Raage-Ceelle primary & secondary school

Raage-Ceelle primary & secondary school the time is the most expensive thing in the world

๐ŸŽ“โœจ HAMBALYO IYO BOGAADIN โœจ๐ŸŽ“๐ŸŒŸ Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Raaga Ceelle ๐ŸŒŸWaxay hambalyo iyo bogaadin diirran u dira...
19/08/2026

๐ŸŽ“โœจ HAMBALYO IYO BOGAADIN โœจ๐ŸŽ“

๐ŸŒŸ Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Raaga Ceelle ๐ŸŒŸ

Waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaan dhammaan ardayda Fasalka 8aad ee maanta soo afjaray marxaladdan waxbarasho, isla markaana helay natiijooyinkooda. ๐ŸŽ‰๐Ÿ“š

Guushiinnu waa mid ka dhalatay dadaal, dulqaad, juhdi iyo taageerada waalidiinta iyo macallimiinta. ๐Ÿ‘๐Ÿ’

Waxaan idiin rajaynaynaa in guushan ay noqoto bilowga guulo waaweyn oo ka sii qurux badan mustaqbalkiinna. ๐ŸŒน๐ŸŒŸ

๐ŸŽ“ Hambalyo Ardayda Fasalka 8aad!
๐Ÿ“š Hambalyo Waalidiinta!
๐Ÿ‘ Hambalyo Macallimiinta!

๐Ÿ’ซ Raaga Ceelle โ€” Waxbarasho, Horumar iyo Mustaqbal Iftiimaya. ๐Ÿ’ซ

Maanta oo ahayd maalin muhiim u ah ardayda iyo bahda waxbarashada degmada Raage Ceelle, waxaa si rasmi ah u bilowday imt...
15/06/2026

Maanta oo ahayd maalin muhiim u ah ardayda iyo bahda waxbarashada degmada Raage Ceelle, waxaa si rasmi ah u bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga dhexe ee ay qaadaysay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo ay u fariisteen ardayda dufcaddii 3-aad ee dugsiga dhexe.

Munaasabadda daah-furka imtixaanka waxaa ka qeyb galay masโ€™uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka degmada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Degmada Raage Ceelle , Taliyaha Booliska Degmada (Cabdi Haash), iyo Maamulaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Raage Ceelle . Sidoo kale waxaa goob joog ahaa macallimiinta iyo howl-wadeennada waxbarashada ee degmada.

Masโ€™uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay xarunta imtixaanka, iyagoo u kuurgalay habsami u socodka imtixaanka iyo diyaar-garowga loo sameeyay ardayda. Waxay sidoo kale ardayda u jeediyeen dardaaran ku saabsan muhiimadda ay leedahay waxbarashadu iyo in ay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen muddadii ay waxbarashada ku jireen.

Guddoomiyaha Degmada Raage Ceelle, Idow Cali Maxamed, ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen maamulka dugsiga, macallimiinta iyo waalidiinta, isagoo ardayda u rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan. Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Cabdi Xasan Makaraan (Cabdi Haash) ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay diyaar u yihiin sugidda amniga goobaha imtixaanka si ay ardaydu ugu galaan jawi deggan oo ammaan ah.

Dhankiisa, Maamulaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Raage Ceelle Cabdullahi Salad Xasan ayaa sheegay in maamulka dugsigu sameeyay diyaar-garow ballaaran oo lagu hubinayo in imtixaanku u dhaco si nidaamsan, isagoo uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle dadaalka ay ku bixisay tayeynta waxbarashada iyo qabashada imtixaannada shahaadiga ah.

Ugu dambeyn, dhammaan masโ€™uuliyiintii iyo macallimiintii goobta joogtay waxay ardayda u rajeeyeen guul iyo mustaqbal ifaya, iyagoo ku booriyay inay ka faaโ€™iideystaan fursadda waxbarasho ee hortaalla si ay uga qeyb qaataan horumarka bulshada iyo dalka.

โ€œWaxbarashadu waa iftiinka nolosha, aqoontuna waa furaha guusha. Waxaan dhammaan ardayda u rajeyneynaa guul iyo natiijooyin wanaagsan.โ€

Maanta waxaa si habsami leh u socda maalinta 3-aad ee Imtixaanka Final-ka ee ardayda Raage Ceelle Primary & Secondary Sc...
08/06/2026

Maanta waxaa si habsami leh u socda maalinta 3-aad ee Imtixaanka Final-ka ee ardayda Raage Ceelle Primary & Secondary School. Ardaydu waxay sii wadaan dadaalkooda iyo himiladooda ku aaddan guul iyo horumar waxbarasho.

Dhanka kale, bahda waxbarashada degmada Raage Ceelle waxay si weyn u qadariyaan doorka macallimiinta mudada dheer u adeegayay bulshada, gaar ahaan oo kaalin muuqata ka qaatay kobcinta waxbarashada iyo dhismaha jiilal aqoon leh.

Sidoo kale, waxaa bogaadin mudan ardayda Fasalka 8-aad ee sanadkan soo gabagabeynaya waxbarashadooda dugsiga dhexe, kuwaas oo uu ka mid yahay ardayga , kana gudbaya marxalad muhiim ah oo waxbarashadooda ah.

Maanta waxaa si habsami leh u socda maalinta 2-aad ee Imtixaanka Final-ka ee ardayda Raage Ceelle Primary and Secondary ...
07/06/2026

Maanta waxaa si habsami leh u socda maalinta 2-aad ee Imtixaanka Final-ka ee ardayda Raage Ceelle Primary and Secondary School.

Dhammaan ardayda iskuulka ayaa si wanaagsan ugu hawlan imtixaankooda, iyagoo muujinaya dadaal, karti, iyo diyaar-garow miro dhal ah. Waxaa si gaar ah maanta isha loogu hayaa ardayda Fasalka 8-aad, kuwaas oo soo gabagabeynaya waxbarashadooda dugsiga dhexe una diyaar garoobaya marxalad cusub oo ah dugsiga sare.

๐ŸŒŸ Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin lagu farxo.

06/06/2026

Guul iyo gobannimo ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda u fadhiisatay imtixaanka final-ka. ๐Ÿ“šโœจ

06/06/2026

Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin lagu farxo iyo guulo waaweyn. ๐ŸŽ“๐Ÿ†

Maanta oo ay taariikhdu tahay 06 June 2026, waxaa si rasmi ah uga bilowday -ceelle Primary and Secondary School imtixaan...
06/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 06 June 2026, waxaa si rasmi ah uga bilowday -ceelle Primary and Secondary School imtixaanka final-ka ee sannad-dugsiyeedka 2025โ€“2026.

Ardayda ayaa imtixaanka ku galay jawi degan, kalsooni leh, iyo diyaar-garow wanaagsan, iyagoo soo bandhigaya dadaalkii iyo aqoontii ay kasbadeen muddadii waxbarashada. Maamulka iyo macallimiinta iskuulku waxay si dhow ula socdaan habsami u socodka imtixaanka si loo xaqiijiyo jawi ku habboon waxqabadka ardayda.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda guul, horumar, iyo natiijooyin sare oo ka turjumaya dadaalkoodii iyo adkaysigoodii. Guusha maanta waa miraha dadaalkii shalay.

Ilaahay ha u fududeeyo imtixaanka, hana waafajiyo himilooyinkooda waxbarasho.

โ€œWaxbarashadu waa furaha guusha, dadaalkuna waa jidka lagu gaaro.โ€ ๐Ÿ“š๐ŸŒŸ

ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ ๐Ÿ•‹Maamulka, Maamule ku-xigeenka, Macalimiinta iyo dhammaan Ardayda Dugsiga Ho...
10/09/2025

ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ ๐Ÿ•‹

Maamulka, Maamule ku-xigeenka, Macalimiinta iyo dhammaan Ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe & Sare ee Raaga Ceelle waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Agaasimaha Waxbarashada Degmada Raaga Ceelle, Mudane Abas Nor Omar, geerida ku timid Adeerkiis Marxuum Macalin Xasan Cali Xasan.

Waxaan Allah uga baryaynaa inuu Marxuumka u naxariisto, dambigiisana dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, una iftiimiyo,

ุฅู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ ูˆุงุฑุญู…ู‡ุŒ ูˆุนุงูู‡ ูˆุงุนู ุนู†ู‡ุŒ ูˆุฃูƒุฑู… ู†ุฒู„ู‡ุŒ ูˆูˆุณุน ู…ุฏุฎู„ู‡ุŒ ูˆุงุบุณู„ู‡ ุจุงู„ู…ุงุก ูˆุงู„ุซู„ุฌ ูˆุงู„ุจุฑุฏุŒ ูˆู†ู‚ู‡ ู…ู† ุงู„ุฎุทุงูŠุง ูƒู…ุง ูŠู†ู‚ู‰ ุงู„ุซูˆุจ ุงู„ุฃุจูŠุถ ู…ู† ุงู„ุฏู†ุณุŒ ูˆุฃุจุฏู„ู‡ ุฏุงุฑุงู‹ ุฎูŠุฑุงู‹ ู…ู† ุฏุงุฑู‡ุŒ ูˆุฃู‡ู„ุงู‹ ุฎูŠุฑุงู‹ ู…ู† ุฃู‡ู„ู‡ุŒ ูˆุฒูˆุฌุงู‹ ุฎูŠุฑุงู‹ ู…ู† ุฒูˆุฌู‡ุŒ ูˆุฃุฏุฎู„ู‡ ุงู„ุฌู†ุฉุŒ ูˆุฃุนุฐู‡ ู…ู† ุนุฐุงุจ ุงู„ู‚ุจุฑ ูˆู…ู† ุนุฐุงุจ ุงู„ู†ุงุฑ. ๐Ÿคฒ

Ehelka iyo qoyska uu ka baxay, gaar ahaan Agaasimaha, waxaan Illaahay uga baryaynaa samir iyo iimaan saadiq ah.

ุงู„ู„ู‡ ูŠุฑุญู…ู‡ ุฑุญู…ุฉ ูˆุงุณุนุฉ ูˆูŠุฌุนู„ู‡ ู…ู† ุฃู‡ู„ ุงู„ูุฑุฏูˆุณ ุงู„ุฃุนู„ู‰๐Ÿคฒ

๐ŸŽ‰ Hambalyo Guul ๐ŸŽ‰Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan hambalyo iyo bogaadin u dirno dhamaan ardayda fasalka 8aad ee...
20/08/2025

๐ŸŽ‰ Hambalyo Guul ๐ŸŽ‰

Waxaa sharaf iyo farxad weyn noo ah inaan hambalyo iyo bogaadin u dirno dhamaan ardayda fasalka 8aad ee Dugsiga Raaga Ceelle Primary and Secondary School kuwaas oo guul la taaban karo kasoo hoyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Hirshabeelle.

Guushaan waa mid ka dhalatay:
โœ… Dadaalka joogtada ah ee ardayda
โœ… Hagidda iyo tababarka maamulka iyo macallimiinta
โœ… Taageerada waalidka iyo bulshada

Waxaan rajeynaynaa in guushan qiimaha badan ay noqoto mid idinka sii hogaamisa heerar waxbarasho oo ka sarreeya, ayna horseed u noqoto mustaqbal ifaya oo idinka dhex muuqda qaranka iyo bulshada.

Hambalyo Hambalyo Hambalyo!
Waxaan idin leenahay: Guulaha kale Ilaahay ha idiin fududeeyo, mustaqbalkiinnana ha ka dhigo mid ifaya. ๐ŸŒŸ

30/06/2025

Hambalyo Maalinta Xorriyadda โ€“ 1-da Luulyo

Barayaal, arday, waalidiin iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha iyo dibadda dalka, maamulka, macalimiinta iyo ardayda Schoolka Raaga Ceelle waxay si kal iyo laab ah idiinku soo gudbinayaan hambalyo farxad leh oo ku saabsan munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo, maalinta dib u midoobidda gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya sanadkii 1960.

1-da Luulyo waa maalin ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan taariikhda dalkeenna, waana maalin astaan u ah halgankii, geesinimadii iyo dhiigii qubanayay ee ay dadka Soomaaliyeed u soo mareen sidii ay u heli lahaayeen xorriyadooda.

Dugsiga Raaga Ceelle wuxuu aaminsan yahay in ardayda maanta ay yihiin geesiyaasha berri. Sidaa darteed, munaasabaddan qaran waxay na xusuusinaysaa muhiimada ay leedahay midnimada, waddaninimada, iyo ilaalinta hantida guud ee ummadda. Waxaan ku boorinaynaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwii sii wadi lahaa halganka aqoonta, horumarka iyo nabadda.

Waxaan sidoo kale hambalyo u diraynaa dhamaan hay'adaha waxbarashada, waalidiinta, macalimiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya sidii jiilka cusub uu u noqon lahaa mid dalkiisa iyo dadkiisa wax u tara. Waa waajib ina saaran in aan dhaxalno, ilaalino, una faano xorriyadda aan maanta haysano.
Maamulka Schoolka Raaga Ceelle wuxuu si gaar ah ugu hambalyeynayaa ardayda dadaalka badan, kuwaas oo ah ubaxa dalka, isla markaana si joogto ah uga shaqeeya horumarka naftooda iyo dalkooda. Waxaad tihiin tiirarka mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana idinku bogaadinaynaa kartidiinna, anshaxiinna, iyo sida aad mar walba ugu heelan tihiin barashada iyo kobcinta aqoonta.

Sidoo kale, macalimiinta dugsiga, waxaan u diraynaa salaan sharaf iyo mahadnaq qoto dheer waad ku mahadsan tihiin juhdiga, sabirka iyo doorka aad ku leedihiin horumarinta waxbarashada degmada Raaga Ceelle iyo guud ahaan Hirshabeelle.
Ugu dambeyntii, Schoolka Raaga Ceelle wuxuu idin leeyahay: 1-da Luulyo waa maalintii qaranimada, waa maalintii dadka Soomaaliyeed garbaha is qabsadeen, waa maalinta midnimada Soomaaliyeed. Ilaaliya, qadariya, oo ku faana dalkiina. Hambalyo 1-da Luulyo!

Address

Raage-ceelle
Mogadishu

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00

Telephone

+252615329134

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Raage-Ceelle primary & secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Raage-Ceelle primary & secondary school:

Shortcuts

Share

Category