Dugsiga Mujamac Yaaqshiid

Dugsiga Mujamac Yaaqshiid

Share

التربية قبل التعليم

26/05/2026

Ciid Wanaagsan dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda, iyo dhammaan asxaabta nagu xiran! 🌙

Munaasadda barakaysan ee Ciid Al-Adha awgeed, waxaan idiin rajaynaynaa ciid nabad, farxad, iyo barako leh. Kullu Caam Wa Antum Bi-Khayr. Maalmo farxad leh oo cibaado laga aqbalay qof kasta ha u ahaato! 🤲🐐

Photos from Dugsiga Mujamac Yaaqshiid's post 25/05/2026

𝗙𝗮𝗿𝗿𝗶𝗶𝗻 𝗗𝗵𝗶𝗶𝗿𝗿𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗸𝘂 𝗦𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮𝗮𝗮𝗱 (𝗙𝟰) 𝗶𝘆𝗼 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟴𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗚𝗲𝗹𝗮𝘆𝗮 𝗜𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗻𝗮𝗮𝗱𝗶𝗿
𝗦𝗶 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵 Dugsiga Mujamac Yaaqshiid

Ardayda qaaliga ah, marka h**e waxaan idiin rajeynayaa guul, farxad iyo nasiib wanaagsan imtixaannada muhiimka ah ee idin soo wajahan. Waxaan Alle ka baryayaa inuu idiin fududeeyo waqtigan kooban ee idiin harsan, idinkana ku asturo guul iyo sharaf, Insha Allaah.

Marxaladdan aad maanta joogtaan waa mid aad muddo dheer ku taamaysay inaad gaartaan. Qaar badan oo idinka mid ah waxay ku riyoonayeen maalinta ay ka qalin-jabin lahaayeen dugsiga sare si ay jaamacad ugu gudbaan, halka kuwa kalena ay rajeynayeen inay kasoo gudbaan heerka hoose iyo dhexe si ay u gaaraan dugsiga sare. Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay oo idin gaarsiiyay heerkan, inta hartayna waxaan rajeynayaa inuu idiin sahlo.

Ardayow, guushu kuma timaaddo nasiib keliya, balse waxay u baahan tahay dadaal, juhdi, samir iyo wax-akhris joogto ah. Sidaas darteed, ku dadaala inaad waqtigiinna si wanaagsan uga faa’iideysataan, casharradiinnana si qoto dheer u dhigataan. Dadaalka maanta aad bixisaan ayaa noqon doona furaha guusha berri.

Waxaa la joogaa waqtigii aad rumoeyn lahaydeen riyooyinkiinna iyo rajada ay idinka qabaan waalidiintiinna, macallimiintiinna iyo dhammaan dadka idin jecel. Mid kasta oo idinka mid ah wuu gaari karaa kaalmo sare iyo natiijo lagu faano haddii uu la yimaado dadaal dhab ah iyo kalsooni.
Xusuusta in aad tihiin hoggaamiyeyaasha berri, dhakhaatiirta berri, macallimiinta berri, injineerrada berri, garsoorayaasha berri iyo aqoonyahannada dalku sugayo. Mustaqbalka dalka waxaa dhisi doona aqoontiinna iyo kartidiinna.
Waxaan idiinku dardaarmayaa:
Inaad Alle talo saartaan oo aad mar walba ku xirnaataan ducada iyo tawakkulka.
Inaad si joogto ah wax u akhrisaan si aad u gaartaan himiladiinna iyo mustaqbal ifaya.
Inaad ka fogaataan wax kasta oo mashquulin kara waxbarashadiinna iyo diiradda aad saarteen imtixaanka.

Ugu dambeyn, waxaan Alle uga baryayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sanadkan imtixaannada u fariisanaya inuu waafajiyo wixii ay qalbiyadoodu jecel yihiin, kana dhigo kuwa guul iyo sharaf kusoo hooya.

Guul ayaan idiin rajeynayaa dhammaantiin, gaar ahaan ardaydii aan waqtiga wanaagsan soo wada qaadanay. Ku dadaala, ku kalsoonaada naftiinna, hana iloobina in dadaal kasta uu miro dhalo.
Guuleysta idamka Alle, Insha Allaah.

Photos from Dugsiga Mujamac Yaaqshiid's post 19/05/2026

🏆 Hambalyo Horyaalka Sanadka! 🏆
Waxaan bogaadin iyo hambalyo u direynaa geesiyaasha Fasalka F1B oo si xirfad iyo karti leh ugu guuleystay tartanka kubadda cagta ee Mujamac Yaaqshiid Cup 2026.
Halkan ka daawo sawirrada dabaal-degga iyo wejiyada farxadda leh ee kooxda guusha hantay! 👏⚽🥇

Photos from Dugsiga Mujamac Yaaqshiid's post 18/05/2026

Photos from Dugsiga Mujamac Yaaqshiid's post 18/05/2026

🏆 FINAL-MATCH Habalyo F1B 🏆

17/05/2026

📚 Ogeysiis Muhiim ah! 📝

Waxaa dhammaan ardayda sharafta leh ee Mujamac Yaaqshiid lagu ogeysiinayaa in berri oo ay taariikhdu tahay 18-ka May uu si rasmi ah u bilaaban doono Imtixaanka Bisheedii 4-aad.

⏰ Waqtiga: 8:00 AM subaxnimo.

Waxaan ardaydeena qaaliga ah u rajaynaynaa guul iyo dhibco sare. Is diyaariya, dadaala, kalsoonidana kor u qaada! 💪

16/05/2026

🏆 MAALINTII K**A DAMBAYSTA AHAYD WAA BERRI! 🏆

Koobkii xiisaha badnaa ee Mujamac Yaqshid Cup wuxuu marayaa meeshii ugu sarreysay! Waxaa iska horimaanaya labada kooxood ee iska soo reebay dhamaan fasaladii kale:
📈 Fasalka 7A 🆚 Fasalka F1B

Labada kooxood kee baa koobka guriga u rari doona berri? 🤔🏆

💬 Halkaan nagula wadaag saadaalintaada! Ma 7A mise F1B? Noo reeb dhibcaha aad isleedahay way ku dhammaan doontaa! 👇🔥

05/05/2026

Dugsiga Mujamac Yaaqshiid wuxuu mar walba u taagan yahay soo saarista jiil aqoon iyo wadaniyad leh.
Ardayda F4 waa rajada berri."

15/04/2026

Hambalyo Fasalka F3! 🔥🏆

Waxaa si rasmi ah u xaqiijiyey booskooda wareegga 4-ta ee tartanka Mujamac Yaqshid Cup wiilasha reer F3, ka dib ciyaar ay muujiyeen dadaal iyo xirfad sare. 👏⚽️

Hadda waxaan u gudubnay qaybtii ugu xiisaha badnayd ee tartanka. Ma jiro meel looga tashto guusha, qof walbaana wuxuu isha ku hayaa koobka! 🏆
🏆
🔥
⚽️

15/04/2026

Hambalyo kooxda Fasalka F3 oo guul weyn ka gaaray kulankii maanta ee tartanka Mujamac Yaqshid Cup! ⚽️🔥

F3 ayaa soo bandhigtay ciyaar heer sare ah, iyagoo afar gool oo nadiif ah ku garaacay fasalka F2.

Natiijada Ciyaarta:
🏆 Fasalka F3 [ 4 — 0 ] Fasalka F2

Goolasha waxaa u kala dhaliyey:
⚽️ Zakariye (2 Gool)
⚽️ Xuseen Diiriye (1 Gool)
⚽️ Axmad Mubarak (1 Gool)

Bandhig ciyaareed cajiib ah iyo difaac adag ayay muujiyeen wiilasha F3. Hambalyo mar kale, guul iyo goolal kale ayaan idiin rajaynaynaa kulamada soo socda! 👏✨

10/04/2026

Jimco barakaysan dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda, waalidiinta, iyo macallimiinta Dugsiga Mujamac Yaaqshiid. ❤️

"Ilaahayow naga yeel kuwii ka faa'iideysta khayrka maalintan barakaysan." 🤲🌙

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Jidka 30-Ka, Agagaarka Masjidka Sheekh Xasan Cadde Ama Laanta Juungal
Mogadishu
BN+252

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:30
Tuesday 07:00 - 17:30
Wednesday 07:00 - 17:30
Thursday 13:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:30
Sunday 07:00 - 17:30