Somali Community Care Organization-SOCCO

Somali Community Care Organization-SOCCO

Share

waxaad nagala soo xiriiri kartaan:
Email:[email protected]
Tel:619882894

Somali Community Care Organization waa Hay,ad ka shaqeysa arimaha bani aadamnimo sida:Waxbarashada,Caafimaadka,Quudinta iwm,Waxay ka howlgashaa dhamaan Gobolada dalka.

16/12/2025
Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 17/11/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco ahna Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa booqday Iskuulka Huudow Macallin ee Deegaanka Mareeray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Samafale Abuukar Shuute Hussein oo wehliyo Afhayeenka Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo Mudane Abdirahmaan sayid Cali ayaa maanta safar shaqo ku tagay Deegaanka Mareeray ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana booqday Iskuulka Huudow Macallin.

Maamulaha Iskuulka Huudow Macallin Ustaad Cumar Cusmaan C/llaahi iyo Macallimiinta Ayaa si diiran ugu so dhoweeyay Xarunta Iskuulka .

Gudoomiyaha ayaa fasalada ku booqday dhamaan Ardayda isagoo mid mid u dul istaagay.

Gudoomiyaha ayaa macallimiinta iyo maamulka Iskuulka Huudow Macallin ku amaanay dadaalka wayn ay ku bixinayaan caruurta Deegaanka Mareeray,isagoo xusay in ay maanta joogaan guushii Mido fog ay so bilaabeen.

Gudoomiye Abuukar Shuute Xuseen ayaa Ardayda Iskuulka Huudow Macallin ku buraarujiyay muhiimada ay u leedahay waxbarashada,ay iyagana ku heleen si bilaash ah.

Dhamaad.

Afhayeenka Ururka Dosyo
Abdirahmaan sayid Cali
Email [email protected]

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 13/05/2025

Hay,adda socco oo kaashanaysa Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee DOSYO ayaa Daawayn iyo daawo bilaash ah siiyay dad ka so barakacay Degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,barakac ku ah duleedka magaalada muqdisho gaar ahaan Xaawa cabdi kaamka Abroone.

Iyadoo laga jawaabaayo baaq uu dhowaan so saaray Midowga Horumarinta Digil ahaana in ay gurmad degdeg ah loola so gaaro dadkaas barakacay ah dhibaatooyin kala duwan heyso.

Madaxa Mashaariicda Hay,adda Socco Mundane:Abdirahmaan Sayid Cali Cabdi ayaa kor joogtaynaayay habsami u socodka Barnaamijka.

Mudane: Abdirahmaan Sayid Cali Cabdi uu mar warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in gurmadkaan uu bilaw yahay,ay xigi doonaan gurmadyo kala duwan.

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 21/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii 2aad ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Siyaasada iyo Daahfurnaanta Waxbarashada.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo Labo maalmood ah waxaana so qabanqaabiyay Efasom Somalia .

Tababarka Marka uu dhamaaday ka dib ayaa ka qeubgaleyaasha la gudoonsiiyay shahaado ku aadan mowduuca ay barteen.

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 20/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay Tababar ku saabsan Saamaynta Siyaasada iyo Daahfurnaanta Waxbarashada.

Tababarkaan ayaa socon doona muddo Labo maalmood ah waxaana so qabanqaabiyay Efasom Somalia .

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 19/04/2025

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ayaa Xarunta Maama Ugaaso Foundation ugu qabtay Ardayda Xarunta joogto Barnaamijka Ka Wacyigelinta Ardayda Iskuulada Isticmaalka Maandooriyaha oo dhowaan Ururka daahfuray.

Barnaamijkaan oo lagula dagaalamaaayo Ardayda Isticmaalka Maandooriyaha,kaasoo saamayn xoogan ku yeeshay bulshada gaar ahaan ubadka waxbaranaayo islamarkaana halis ku ah jiritaanka ummada ayaa Ururka Dosyo wacyigelin xoogan kaga samayn doonaa Iskuulada Dalka.

Brnaamijka ayaa taabagelisay Hay,adda Socco.

Gudoomiyaha Golaha Sare Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ahna Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa Soo jeedinaayay mowduucaan,isagoo aad kagala hadlay Ardayda Xarunta Maama Ugaaso halista iyo dhibaatooyinka kaga imaan karto Isticmaalka Maandooriyaha.

Ururka Horumarinta Jiilka Soomaaliyeed ee Dosyo ayaa sii wadi doona barnaamijkaan oo ah ka wacyigelinta Ardayda Halista Isticmaalka Maandooriyaha,si loo helo arday ka fiyow Isticmaalka Maandooriyaha,islamarkaana horumar ka gaara dhinaca waxbarashada.

Dhamaad.

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 15/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane Abuukar Shuute Xuseen ayaa maalintii labaad ka qeybgalay shirwaynaha Efasom.

Shirkaan oo ahaa mid sanadle ah kana qeybgalaan Hay,adaha Xubnaha ka ah Efasom islamarkaana uu soconaayay labo maalmood ayaa lagu so bandhigay qodobo muhim ah,sidoo kale hay,adaha ayaa iyagana so bandhigay waxqabadyadooda dhinaca waxbarashada.

Photos from Somali Community Care Organization-SOCCO's post 14/04/2025

Gudoomiyaha Hay,adda Socco Mudane:Abuukar Shuute Xuseen ayaa ka qeybgalay maalintii 1aad ee Shirwaynaha Efasom Somalia oo maanta Xubnaha Ururada Xubnaha ka ah Efasom ugu furmay Muqdisho.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Wadnaha Streat
Mogadishu
252