03/09/2023
Cudurka sonkorta
Qof walba oo inaga mid ah waxaa muhiim ah in uu wax uun ka,ogaado cudurka sonkorta maadaama uu yahay cudir bulshadeena ku dhex baahsan .
Cudurka sonkortu waa cudur ka dhashay jirka oo Nidaamin waaya heerka sonkorta ee dhiiga , taas oo dhalinaysa in ay sonkorta jirku ay sara u kacdo .
cudurka sonkorta
1) nooca koobaad ama (type 1 ) noocan wuxuu ku dhacaa dadka da,doodu yartahay waxaana sababa in qanjirka ganaca ama (pancreas ta ) uu jirku si qaldan u burburiyo kaas oo ah ganjir soo saara hormone ka looyaqan ta kaas oo shaqadiisu tahay in sonkorta ama ( glucose ta) ku xareeyo unugyada (cells) jira si dhiiga looga saaro
markii lawaayo insulin ta waxaa sara u kacaya sonkorta halkaasna waxa kadhalanaya cudurka sonkorta nooca koobaad .
Waa in aad ogsoonaataa cudurka sonkorta nooca koobaad (type 1) hormone ka insulintu gabi ahaanba jirka wuu ka maqanyaha .
2) nooca labaad (type 2) noocaan wuxuu ku dhacaa dadka waawayn waxaa waxaana sababa in xadiga insulin ta ee jirku soo saarayo yaraato, ama ay unugyada (cells ) jirku iska caabiyaan insulinta taas oo sababaysa in ay sonkorta dhiiga (bood glucose ta ) ay sara ukaco waxaa na ka dhalanaya cudurka sonkorta noociisa labaad
sababa cudurka sonkorta?
Waxyaabaha sababa cudurka sonkorta way kala duwanyihiin ayada oo ku xiran hadba nooca uu yahay .
sababa nooca koobaad (type 1) ?
Noocaan aan hora usoo xusnay waxaa sababa in jirku si qaldan u weeraro ganjirka insulin ta soosaara ee looyaqaan ganaca (pancreas) taas oo sababaysa in insulin gabi ahaan ba lawaayo , waxa xusid mudan in ay jiraan dad hiddo ama fir (genetic) u leh cudurkaan
sababa nooca labaad (taype 2) ?
Noocan wa nooca caanka ah ee aad ka ubadan waxa sababana aad ayay ubadan yihiin ,waxaana kamid ah
a) qofku in uu hiddo uleeyahay iyo
b) qaab nololeedka qofka
ii nuglayn kara cudurka sonkorta nooca labaad ?
A) cayilka
B) qofka oo aan jimicsan
C) cunto aan isku dheeli tirnayn : sida cuntooyinka difantu ku badantahay ama cuntooyinka la wirshadeeyay iyo wixi lamid ah.
E) hiddo ahaan .
F) da,da qofka oo waynaata
Intaas ka dib maanta waxaan isla fahana
A) waa maxay cudurka sonkorta
B) noocyadiisa
C) maxaa sababa
aan kusoo qaadan doono xalqooyinka soo socda
1)sidee loo daweeyaa sonkorta
2) sidee loola tacaalaa qof qaba cudurka sonkorta
3) dhibaatooyina ka dhasha cudurka sonkorta haddi aan si saxan loo maamulin.
4) xiliga soonka maxaa la gudboon qofka qaba cudurka sonkorta.
ay qormadaan ku qancisay fadlan Maax home teaching fallow na soo dheh siina share garee .
Mahadsanidiin
11/09/2022
Faa’idooyinka caafimaad ee cunista malabka:
Malabku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka dabiiciga ah ee ugu faa’idada badan caafimaadka qofka, sababtuna waa xaddiga aadka u badan ee faytamiinnada, macdanaha kala duwan iyo asiidhada Amino ah ee ku jira malabka iyo sida oo kale maaddooyinka awoodda badan ee liddiga ku ah bakteeriyada, dulinka iyo mariidka. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in malabka ay ku yar yihiin Kalooriska isla markaana aanu wax dufan ah lahayn, sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in qofku uu caadaysto in maalin kasta uu cuno malqacad malab ah.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Alcarabiya waxa ay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah faa’idooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga dheefo malabka oo joogto loo cuno.
Ridista Miisaanka saayidka ah: Malabku waxa uu xoojiyaa awoodda dheefsashada cunto ee jidhka iyo gubashada dufanka, sidaa awgeed malabku waxa uu si aad ah u ridaa miisaanka saayidka ah.
Hoos u dhaca Kalastaroolka: Malabka waxaa ku jira faytamiinno caawiya dhimista dufanka dhiigga. In maalin kasta la cuno malab waxa ay jidhka ka caawisaa in uu yeesho awood uu ku burburin karo mariidka, (Sunta cuntada ka samaysanta) waxa aanay taasi yaraysaa heerka dufanka.
Xoojinta wadnaha: Cilmibaarisyo kala duwan ayaa caddeeyey in maaddooyinka malabka ku jira ee lidka ku ah mariidku ay sida oo kalana ka hortag u noqon karaan xididdada oo xidhma, taasina waxa ay keenaysaa in aanu wadnuhu shaqadiisa gabin, waxa kale oo uu Mariidku keenaa in xusuusta qofku xumaato iyo madax xanuun.
Xoojinta xusuusta: Cilmibaarisyada lagu sameeyey faa’idooyinka caafimaad ee ku jira malabka ayaa lagu ogaaday in uu awood u leeyahay in uu la dagaalamo daalka maskaxeed isla markaana wanaajiyo xusuusta.
Hurdada fiican: Macaanka malabka ku jiraa waxa uu kordhiyaa maadadda Insulin ee jidhku u baahan yahay, waxa kale oo uu kordhiyaa hormoonnada qofka ka caawiya hurdada wanaagsan.
Dheefshiidka: Malabka oo ah nadiifiye aad u tayo badan, haddii maalin kasta malqacad laga cuno inta aan quraada ama cunto kale caloosha gelin, waxa ay taasi caawisaa daweynta iyo ka hortagga cudurro door ah oo la xidhiidha dheefshiidka, sida nabar calooleedka, calool ololka, iyo bakteeriyadad midhicirada ku dhalatay.
Maqaarka: maaddooyinka lidka ku ah mariidka ee malabka ku jiraa waxa ay jirka ka caawiyaan in uu iska nadiifiyo suntan kala duwan ee ku jirta. taasina waxey keentaa in maqaarka sare ee qofka caadeesta cunista malabka uu dhalaalo.
10/09/2022
6 arimood oo keena dhabar xanuunka
1_Dhaawac gaara murqaha iyo lafta dhabarka
Dillaaca ama dhaawaca gaara murqada iyo lafta dhabarka, waa kuwa ugu badan ee keena xanuunka.
Xanuunka haddii uu ku faafo murqaha, wuxuu ka dib u gudbayaa lafta dhabarka. Wuxuu saameyn ku yeelan karaa dheecaanka murqaha ku jira.
Haddii aad si degdeg ah loo daweyn, xanuunka wuxuu u sii gudbayaa sinaha, balse waxay dhakhaatiirta sheegeen in xanuunkaas uusan u gud bin lugaha.
2 _Sciatica
Sida lagu ogaaday cilmi baaris uu sameeyay machadka Qalliinka Lafaha ee Mareykanka, waxaa lagu sheegay in haddii aad isku aragto xanuun ka bilowday dhabarka illaa sinta, kaas oo saameeya bowdooyiinka iyo lugaha, haddaba waxaa suuragal ah in lafta dhabarka ay qalloocatay oo ay saameyneyso neerfayaasha dhabarka. Xanuunkaas waxaa loo garanayaa sciatica.
Soo bixidda, dillaaca ama waynaanta lafta
Arrinta waa mid ka mid ah kuwa ugu badan, waxaana ka dhasha xanuun aad u daran.
Qeybta hoose ee dhabarka waxaa xanuun saa’id ah noqota marka ay soo baxdo ama qalloocato, waxayna gaartaa heer uu dhuuxa ka dhammaado, waxayna soo riixeysaa lafta-dhabarka oo dhan.
Dhaqaatiirta Neerfaha waxay sheegayaan in xanuunkaas badankiisa uu ka yimaado neefayaasha cadaadiska dareema.
3 _ Cabsi
Marka laga hadlayo dhabar xanuunka, cabsida waa fikradda ballaaran eek a mid ah kuwa keeni kara.
Waxaa jirto caddeyn muujineysa in xanuunnada la xiriira xabsida ay yihiin kuwo si joogto ah loo arko. Cabsidaas waxaa keena arrimo ay ka mid yihiin in qofka lagu dhoho “dhabarkaaga wuu jilcan yahay, ama isma haysto, ama dhaawac ayaa ka muuqdo”.
Ka dib wuxuu qofka billaabayaa in uu ka baqo dhaqdhaqaaqa iyo shaqo qabashada taas oo keeni karta xanuunka dhabarka. Dhaqaatiirta ayaa cabsidaa kaa saari kara oo sidaadii caadiga ahayd kugu soo celin
4 _ Da'da
Lafaha ku jira dhabarka way duqoobaan. Sida caadiga ah, markasta oo da’daada sii waynaato, waxyaabaha isku haya lafaha way dhammaadaan taana waxay dhalin kartaa in lafaha ay is xoqaan.
Laakiin arrintaas ma ahan mid uu qof kasta isku arko. Balse, dadka isku arka xanuunkaas, dhibaato kale kalama kulmayaan, sida uu qabo machadka Arthrits.
5 _ xanuunka Osteoarthritis
Illaa muddo aan fogeyn, waxaa la aaminsanaa in xanuunkan uu ka dhasho kala baxa ama isgalidda lafaha, balse seynisyahannada waxay hadda aaminsan yihiin uu yahay xanuun ku dhaca kala goys-yada.
Waxaa keena, hido-sidaha, cayilka, dhaawac, dhabarka oo shaqo ka badan lagu qabto, iyo xanuunno kale,
Lafaha dhabarka oo isku dhega – ciriiri
Xanuunkan waa mid ah in laf-dhabarta ay isku dhegto oo meelaha bannaan buuxsamaan, taas na waxay keeneysaa in neerfayaasha ay cadaadis uu koro. Taa waxay dhalataa marka qofka uu duqoobo oo wixii lafaha kala celinayayna dhammaadaan.
6 _ Spondylolysis
Waa dillaac ama jab-yar oo gala mid ka mid ah lafaha dhabarka. Mararka qaar dillaacaas wuxuu daciif ka dhigaa lafta, waxayna gaartaa heer ay ku sii jiri-waydo booskeeda, ka dibna qofka wuxuu noqonayaan mid dhinac u badan, waxaana ka dhasho xanuun.
06/09/2022
Faa’iidada caafimaad-ka 𝐁𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 (okra)
Baamiyaha waxaa ku jiro qaybaha kala duwan ee nafaqada wuxu qani ku yahay fiitamiinada sida: Vitamin K, Vitamin C, Thiamine (B1) Folate (B9)
Sidoo kale waxaa ku jira macdanta sida : Magnesium, Phosphorus Calcium iyo Zinc
1. Wuxuu xoojiyaa lafaha : waxaa ku jiro fitamiin k oo ka qayb qaato samaysanka lafaha isagoo si kiimikaal ah (chemical) u gaabeeyo ama u aktiif (active) gareeyo borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sido kale waxa kujiro calcium iyo Phosphorus.
2. wuxu ufiicanyahay dadka qabo xanuunka sonkorowga : war bixino caafimaad aya sheegayo inu yareeyo xawaaraha sonkorta looga soo nuugo dheef-shiidka (low Glycemic Index) taasina ay saacidayso in sonkorta dhiigga aysan aad ukicin .
3. caafimaadka hooyada uurka leh : baamiyaha waxaa ku jiro fitaamiinka Folate (folic acid) oo ka hortago caafimaaddaro ku timaado ilmaha uurka kujiro muhiimna u ah hooyo walboo uur leh inay qaadato fiitaminkan .
4. baabmiyaha waxa u wanaagsan yahay arag oo waxaa ku badan vitamin A.
5. Baamiyaha waxa uu ka hortaga calool fadhiga maxaa yeelay waxaa kujira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous.
6. wuxuu kor uqaadaa difaaca jirka : wuxu qani kuyahay vitamin C oo ka qayb in waxyaalaha sunta jirka laga saaro .
7. sidoo kale waxa uu yareyaa Kalestrol-ka ama dufunka dhiiga.
8. Baamiyuhu wuxuu dhowraa caafimaadka Haraga (Maqaarka) iyo
9. faaidooyinka le oo badan
Halkaan igla soo xidhiidh (𝐢𝐧𝐬𝐭𝐚𝐠𝐫𝐚𝐦)
𝐑𝐢𝐢𝐱 𝐱𝐚𝐠𝐚 𝐡𝐨𝐨𝐬𝐞 👇
https://www.instagram.com/drfarisalattas/
𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
05/09/2022
𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐂𝐀𝐀𝐅𝐈𝐌𝐀𝐀𝐃 𝐄𝐄 𝐈𝐃𝐀𝐇𝐀
Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah:
1- Bakteeriyada caloosha.
2- Hargabka iyo ifilada.
3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka.
4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka.
5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada.
6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno "Sciatica"
7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda.
8- Gaas calooleedka, nooca "Ulcer" ka ah.
9- Dilanka haweenka.
10- Korriimo la'aanta caruurta.
Waxay kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐨 𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐛𝐚𝐠𝐚 𝐈𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐮𝐮 𝐝𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐨 𝐱𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐚𝐝𝐚𝐚𝐬 𝐤𝐨𝐫 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐮𝐬𝐚𝐲?
Marka h**e Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,
waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan,
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii h**e.
Sababta labadaas shardi iyo faa'idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:
1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa'idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho "Saturated Fat", noocne waxaa la yiraahdaa faa'ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa "unsaturated fat", sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana "Unsaturated Fat", waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo "OMEGA".
Maadadaan waaye waxa jirka faa'ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.
Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa'ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii h**e la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.
Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa'idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la'aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa'idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.
Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.
Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.
Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.
Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee "Peptic Ulcer" oo aysan keenin bakteeriyada "H.Pylori" iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.
Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.
Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.
Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.
𝘀𝗵𝗮𝗿𝗲-𝗱𝗵𝗲𝗵 oo gaarsii asxaabtada si ay uga faaideystaan.
W/Q: somali doc
11/03/2021
Taxanaha cafimaad
Faa'iidoyinka caafimaad ee uu leeyahay tufaaxa
1.Tufaaxu wuxuu burburiyaa dhagaxaanta xameetida (gallblader stones
2.Tufaaxu wuxuu fududeeyaa shaqada kaliyaha beerka iyo kaadi haysta
3. Tufaaxa wuxuu leeyahay macdanta loo yaqaan potassium calcium phosphorous iyo iron waxaana in Ku filan isticmaalka jirka
Akhriste hadaad akhrisatay qormadaan caafimaad fadlan like Saar page kan