05/04/2025
As-salaamu calaykum
warahmatullaahi wabarakaatuh,.
Ducada Furitaanka iyo Talooyin Qiimo Leh
(Iskaashi Institute of Modern Academy)
Mahad iyo ammaan oo dhan Ilaahay ayay u sugnaatay, Naxariis iyo nabadgelyo ha ahaato Nabigeenna Muxammad korkiisa.
Marka h**e, waxaan halkaan duco iyo mahadnaq uga dirayaa macalimiinta sharafta leh ee ka tirsan Iskaashi Institute of Modern Academy – kuwaasoo naf iyo waqtiba u hura kobcinta ubadka Soomaaliyeed. Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu camalkiinna suubban idiinka dhigo ajar joogto ah, una fududeeyo masuuliyadda culus ee aad u haysaan bulshada.
Waxaa dhammaaday fasiixii barakeysnaa ee Ciidul Fidriga, anagoo Ilaahay uga baryeyna inuu soonkii naga aqbalo, ciiddana nagu gaarsiiyo nabad, naxariis iyo wadajir.
Waxaan si rasmi ah u wargelineynaa dhammaan bahda waxbarashada in iskuulka uu dib u furmi doono maalinta Axadda Insha’Allaah. Waxaa muhiim ah in qof walba la yimaado diyaar garow, niyad cusub iyo dardargelin waxbarasho.
Wanaagsan:
qiimaha leh:
Ha iloobin inaad tahay mustaqbalka ummadda, dedaal iyo xilkasnimo ku qaado waxbarashadaada.
Akhlaaqda wanaagsan ha kaa h**eyso, baro kalsoonida nafta iyo xushmada dadka kale.
Iskuulka ka dhig meel aad ku dhisto riyadaada.
sharafta leh:
Noqda ilays ifiya, tusaale laga daydo,
iyo hoggaan dad-wanaagsan.
Ardayda ugu duceeya horumar,
kuna hagta kalgacal iyo xikmad.
Isku duubni iyo wada shaqayn
ha noqoto halbeeggiinna.
qaaliga ah:
Doorkiinnu waa laf-dhabarta guusha ubadka.
La shaqeeya macalimiinta, la falgala ardayda,
kana warqaba duruufahooda.
Waxbarashadu waxay u baahan tahay
wadajir guri iyo .mid iskuul.
xigmad leh:
"Qof kasta wuxuu noqonayaa mid beddela adduunka – haddii uu beddelo fikirkiisa.".
"Qof walba wuxuu dhaxlaa waxa uu beerto."
[email protected]