AF iyo SuuGaan

AF iyo SuuGaan

Share

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

09/10/2024

FARQIGA U DHAXEEYA

iyo .
iyo .

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu'jira'e 》

16/09/2024

Macnaha erayga 'Odollo'

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu'jira'e 》

16/12/2023

◇Soo aabe weydiyo wax ma heeyste ima dhalin
◇ina Walanwal ma ihi Hurre lama walaal ihi.

_Hadraawi

Alaha u naxariito Abwaan Cismaan Ibraahin warsam( Hurre Walanwal ) oo ay walaalo ahaayeen Maxamed Ibraahin Warsame (hadraawi)

09/09/2023


'LAMMAANE' waxaa la yiraahdaa markii la joogo naxwaha, labo eray ama in ka badan oo laysku geeyay oo eray qura noqda. Kuwaas oo ujeedo kali ah caddeeya; waxayna u kala baxaan sidaan:-

1. Labo magac:-
Cir, bad: Cirbad.

2. Magac iyo fal:-
Farde,fuul: Fardefuul

3. Magac, meeleeye iyo fal:-
Qar, iska, tuur: Qariskatuur.

4. Magac iyo tilaaame:-
Balad, weyne: Baladweyne.

5. Labo tilmaame:-
Xamar, weyne: Xamarweyne.

Fg. Erayda laysku geeyo ee lammaanaha noqda intaan oo kaliya ma'ahan waa ay ka badanyihiin. Adiga iyo dadaalkaaga!

Mahadsanid sxb

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu'jira'e 》

Photos from AF iyo SuuGaan's post 05/07/2023

Gabdhihii h**e iyo Geel la'aan!!!

Ragii h**e maxay ku calaacali jireen markii ay cayr-geel haleesho.

◆"Koor wayne geel nimaan lahayn naago laga kuurye
◆Odayaal kufaya iyo wadaado koofilaa helaye
◆Ragganagu wuxuu koranayaa nala karaantiileye"

Waa tixdii Maxamed Maalin Axmed.

♥︎Sidookale waxaa ay ku tiraabi jireen markii la nabdaysto oo la yiraa war hebel iska waran?

( waa nabad iyo naag la'aan) cajiib!

Mahadsanid sxb.

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e 》

04/07/2023

Hebed, Heleled iyo Heense???

◆ Gacalkeed ha weeydee haday geenyo kaa "hebeddo"
◆Asuu haayirkii nooliba yaqaan "heleledkay" milato
◆Wiilkii han qaadaba haduu halabsee fuulo
◆"Heensaha" in aad kala baxdaa soo hal gar ah maaha.

1.Erayga "Hebad" Waa neefka qof waliba uu ka kaxaysan karo ee aan ka didin.

2. Erayga "Helelad" waxaa loo yaqaanaa halka uu farduhu joogo ee aan laga wayn hadii loo baahdo, sida meesha uu u daaq tago iyo halka xeradiisu tahay.

3.Eayga "Heense" waxaa la dhahaa agabka fardaha la saaro ama lagu xiro, marka la fuulayo ama la wadayo sida: xakamaha iyo kooraha .

♥︎Fg. Maansadu waa sarbeeb, anshaxa suugaantana hadii wax la qarinayo waa sarbeebta. Ujeedadu waa haweenta la qabo ee aan xalaasha ku ekaan.

♥︎Fg. Waa Tix aanan aqoon ugu lahayn magaca cidii tirisay, hase ahaatee dhagahayga in badan ku dhacday. Yeelkeede waa Suugaan dhaxal gal ah.

Mahadsanid sxb.

♣︎《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

04/07/2023

Ayaamaha Sitimaanka???

Imaatinkii umadihii Carbeed ay ku soo galeen qarnigii 14naad ayaa waxa uu la tagay qaar ka mid ah Afka iyo dhaqankii ay soomaali lahayd.

Waxaa ka mid ah maalmaha sitaanka oo aan u naqaano badankeen Af-carbeed.

Hase ahaatee Af-soomaaliga oo hodan ah ayaa waxa uu leeyahay maalmo u gooni ah.

♡Maalmaha Af-somaaliga:-
1. Sooroga- السبب
2. Koobin- ألاحد
3. Lammin إلاثنين
4. Laamtok -الثلاثاء
5. Koodaar -ألاربعاء
6. Hakisa -الخميس
7. Hakisbila- الجمعه

Mahadsanid sxb.

♧《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

03/07/2023

Erayga Maanta "Alan" ???

Erayga Alan macna ahaan waxa loo yaqaan:-

1. "Alan" marka 1aad waxaa loo yaqaanaa xubnaha uu ka koobanyahay geedka Qasabka am geed sunkorta.

2. Marka 2aad "Alan" waxaa la dhahaa inta uu ka koobanyahay Erayga, dhawaquna uu ku hakado.

Tus: 1.(Caday-> ca-day) 🪥
2.(Dukaan-> du-kaan) 🏚
3.(Goorsheegto-> goor-sheeg-to) 🕗
4.(Aabe-> aa-be).👨‍🍼

Mahadsanid sxb.

♧《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

03/07/2023

Bila-tirsiga Af-somaaliga ah???

Sanadka marka uu ka koobanyahay 12ban bilood, 7ba ka mid ah waxaa loo yaqaana "Gardhalad" waxayna ku dhamaadaan 30 maalmood, halka 5ta soo hartay loo yaqaano "Qamaas" ayna ku dhamaadaan 29 ayaamood.

Bila-tirsiga Af-somaaliga:-

1. Seko: 29 (Qamaas )
2. Safar: 30 (Gardhalad)
3. Mowliid: 29 (Qamaas )
4. Maalmadoone: 30 (Gardhalad)
5. Boqoshoon: 29 (Qamaas)
6. Waaberiis: 30 (Gardhalad)
7. Sanbuux: 29 ( Qamaas)
8. Soondheere: 30 (Gardhalad)
9. Soon: 29 (Qamaas)
10. Soonfur: 30 (Gardhalad)
11. Sidataal: 30 (Gardhalad)
12. Arrafo: 30 (Gardhalad)

♡ Bishee baan hadda ku jirnaa?

Mahadsanid sxb.

♧《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

02/07/2023

Tis iyo Tahar???

♤"Is Taageerid bay labo gacmood Tamar ku yeeshaan

♤ "Tiska" waxa la qaadaa markay Tiirisaa bidixe

♤Haday midigtu kali taagantahay "tahar" ma goyseene".

Gabayaaga: Cabdullaahi muuse AUN.

1. Tis: waxaa la yiraahdaa (Ood).

2. Tahar: waxaa loo yaqaanaa ( Laan), laan ooda ka mid ah.

Mahadsanid sxb.

♧《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e 》

01/07/2023

GUUL-OOMANE IYO GUUL-WABAX?

1.Guul-oomane: waa markii geela iyo geel-jirayaasha ay ku jiraan socod aroorka, markii ay soo gaaraan meel aan ka fogayn ceelka ayee furtaan oo ay ku baryaan habeen si ay ceelka ugu hormaraan hiirta waabari.

2. Guul-wabax: waa markii ragga geela wada ay yihiin fulliin oo ay dhex ku furtaan ayna ku baryaan habeen, ceelkiina waa ay ka yimideen raaskiina ma gaarin.

◇ Tusaale:( erayga guul)
Xalay meeshaan waxaa ku guulay Cali.

♤Erayga "Guul" sidoo kale waxaa loo yaqaanaa waxa sababa dagaalka sida: xanaaqa wata aflagaadada ku laran baxsadka.

◇Tusaale: Cali iyo Faarax waa ay isku guulguulayaan( isku baxsanyaan ) kaalaya kala qabta.

Fg. Qormo ahaan waxa ay ka simanyihiin erayga loo yaqaano markii la gaaro hanashada yoolka oo ah "guusha".

◇ Tusaale: (erayga guul)
Doorashadii waxaa ku guuleestay Faarax.

Waxaan filaa in aad hada kala saari karto hadii aadan horay u aqoon "guul-oomane" iyo "guul-wabax" .

Mahadsanid sxb.

♧《Walee hal ima Gaadho intii afkay Gu' jira'e》

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


B/W
Mogadishu