Anki (sharraxaad guud) | Concept |
https://youtu.be/bKg9CDSIfqQ
Jawiga cusub ee wax-barashada
Ma illowdaa muddo dheer kaddib druustii aad soo qaadatay imtixaankaaga kaddib, iyadoo xitaa laga yaa
Waa maxay barnaamijka Anki ee aysan ku baraarugsanayn arday badan oo soomaaliyeed, iyo dhibaatooyinka uu kaga filnaan karo?
https://youtu.be/pnvzPIA5fRo
waxyaabahan loo garan ogyahay "Flashcards siyaabo kala duwan ayaa loo adeegsadaa:
1. waxaa loo adeegsan karaa in luuqado badan lagu barto sida carabi, english, japanese, chinse, russian, italian iyo qaar kale oo badanba; inta badan waa eray bixinno la fasiray oo aad ku baranayso qaab ka fudud sidii aad ugu baran lahayd haddii aad iskool u gali lahayd barashadooda, sidoo kale muddada ay kugu qaadanayso inaad luuqad barato wuu ka yaraan karaa sida caadiga ah haddii iskuul loo tago.
2. Waxaad u adeegsan kartaa inaad ku barato maaddo kasta oo kamida maaddooyinka aad iskuulkaaga ama jaamacaddaada ku qaadato
– Maaddooyinka iskuulkaaga sida biology, physics, geography, chemistry...... iyo wixii lamida.
– Maaddooyinka jaamacaddaada, siiba ardayda dhigata kulliyadaha caafimaadka; sidoo kale waxaa ka faaidaysan kara dadka barta coding & programming, engineeriyadda.
gaar ah; isticmaalka flashcards-ka wax walba uma qalbi furna oo kuma qurux badna munaasibna kuma ahan in loo adeegsado waxyaabaha qaar ama culuumta qaar.
— Dhanka iskoolka(school) maaddooyinka lagu qaato waxaa kamida xisaab, physics iyo chemistry; maaddooyinkaas waa sax waa loo adeegsan karaa flashcards laakiin waxay u badanyihiin waxyaabo ay tahay in gacmaha looga shaqeeyo sida xisaabta oo kale, sidaas un baa lagu fahmi karaa laguna xifdin karaa; physics isna sidoo kale, chemistry isna waa sidoo kale in kastoo labada h**e uu ka fiicanyahay xagga isticmaalka flashcards-ka.
Math iyo physics haddiiba ay kaa qabato ama aad u rabto flashcards inaad u adeegsato, xogta aad flashcards-ka gashanayso ee ka socda labadaasi maaddo ha ahaato qaacidooyin(formula) inaad ku xafido oo kaliya, waliba physics wuxuu leeyahay qormooyin maqaallo ah sida Waves & thier types, Motion, Force iwm.
Maaddooyinka kale ee aan ahayn saddexdaas aan soo sheegnay, waxyaabaha xaddidaaya inaad u adeegsato flashcards way iska yaryihiin oo waad ku isticmaali kartaa.
— Dhanka jaamacadda; kulliyaduhu way kala duwanyihiin.
kulliyadda ugu fiican ee adeegsi ahaan ugu munaasibsan waa kulliyadda caafimaadka.
Maaddo kasta oo kamida maaddooyinka aad qaadato waad ku isticmaali kartaa flashcards.
kulliyadaha kale sida engineering, computer science & programming, iyaguna way isticmaali karaan, in kastoo aysan wax kasta flashcard ku isticmaali karin oo waxyaabah la dhiganaayo ay u badanyihiin waxyaabo gacmaha laga qabanaayo, dabcan sidaasoo ay tahay way jiraan waxyaabo badan oo xifdin kaaga baahan, kuwaas oo kale waad ku xifdin kartaa flashcrds-ka.
Kulliyado waxaa jira adeegsi ahaan ay adagtahay inay isticmaalaan flashcards sida kulliyadda saxaafadda, kulliyadda maamulka iyo xisaabinta iwm
kulliyadahaan culuumta lagu barto ma'ahan culuum haddii su'aal laga soo dhex bixiyo, jawaabtu ay koobantahay ! waa inaad sharraxaad ka bixisaa, dareenkaaga cabbirtaa jawaabtu waa inay dheeraataa; dabcan xeerarka u yaalla flashcards-kana waxaa kamida su'aal markaad ku dhex qorato, jawaabta su'aashaasina qaa inay koobantahay, sidaasna waxaa loo yeelay inuusan ardaygu ku caajisin marka u ka jawaabaayo su'aalihii uu meesha soo gashaday ee uu gacantiisa ku qoray.
Ugu dambayntii:
Anigu diyaar uma ihi wakhti xaadirkaan inaan soo gudbiyo cashar la sharxaayo, sida biology, chemistry, english, carabi, Anatomy, physiology, Engineering, Programming, balse waxaan xoogga saari doonaa kaliya sharxidda qaabkii loo abuuri lahaa kayd adag oo maskaxda ku kaydsanaada wakhti dheer, misna ay adagtahay inuu wakhtigu dildillaaciyo.
ogow haddii wax la baranaayo meel kasta ayaa laga baran karaa, mar kastana waad baran kartaa; laakiin marnaba k**a fikirno waxyaabahan la baranaayo inay u nugulyihiin ama ay u dayacanyihiin illowshiyaha ama hilmaamka muddo dheer kaddib ku yimaadda wixii la soo bartay ee wakhtiga, maalka iyo tamartaba lagu soo bixiyey !
(Muhiimaddu ma'ahan inaan biyo ku sii shubno haan/foosto daloosha, muhiimaddu waa sidii loo alxami lahaa ama loo gufayn lahaa iyada).
Waxaa kaloo xusid mudan; silsiladda muuqaalladaydu ma ahan kuwo aan ku soo qaato mawduucyo kala fogfog, balse waa kuwo isku tiirsan islamarkaana u nidaamsan sida ay mudanyihiin in loo kala horraysiiyo, muuqaalba muuqaalka uu ka dambeeyana wuxuu ku xiranyahay kii ka horreeyey inaad fahamsantahay wixii looga hadlay.
((Aniga magacayga oo kooban waxaa la yiraahdaa MACHs, waxaan ahay arday caafimaadka barta; waxaan jeclahay inaan ardayda sidayda oo kale ah uga faa'ideeyo wax nuxur leh, loo soo faro-xalan karo islamarkaana cuntami kara, kuna salaysan sidii loo tayayn lahaa nidaamyadan caadiga ah ee aan wax u baranno, kuwaasoo lagala kulmo aafooyin daran oo ay iska yartahay in fiiro gaar ah loo yeesho, marka waxaan rajaynaayaa 100% barnaamiyada aan soo wado haddii siday tahay loogu dhaqmo inay noqon doonaan kuwo soo kordhiya isbeddel hor leh oo ka duwan qaabka adag ee duugga ah ee aan wax u baranno)).
21/07/2022
https://youtube.com/clip/UgkxhqlMQQQeTIctSe0DooAGfBct2pUXvDek
✂️ Easy to buy a book than to read, and easy to read than to absorb content 60 seconds · Clipped by Jawiga cusub ee wax-barashada · Original video "Adeegsiga "Active recall" ardayga maxay ka caawinaysaa? (2/2)" by Jawiga cusub ee wa...
16/07/2022
https://youtu.be/WUXhsOpP4QM
Adeegsiga 'Active recall" maxay ardayga ka caawinaysaa?
1. Adeegsiga "Active recall" ardayga maxay ka caawinaysaa? (1/2) Active recall kaalin noocee ah ayey ka taagantahay wax-akhriska? Marka aad billaabayso akhrinta cashar kugu cusub, fadhiga ugu horreeya ee aad u fariisato ak...
07/07/2022
1. Kor u qaad dhibcaha imtixaankaaga.
2. Yeelo xusuus ay adagtahay inay guurto.
3. Ka naso ku-celcelinta akhriska hal mawduuc oon laga dhammaanaynin maalin kasta.
Ka-arday ahaan waxaan si wanaagsan ula socdaa misna aan dareensanahay baahida meesha taal marka wax la baranaayo.
Intii aan wax soo baranaayey ilaa iyo hadda oo aan wax barto, ma arkin wax faaiidooyinkaas wada xambaarsan oo ii suurtagaliya inaan wax u barto si ka duwan sidii aan wax u baran jiray ee caadiga ahayd.
(Sida caadiga ah ee wax loo barto《traditional study methods》waxaa laga dhaxlay, arday kasta oo xisaabtamaayana uu markhaati ka yahay; waa in wixii la soo bartay muddo dheer kaddib la illaawo, lagana caajiso in dib loo akhriyo ama duruufuhu ay ka xoog bataan muraajicayntooda– iyadoo lagu soo bixiyey kharash, Tamar iyo wakhtiba– Arrintaasoo u muuqata markii si loo fiiriyo inay khasaaro iyo wakhti-lumis ku tahay ardayga, taas macnaheeduna ma'ahan inaan ka soo horjeedno qaddarka iyo astaanta ilaahay nagu abuuray ee ah illowshiyaha, laakiin waxay ka dhigantahay waa musiibo u baahan in dedaal looga baxsado; soomaaliduna waxay tiraahdaa "Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan" ).
Waxaan rajaynaayaa in laga faa'idaysan doono barnaamijyada aan halkan ku soo gudbin doono.
Anigu diyaar uma ihi wakhti xaadirkaan inaan soo gudbiyo cashar la sharxaayo, sida biology, chemistry, english, carabi, Anatomy, physiology, Engineering, Programming, ee waxaan xoogga saari doonaa kaliya sharxidda qaabkii loo abuuri lahaa kayd adag oo maskaxda ku kaydsanaada wakhti dheer, misna ay adagtahay inuu wakhtigu dildillaaciyo.
(Muhiimaddu ma'ahan inaan biyo ku sii shubno haan/foosto daloosha, muhiimaddu waa sidii loo alxami lahaa ama loo gufayn lahaa iyada).
https://youtube.com/clip/UgkxEfUBdi2HNFbogtfmksAfmRT-koFG68eK
Waa maxay anki?
Anki waa mid kamid ah barnaamijyada aadka loogu isticmaalidda badanyahay marka laga hadlaayo wax barashada, kaasoo kaaga filnaan doona illowshiyaha badan ee ku yimaadda muddo kaddib casharradii aad soo qaadatay.
Wuxuu isticmaalaa laba farsamo oo kala ah:
1) Active recall.
2) Spaced repetition system- SRS.
Arday kasta ayaana isticmaali kara heer kastaba ha joogee sida dugsi hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacadeed iyo wixii kor u sii dhaafsiisan !
~ Faa'idooyinka uu barnaamijkani leeyahayna waxaa kamida;
1) Natiijada imtixaankaaga kor ayuu u qaadaayaa (haddiiba uusan 100% ku gaadhsiinin, wayna dhacdaa oo waa la arkay).
2) Wuxuu kuu awood siinaayaa duruustii aad soo qaadatay inaad u yeelato xusuus ay adagtahay inay guurto. (wuxuu xal u yahay illowshiyaha badan ee ku yimaadda muddo dheer kaddib duruustii aad soo qaadatay ! )
3) Wuxuu kaa baajinaayaa wakhti badan oo kaaga bixi lahaa ku celcelinta casharrada akhriskooda maalin kasta. (Wuxuu xal u noqonaayaa jaam iyo inay casharradu isku dul bataan)
4) Wuxuu kaa baajinaayaa dhafar iyo hubanti-la'aan marmarka qaar dhici karta inaad imtixaanka ku gasho (taasoo ay sabab u ahayd markii h**eba in casharradu ay ahaayeen qaar isku dul batay).
Muuqaalkani wuxuu gogol-xaadh kale ama horudhac u yahay barnaamijkaas aan silsiladdiisa soo bandhigi doono min billow ilaa dhammaad qaabka loo isticmaalo iyo waxtarka uu leeyahay.
Midmid ayaan u kala dhigdhigi doonaa haddii ilaahay yiraahdo isagoo taxane ah.
Anigoo isticmaalaaya khibradda aan u leeyahay, waxaan diyaar u ahay inaan isu xilqaamo sidii aan kuugu soo bandhigi lahaa Aaladdaas kuu horseedi doonta inaad wax u barato si ka duwan sida caadiga ah ee la yaqaan, marba haddii aad tahay arday wax barta amase aad tahay qof daneenaaya inuu wax barashada ku biiro.
(Sida caadiga ah ee wax loo barto《traditional study methods》waa in wixii la soo bartay muddo dheer kaddib la illaawo, lagana caajiso in dib loo akhriyo ama duruufuhu ay ka xoog bataan– iyadoo lagu soo bixiyey kharash, Tamar iyo wakhtiba– Arrintaasoo u muuqata markii si loo fiiriyo inay khasaaro iyo wakhti-lumis ku tahay ardayga, macnaheeduna ma'ahan inaan ka soo horjeedno qaddarka iyo astaanta ilaahay nagu abuuray ee ah illowshiyaha, laakiin waxay ka dhigantahay waa musiibo u baahan in dedaal looga baxsado; soomaaliduna waxay tiraahdaa "Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan" ).
Inta aynaan u gudbin taxanaha muuqaal ee barnaamijka ANKi , waxaan ka horraysiinaynaa ilaa iyo shan muuqaal oo ay muhiim tahay hordhac ahaan inaan ogsoonaano xogta lagu soo qaatay mid kasta.
Sababta aan hordhacyada u badinnay ayaa ah sidii qofka looga dhaadhicin lahaa bar-tilmaameedka dhabta ah ee uu barnaamijkani ka hawl-gali doono inta uu ardaygu ku guda jiro geeddi-socodkiisa wax-barasheed, heer kasta oo uu waxbarashada ka maraayo iyo wax kasta oo uu baranaayaba.
https://youtube.com/channel/UCL6lmGLPHBiKOJgu3WlKiZg
29/06/2022
https://youtube.com/clip/Ugkx-PCPkIy31ZkAp-Mid82pQg_61K2Vd5KG
✂️ 1) Kor u qaad dhibcaha imtixaankaaga 2) yeelo xusuus ay adagtahay inay guurto 3) Yaree wakhtiga ku baxaayaa diyaarinta casharka( sidee?? ) 38 seconds · Clipped by Jawiga cusub ee wax-barashada · Original video "Xalka rasmiga ah: ma illowsantahay casharradaadii h**e? | How to defeat forgetfulness...
31/07/2019
☝👏
24/07/2019
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Address
Mogadishu