13/10/2025
Wixii aad samaysaan oo kheyr iyo wanaag ah Allah waa ogyahay wuuna idinka abaal marin
waxaa ka helaysaa muqaalo marwalba ku qanciyo
13/10/2025
Wixii aad samaysaan oo kheyr iyo wanaag ah Allah waa ogyahay wuuna idinka abaal marin
13/10/2025
Diilinta Daddban ee isha xayawaanka ka muuqda wuxuu tilmaamayaa in xoolahaasi yahay “ugaar (prey)”, taas oo u sahlaysa inuu si ballaaran u arko dhulka oo uu si fudud u helo meel uu ku baxsado ama ku dhuunto.
Diilinta qotonta ama taagan ee isha dhexdeeda ka muuqda wuxuu tilmaamayaa in xayawaankaa yahay Dugaag “ugaarsade (hunter)”, taas oo u fududeysa inuu si sax ah u beegsado neefka bartilmaameedka u ah .
07/10/2025
Ilaah xaaq lagu cabudo majiro ilaa Alle moyee Ilahow adigaa cebo daan ka nazahan anigana waxan kamid ahay dhaliminta
07/10/2025
27/09/2025
Galabta ayaan lacag dhan $50 dollar ku Xawilay lanbar khaldan ,Boqolaal jeer Ka badan markii aan wacay oo la iga qaban waayay ayaa waxaan go’aansaday inaan Xeelad aan lacagta kuso ceshdo keeno,kadibna waxaan u qoray fariintan.
“Walaalkayga/Walaashayda Qaaliga/Qaalidaa
Waxaa farxad noo ah inaad naga ogolaatay Ka qayb noqoshada xarakada Ama dawlada islaamigaa Al-Daacish Ee Ka hawl gala dhulalka Shaam,Ciraaq iyo Soomaliya’Waxaadna noqotay xubintii 189-aad Ee nagusoo biirta isbuucan.
Hadii ale idmo birito waa maalintii kowaad Ee tababarka,Waxbana Ha ka welwelin anagaa kuugu imaanayna halkaad joogto,waayo waanu garanaynaa goobtaad ku sugantahay,Meelahaad ku badantahay iyo weliba wax kastoo ku saabsan noloshaada,Sidoo kale hadii aadan diyaar u ahayn Ka Mid ahaanshaha Mujaahidiinta ,Waxba Ha is kalifin Ee kaliya Lacagta uun dib isaga soo celi ,waayo waxay gaar u tahay jihaadka .
Waxaa kusoo qoray walaalkaaga muslimkaa Abuu Xeelad AL Afghani..!
5 Daqiiqo Kadib lanbarkii maanta oo dhan kadeedka ahaa Ee lacagtu igaga maqnayd Baa sidaan isoo qoray:
“Iga raali noqo walalkayga mujaahidka ahoow Waan hurdayay ,Hada Ayaana arkay fariintaada ,lacag aad khalad iigusoo dirteena waan kuuso celiyay ,Weliba $100 dollar oo aan jihaadka ugu tala galay ayaan soo raacshay ,waxaana Kaa codsanayaa inaad liiska mujaahidiinta iga saartid,Waayo “Lug iyo gacan baa i qalalan ,19 sanana ma hadlin ”.
24/09/2025
"Rabbiga CAALAMIINTA maxaad ka malaysanaysaan?!"—Aayah
Adiga oo aan wax jira ahayn Allaha ku jirsiiyay maxaad ka malaysanaysaa?
Alle wax aan wanaag ahayn ka rejayn mayno, mana gudi karno abaalka uu Alle inna gashaday. Bal malee Ilaaha kawnkan kala debbaraya ee xeerarka iyo qawaacidda u dajiyay, adiga oo xubin ka noqonahayn jiraalka ma ku la tahay in Alle arrimahaaga furfuri waayayo oo uu ku dayacayo, waa MAYA.
Haddaba Ilaahay aamin oo nolosha la halgan, la arkee hayaankaaga oo guulaystay e.
18/09/2025
𝘀𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗳𝗮𝗿 𝗲𝗵𝗲𝗹𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮, 𝗸𝘂𝗻𝗮 𝘀𝗮𝗯𝗶𝗿 𝗴𝘂𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱𝗮.🤍❤️
18/09/2025
Allah waa midka ku arkayo marka aad salaadda u istaagayso iyo gad gadoonkaaga kuwa tukanayo dhexdooda.