18/06/2026
Hambalyo iyo Bogaadin: Dhammaysashada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 8aad
Maamulka, macallimiinta, iyo dhammaan xubnaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Suudi waxay hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin u dirayaan ardayda qaaliga ah ee Dufcaddii 2-aad ee fasalka 8-aad, kuwaas oo si guul leh u soo gebagebeeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dawladda ee sannad dugsiyeedka 2025-2026.
"Guushu ma aha meel la gaaro oo kaliya, waa safar dheer oo ku dhisma dhabar-adayg, dadaal, iyo hami sare."
Waxaan aad ugu hanweynahay dadaalkii, dhabar-adaygii, iyo asluubtii wanaagsanayd ee aad muujiseen intii aad ku jirteen u diyaargarowga imtixaanka. Maanta waxaad gaarteen aad u soo dhabar adeegteyn sannooyinkii la soo dhaafay, waxaanan ku kalsoonahay in guul weyn aad ka keeni doontaan.
Waxaan idiin rajaynaynaa in natiijada imtixaanku noqoto mid indhihiinna iyo kuwa waalidkiinnaba ku doogsadaan, Tallaabadani waa bilowga safarkiina dugsiga sare, kaas oo ah marxalad muhiim u ah dhisidda mustaqbalkiina aqooneed.
Waxaan sidoo kale u hambalyaynaynaa waalidiintii sharafta lahaa ee hiil iyo hoobba la garab taagnaa ardayda si ay heerkan u soo gaaraan.
Dugsiga Suudi wuxuu mar walba u taagan yahay inuu idinku hogaamiyo jidka guusha iyo aqoonta. Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo waara oo aad diinta iyo dadkaba wax ugu qabtaan.
Guul iyo Guulaysi Joogto ah, Dufcaddii 2-aad!