446
๐๐น๐ฎ๐ต๐ผ๐ ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ต๐ฎ๐ป๐๐๐ป ๐
๐ฎ๐บ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ฎ๐ป ๐ถ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ด ๐ฑ๐ถ๐ด๐ป๐ถ๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐ฎ๐ป
Aamiin