16/08/2022
HAMBALYO
Waxaan farxada laqeebsanaynaa Dhammaan Ardayda Fasalka 12 aad Ee Dugsiga sare Ee ALFAJRI oo natiijada imtixaanka Dawlada Ka wada Gudbay sanad dugsiyeedka 2021/2022
Waxaa mahad u sugnaatay allah kadibna Waalidka, Maamulka, Macalimiinta Iyo Dhammaan Hawl-wadeenada Dugsiga
Waxaan leeyahay H**e u socod wanaagsan iyo Hiigsi meel sare
Guuleysta mar kasta reer alfajri.
05/08/2022
Machadka luqadaha ee Alfajr wuxuu qaadanayaa Arday cusub
Tirada Adada laqaadanaayo aad ayee uyartahay ee yuu kaa buuxsamin
Waxaa casharada bixinaayo macalim takhasus uleh waxa uu bixinaayo
26/07/2022
Waxaa maanta kulan wadatashi iyo diyaargarow ah ku yeelanay hoolka shirarka ee dugsiga Dhexe iyo sare ee Alfajr
Kulanka ayaa ku lafagurnay sida loo wajihi lahaa sanad dugsiyeedka cusub loona hormari lahaa taya ahaan heerka waxbarsho ee Ardada
Kulanka ayaa ku soo idlaaday si nabad ah
Alaha noo fududeeyo howlaha ina horyaalo inshaa allah
21/07/2022
Waxaa farxada laqeebsanaynaa dufcada 21aad oo sanadkaan kaqalinbadashay dugsiga sare ee Alfajr sanad dugsiyeedka 2021/2022
Waxaa leenahay hambalyo dadaalka halkaas kasii wada
Waxaa idiin rajaynaynaa guul iyo mustaqbal ifaayo inshaa allah
19/07/2022
Waxaa dhamaan ardada lagu wargelinayaa in dugsiga uu dib ufurmidoono 30-July-2022
Waxaa si toos ah ubilaawanaya daraasada sanad dugsiyeedka 2022-2023
Diyargarow wacan inshaa allah
02/05/2022
Waxaa dhamaan umada muslimiinta oogu hambalyeynaynaa farxada ciidulfitriga تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال كل عام وانتم بخير
28/03/2022
Waxaa maalinta jimcaha ee taariiqdana ku asteesantahay 01/04/2022 aan qabandoonaa kulanka Finalka ee kubada cagta
Kulankaan ayaa dhaxmaridoono Fasalada F4B iyo F3B
Hadaba daabade aragtidaada nala wadaag fasalkee qaadi doono koobka dugsiga Alfajr 2022
Mahadsanid
28/03/2022
Waxaa maanta qabanay barnaamijka saxaafada oo ay kaqeebqaateen qaar kamid ah ardada dugsiga dhigata runtii soo jeedintooda aad ayee ufiicneed barnaamijkana wuxuu ahaa mid aad looga soo shaqeeyay
Waxaa umahadcelinaynaa dhamaan intii ka qeebqaadatay gaar ahaan Alustaad Xuseen Nuur Cali (Idaajaa) alaha ka abaalmariyo macalinkeena qaaliga dadaalka oo ku bixiyay habsami usocodka barnaamijkaan
24/03/2022
Waxaa soo gabgabaynaa kulankii ugu dambeeyay ee tartan aqooneedka dugsiga sare ee Alfajr isbuuca soo socda inshaa allah wuxuuna dhicicidoona Talaadada soo socota oo ku beegan 29/03/2022 wuxuu dhaxmaridoonaa fasalada kala ah F3A iyo F4A guul ayaa idiin rajaynaa