Hankaab Institute For Training and Research

Hankaab Institute For Training and Research

Share

Improving your skills

12/05/2025

Khamiis 22-May-๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ, Waxaan kugu casuumaynaa Tababar Ciwaankiisu yahay โ€œUnderstanding the Link Between Statistics and Economics"kaaso oo uu bixinayo Mr. MOHAMED ABUKAR SHEIKH MOHAMED (SAMATARI).

๐Ÿ“ ๐—š๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐˜๐—ฎ: Hall-ka Jaamacadda Al imra

๐Ÿ“… ๐— ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ : 22-May-2025 (khamiista)

โฐ ๐—ช๐—ฎ๐—พ๐˜๐—ถ๐—ด๐—ฎ: 03:00 PM โ€“ 06:00 PM

๐ŸŽ“ ๐™Ž๐™๐™–๐™๐™–๐™–๐™™๐™™๐™ค: HAA (Certificate waa la bixinayaa)

๐Ÿ“Œ ๐™„๐™จ๐™ ๐™– ๐˜ฟ๐™ž๐™ž๐™ฌ๐™–๐™–๐™ฃ๐™œ๐™š๐™ก๐™ž ๐™ƒ๐™–๐™™๐™™๐™–: https://forms.gle/usE7cjZPHMmacuis6

โฉ๏ธKu soo biir WhatsApp-ka link si aad xog dheeraad uhesho.

https://chat.whatsapp.com/InlmzbuJjECGHoKWWRIo9j

HIFT&R
# Hankaab Institute for training and research


10/05/2025

DAAH-FURKA MAC-HADKA TABABARRADA IYO CILMI-BAARISTA EE HANKAAB

Waxaa sharaf noo ah in aan si rasmi ah u shaacinno furitaanka Mac-hadka Hankaab Institute for Training & Research, xarun aqooneed casri ah oo lagu aasaasay himilo ah in lagu xoojiyo xirfadaha, cilmi-baarista, iyo kor u qaadista tayada waxbarasho ee bulshada Soomaaliyeed.

Hankaab Institute waxaa la dhisay iyada oo laga duulayo baahida jirta ee loo qabo in la helo xarun aqoon sare leh oo daboolaysa baahiyaha suuqa shaqada ee isbeddelaya, isla markaana si gaar ah u taageerta dhallinyarada, macallimiinta, iyo dhammaan kuwa raba in ay horumariyaan noloshooda xirfadeed iyo aqooneed.

Ujeeddooyinka Hankaab waxaa ka mid ah:

1) Bixinta tababarro xirfadeed iyo aqooneed oo casri ah, kuwaas oo la jaanqaadaya isbeddelka tiknoolajiyadda iyo baahiyaha suuqa shaqada gudaha iyo dibadda.

2) Taageeridda ardayda iyo dhallinyarada shaqo-doonka ah, si ay u helaan hagid, tababar, iyo qalab ay ku gaaraan himilooyinkooda.

3) Kobcinta kartida macallimiinta iyo cilmi-baareyaasha, iyada oo la siinayo fursado kor u qaada xirfadooda iyo saamayntooda waxbarasho.

4) Noqoshada xarun hoggaamineed oo aqoonta iyo isbeddelka ku saleysan, taas oo horseed u noqon doonta bulsho karti leh, isbeddelna keenta.

Hankaab Institute waa goob furan oo lagu soo dhawaynayo qof kasta oo raba in uu helo xirfad dhab ah, aqoon sugan, iyo mustaqbal ifaya.

FG: Fursadaha tababarka, cilmi-baarista, iyo is-diiwaangelinta ayaa si rasmi ah loo billaabi doonaa dhawaan, insha Allah!

-abuur

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu