16/08/2026
Hambalyo, hambalyo, hambalyo! ๐๐
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare.
Guusha aad maanta gaartay waa mid ka dhalatay dadaal, sabir, adkaysi iyo juhdi badan. Maanta waxaad goosateen midhihii dadaalkiinna, waxaana idiin furmay bog cusub oo noloshiinna ah.
Waxaan si gaar ah idiinku dhiirrigelinayaa inaad sii waddaan waxbarashada, aqoontiinna kororsataan, kuna dadaashaan inaad mustaqbalka noqotaan haldoor, aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal dalkooda iyo dadkooda anfaca.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan intii garab istaagtay ardaydan muddadii ay waxbarashada ku jireen.
Hambalyo guuleystayaal! ๐โค๏ธ
Mustaqbal ifaya iyo guulo waaweyn ayaan idiin rajaynayaa.
Ilaahay ha idiin fududeeyo tallaabada xigta, hana idinka dhigo aqoontiinna mid aad dalka, dadka iyo naftiinnaba ku anfaca. Aamiin. ๐คฒ