Darul-Kowthar Primary and Secondary School

Darul-Kowthar Primary and Secondary School TILMAAMTEYNU WAA TACLIIN IYO TAYO WAXBARASHO

26/09/2026

Maanta waxaa Daabuurka subaxnimo Nagala soo qeyb galay ustaad Abas Mohamed Dhagacaleen oo ka mid ah bahda Waxbarashada Soomaaliyeed

ISKUULKA DARUL-KOWTHAR  OO KA QEYB GALAY  SOMALI HIGHER EDUCATION EXPO 20269-ka September 2026Maanta, Darul-Kowthar Scho...
09/09/2026

ISKUULKA DARUL-KOWTHAR OO KA QEYB GALAY SOMALI HIGHER EDUCATION EXPO 2026

9-ka September 2026

Maanta, Darul-Kowthar School ayaa si sharaf leh uga qaybqaadatay Somali Higher Education Expo 2026, oo ah bandhig waxbarasho oo muhiim ah, kaas oo soconaya muddo laba maalmood ah, 9–10 September 2026, laguna kulmayo Jaamacadaha dalka, hay’adaha waxbarashada, maalgashadayaasha iyo kumannaan arday ah oo sanadkan ka gudbay Imtixaanka Qaranka. Bandhiggan wuxuu fursad weyn u yahay ardayda doonaysa inay qorsheeyaan mustaqbalkooda waxbarasho, iyadoo ay ka heli karaan macluumaad ku saabsan jaamacadaha dalka, kulliyadaha iyo takhasusyada kala duwan, shuruudaha gelitaanka, habka is-diiwaangelinta, deeqaha waxbarasho iyo fursadaha horumarineed, sidoo kalena ay heli karaan talo iyo hagitaan ku saabsan doorashada takhasuska iyo jaamacadda ku habboon.

Ka qaybgalka Darul-Kowthar School ee bandhiggan wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee dugsigu ugu jiro horumarinta iyo hagidda ardaydiisa. Darul-Kowthar waa dugsi ku dhisan himilo ah in la helo waxbarasho tayo leh iyo tarbiyo wanaagsan, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta aqoonta, akhlaaqda, kartida iyo xirfadaha ardayda, gaar ahaan luqadaha, Computer-ka iyo Tiknoolojiyadda, caafimaadka, hoggaaminta, hal-abuurka iyo xirfadaha nolosha, si ardaydu ugu diyaar garoobaan waxbarashada sare iyo mustaqbalka shaqo.

Waxaan si gaar ah ugu dhiirrigelinaynaa dhammaan ardayda sanadkan ka gudubtay Imtixaanka Qaranka inay ka faa’iidaystaan Somali Higher Education Expo 2026, maadaama ay tahay fursad ay ku heli karaan xog sax ah, talo wax-ku-ool ah iyo fursado kala duwan oo ka caawinaya inay si wanaagsan u doortaan waddada waxbarasho ee mustaqbalkooda.

Darul-Kowthar School waxay mar walba ka go’an tahay inay ardaydeeda u abuurto fursado waxbarasho oo tayo leh, kuna barbaarto aqoon, akhlaaq iyo karti.

📞 Wixii Faahfaahin ah kala Xiriir: 252610708834

DARUL-KOWTHAR SCHOOL — “Tacliin Tayeysan iyo Tarbiyo Hagaagsan.”

Xulka Kubadda Cagta ee Iskuulka oo u gudbay wareega Isreeb-reebka Tartanka Kubadda Cagta ee iskuulada degmada Gubta .
05/09/2026

Xulka Kubadda Cagta ee Iskuulka oo u gudbay wareega Isreeb-reebka Tartanka Kubadda Cagta ee iskuulada degmada Gubta .

MAAMULAHA ISKUULKA DARUL-KOWTHAR OO KA QEYB GALAY TABABAR KU SAABSAN DIYAAR-GAROWGA SANAD-WAXBARASHEEDKA CUSUBMaamulaha ...
29/08/2026

MAAMULAHA ISKUULKA DARUL-KOWTHAR OO KA QEYB GALAY TABABAR KU SAABSAN DIYAAR-GAROWGA SANAD-WAXBARASHEEDKA CUSUB

Maamulaha Iskuulka Darul-Kowthar ayaa ka qeyb galay tababar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa:

“Preparing the School for a Successful New Academic Year”
(U Diyaarinta Iskuulka Sanad-Waxbarasheed Cusub oo Guuleysta)

Tababarkan waxaa iska kaashaday Moalim Platform iyo Ururka Macallimiinta QarankaSoomaaliyeed, waxaana diiradda lagu saaray sidii iskuulladu ugu diyaar garoobi lahaayeen sanad-waxbarasheedka cusub, loona xaqiijin lahaa in howlaha waxbarashada ay ku bilowdaan qorshe cad, nidaam wanaagsan iyo maamul hufan.

🎯 Qodobada muhiimka ah ee tababarka diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa:

- Habka maareynta iyo qorsheynta shaqooyinka sanad-waxbarasheedka cusub.
- Diyaarinta qorshe-shaqeedka iyo kala hormarinta howlaha muhiimka ah.
- Horumarinta maamulka iyo hogaaminta iskuulka.
- Isku-duwidda shaqada Maamulka, Macallimiinta iyo qeybaha kala duwan ee iskuulka.
- Dejinta yoolal waxbarasho oo la cabbiri karo iyo qorshe lagu gaari karo.
- Diyaarinta jawi waxbarasho oo wanaagsan, nidaamsan, isla markaana u diyaarsan baahida ardayda iyo macallimiinta.

✨ Tababarrada noocan ah waxay door muhiim ah ka qaataan kor u qaadidda tayada maamulka iyo waxbarashada, maadaama guusha sanad-waxbarasheedku ay ka bilaabato diyaar-garow wanaagsan, qorsheyn sax ah iyo wada-shaqeyn miro-dhal ah.

Darul-Kowthar School waxaa ka go’an in sanad-waxbarasheed kasta lagu bilaabo Qorshe, Nidaam iyo Hadaf cad, si loo gaaro himilada ah:

🎓 “Tacliin Tayeysan iyo Tarbiyo Hagaagsan.”
La xiriir Faahfaahin
+252 61 0708834

=DHAMAAD=

📚 SOO GABAGABAYNTII TABABARKA MACALLIMIINTAMuqdisho, 27 Agoosto 2026 — Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Tababarka ...
28/08/2026

📚 SOO GABAGABAYNTII TABABARKA MACALLIMIINTA

Muqdisho, 27 Agoosto 2026 — Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyey Tababarka Horumarinta Xirfadaha Macallimiinta, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Rasmi Center for Education Development iyo Muqdisho Private Schools Association (MPS).

Tababarka waxaa ka qayb galay macallimiinta dugsiyada xubnaha ka ah Ururka MPS, gaar ahaan macallimiinta Iskuulka Darul-Kowthar, kuwaas oo ka faa’iidaystay aqoon iyo xirfado lagu xoojinayo hababka waxbaridda iyo tayeynta shaqada macallinka.

Waxaa soo gabagabeeyey Maamulaha Iskuulka iyo Madaxda Ururka MPS, iyagoo ku boorriyey macallimiinta inay ka faa’iideystaan aqoonta ay ka heleen tababarka, si loo sii xoojiyo tayada waxbarashada iyo horumarka ardayda.

“Macallin tayo leh, waxbarasho tayo leh, jiil tayo leh.”

27/08/2026

🎓 KALIMADDA MAAMULAHA ISKUULKA – XIRITAANKA SEMINAR-KA MACALLIMIINTA

Maamulaha Iskuulka ayaa kalimad ka jeediyey munaasabadda xiritaanka Seminar labada maalmood socday, oo loo qabtay macallimiinta dugsiyada xubnaha ka ah Muqdisho Private Schools Association (MPSA).

Seminar-kan oo ujeeddadiisu ahayd kordhinta xirfadaha macallinka iyo tayeynta waxbarashada, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray Scheme of Work iyo Exam Preparation, si loo xoojiyo qorsheynta casharrada iyo diyaarinta imtixaannada.

Isagoo ka hadlayey munaasabadda, Maamuluhu wuxuu yiri:

«“Seminar-ku maanta wuu soo dhammaaday, balse barashadu ma dhammaan. Aqoonta aan halkan ku barannay qiimaheedu wuxuu muuqanayaa marka aan ku dabaqno fasalladeenna, oo aan ardaydeena u horseedno waxbarasho tayo leh.”»

Wuxuu sidoo kale xusay in macallinku yahay laf-dhabarta tayada waxbarashada, loona baahan yahay in si joogto ah loo horumariyo aqoontiisa, xirfaddiisa iyo habka uu ula shaqeeyo ardayda.

“Macallin tayo leh wuxuu dhisaa arday tayo leh; arday tayo lehna wuxuu dhisaa bulsho tayo leh.”

Ugu dambeyn, wuxuu uga mahadceliyey MPSA, tababarayaasha iyo dhammaan macallimiintii ka qeyb gashay seminar-ka dadaalka ay geliyeen horumarinta tayada waxbarashada.

Tacliin Tayo Leh iyo Tarbiyo Hagaagsan.

📢 WERGELIN KU SOCOTA WAALIDIINTA IYO MAS’UULIYIINTA ARDAYDAWaxaan dhammaan waalidiinta iyo mas’uuliyiinta ardayda Darul-...
24/08/2026

📢 WERGELIN KU SOCOTA WAALIDIINTA IYO MAS’UULIYIINTA ARDAYDA

Waxaan dhammaan waalidiinta iyo mas’uuliyiinta ardayda Darul-Kowthar Primary and Secondary School ku wargelinaynaa in maalinta Sabtida, 29-ka Agoosto 2026 uu si rasmi ah u furmayo Sanad Dugsiyeedka Cusub ee 2026–2027. 🎓📚

Sidaas darteed, waalid/mas’uulow, fadlan u diyaari ardaygaaga agabka lagama maarmaanka u ah waxbarashada, gaar ahaan:

👔 Dareeska Iskuulka (Uniform)
📚 Buugaagta iyo agabka waxbarashada
🎒 Boorsada iyo qalabka kale ee ardayga
✏️ Qalabka wax lagu qoro iyo agabka waxbarasho

Waxaan waalidiinta ka codsanaynaa inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan bilowga sanad dugsiyeedka cusub, si ardaydu ugu bilaabaan waxbarashadooda diyaargarow, nidaam iyo firfircooni.

🌟 Darul-Kowthar School
Tacliin Tayeysan iyo Tarbiyo Hagaagsan

📞 Contact:
+252 61 0708834
+252 61 2949645

📢 WARGELIN MUHIIM AH – NATIIJADA IMTIXAANKAMaamulka Darul-Kowthar School wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda in ay hadda...
19/08/2026

📢 WARGELIN MUHIIM AH – NATIIJADA IMTIXAANKA
Maamulka Darul-Kowthar School wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda in ay hadda si toos ah uga hubin karaan Natiijadooda Imtixaanka Application-ka Iskuulka.
📱 App-ka ka soo degso Play Store, kadibna ka raadi magaca:
🔎 “Darul-kowthar School App”
Fadlan soo degso App-ka oo si fudud uga hubi natiijadaada.
Fadlan fariintan la wadaag ardayda kale si aysan uga harin wargelintan.
Darul-Kowthar School
Tacliin Tayeysan iyo Tarbiyo Hagaagsan

Ogeysiis!Natiijadaada Imtixaanka waa diyaar. Fadlan ka soo doono xafiiska ama xarunta Iskuulka.
19/08/2026

Ogeysiis!

Natiijadaada Imtixaanka waa diyaar. Fadlan ka soo doono xafiiska ama xarunta Iskuulka.

Shaacinta Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2025-2026 waxa ka harsan 1 Maalin .La soco
18/08/2026

Shaacinta Natiijada Imtixaanka Sanad Dugsiyeedka 2025-2026 waxa ka harsan 1 Maalin .

La soco

Address

Waaxda Barwaaqo, Deegaanka Gubta
Mogadishu

Telephone

+252615708834

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Darul-Kowthar Primary and Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Darul-Kowthar Primary and Secondary School:

Shortcuts

Share