08/08/2026
πππππ
ππππ πππ
ππππ shada ππππππ-ππ β πππππ ππ
ππππ
Mogadishu | 8 August 2026
Waxaa maanta Jaamacadda ka qabsoomay xafladda daahfurka difaaca Thesis-ka ee ardayda ka qalin-jabinaysa sanadkan (ππ₯ππ¬π¬ π¨π ππππ).
Xafladda waxaa kasoo qaybgalay Maamulka Jaamacadda, macallimiinta, ardayda iyo marti-sharaf kale, iyadoo si rasmi ah loo daahfuray marxaladda difaaca cilmi-baarista ardayda.
Difaaca Thesis-ku waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah safarka aqooneed ee ardayda, taas oo u saamaxaysa inay soo bandhigaan cilmi-baaristooda, aqoontooda iyo natiijooyinka ay gaareen.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Class of 2026, waxaana u rajaynaynaa guul, dadaal miro-dhal ah iyo mustaqbal ifaya. ππ
31/05/2026
Ardayda Kulliyadda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ee Jaamacadda Salaam ayaa u baxay tababar (practical) oo ka dhacay Deeyniile si lo xoojiyo aqoontooda dhanka beeraha,
Intii lagu guda jiray tababarka, ardaydu waxay barteen
Diyaarinta dhulka beeraha
Beerista khudaarta sida yaanyada, Qajaarka, Basbaaska, Barbarooniga, iyo diyaarinta Green House, iyo
Daryeelka dalagga iyo ka hortagga cudurada beeraha
Goosashada dalaga.
Tababarku wuxuu ujeedkiisu ahaa in ardaydu helaan khibrad aqooneed oo dhab ah isla markaana ay fahmaan sida beeraha loo maareeyo.
Tababarkani wuxuu ahaa mid muhiim ah oo ardayda ka caawiyey inay helaan xirfado wax ku ool ah, gaar ahaan dhanka wax-soo-saarka Beeraha.
07/05/2026
Waxaa si guul ah u soo dhamaaday difaacashada buuga qalinjabinta (Thesis Proposal Defense) ee Kuliyada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha.
Waxaan u hambalyeyneeynaa dhammaan ardayda difaacatay Proposal-ka, sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Maamulka iyo macallimiinta, doorkii muhiimka aha ay ka qaateen qabsoomida munaasabada difaacashada Buuga Proposal-ka.