Gallayr Primary & Secondary School

Gallayr Primary & Secondary School Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Gallayr Primary & Secondary School, Education, HAANTA MADOW, Mogadishu.

This is the official page of The Gallayr Primary And Secondary School | Bogga Rasmiga ah ee Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Gallayr | الصفحة الرسمية للمدرسة جلير الأساسية والثانوية |

03/09/2026

Waxaan ka qeyb galnay Tababarka Maamulayaasha Dugsiyada Sare ee Dalka oo ay soo agaasintay SALAAM UNIVERSITY.

BACK TO SCHOOL Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan Macallimiinta, Ardayda iyo Howlwadeenada Gallayr Primary & Secondary Sch...
24/08/2026

BACK TO SCHOOL

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan Macallimiinta, Ardayda iyo Howlwadeenada Gallayr Primary & Secondary School in Dugsigu dib u furmi doono maalinta Sabtida, 29-ka Agoosto 2026.

Sidaas darteed, dhammaan bahda Dugsiga waxaa laga codsanayaa inay u diyaar garoobaan bilowga hawlaha waxbarasho iyo shaqo ee sannad-dugsiyeedka cusub 2026–2027.

Maadama dhawaan uu dib u furmi doono Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School waxaan dhammaan Ardayda lagu wargelinaya...
23/08/2026

Maadama dhawaan uu dib u furmi doono Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School waxaan dhammaan Ardayda lagu wargelinayaa inay waxyaabahan aan hoos ku sheegnay si sax ah u qaataan. Sida Uniformka saxda ah ee la ogolyahay iyo hab jarriinka iyo Taleefanada Shaashada.

Waxaa si habsami leh u socda diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad-dugsiyeedka 2026–2027.Ku soo biir Gallayr Primary & ...
20/08/2026

Waxaa si habsami leh u socda diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad-dugsiyeedka 2026–2027.

Ku soo biir Gallayr Primary & Secondary School oo ka faa’iidayso fursadda waxbarasho ee tayada leh.

📚 Diiwaangelintu way furan tahay!

📞 +252 615 694 073
📞 +252 610 437 741

📍 Mogadishu, Somalia

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gallayr waxay hamblyo iyo boggaadin u dirayaaan Ardeyda Fasalka 12-aad ee Du...
15/08/2026

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gallayr waxay hamblyo iyo boggaadin u dirayaaan Ardeyda Fasalka 12-aad ee Dufcadda 3aad Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School oo ku guuleystay Imtixaanka Qaranka 2025-2026, waxaan u rajeyneynaa mustaqbal ifaya oo qurux badan.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxay Natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad shaacin doontaa ...
14/08/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxay Natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad shaacin doontaa Maalinta Sabtida oo ay taariikhda ku beegan tahay 15-ka August, waxaan dhammaan Ardeyda Soomaaliyeed u rajeynaynaa guul gaar ahaan Ardeyda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School.

Maalmaha soo socdo waxaa la shaacin doonaa Natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad.Waxaan u rajeyneynaa dhammaan a...
12/08/2026

Maalmaha soo socdo waxaa la shaacin doonaa Natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad.

Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda Natiijo ay ku farxaan si gaar ah Ardeydeena Gallayr Primary & Secondary School, sidoo kale la soco xilliga rasmiga ah ee shaacinta Insha Allaah.

HAMBALYO!Maamulka, Macallimiinta, Howlwadeenada, iyo dhammaan Ardeyda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School, waxay ...
09/08/2026

HAMBALYO!

Maamulka, Macallimiinta, Howlwadeenada, iyo dhammaan Ardeyda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School, waxay hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan Ardeyda Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad oo dhammaantooda kuwada guuleystay Imtixaanka Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir.

Guushiinnu waa miro ka dhashay dadaal, dulqaad, karti iyo juhdi badan. Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa arday kasta oo maanta gaartay guushan qiimaha badan.

Sidoo kale, hambalyo ayaan u dirayaa waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka, kuwaas oo door weyn ka qaatay guusha iyo horumarka ardayda.

Berri 10:00 subaxnimo ayaa la shaacin doonaa natiijada imtixaanka. Si aad u sii diyaar garowdo, natiijadaadana aad u hes...
08/08/2026

Berri 10:00 subaxnimo ayaa la shaacin doonaa natiijada imtixaanka. Si aad u sii diyaar garowdo, natiijadaadana aad u hesho munaasabadda kaddib, fadlan booqo linkigan:

https://banadir.exams.so/bogga_hore_list.php?page=list1

Kaddibna raac tilmaamaha ka muuqda sawirka si aad u hesho natiijadaada.

Guul ayaan idiin rajaynaynaa dhammaan Ardeydeena Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad Gallayr Primary & Secondary School.

Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School, idiin rajeynaynaa g...
04/08/2026

Waxaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga Gallayr Primary & Secondary School, idiin rajeynaynaa guul, gobannimo iyo natiijooyin aad u sarreeya.

𝗪𝗔𝗥𝗚𝗘𝗟𝗜𝗡

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ardayda, waalidiinta, iyo guud ahaan bahda waxbarashada in natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8aad la shaacin doono maalinta Axadda, oo ku beegan 09 Agoosto 2026.

Address

HAANTA MADOW
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gallayr Primary & Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Gallayr Primary & Secondary School:

Shortcuts

Share