DARUL NAJAH School

DARUL NAJAH School

Share

Darul Najah Waa Xalka Baahidaada Waxbarasho

Photos from DARUL NAJAH School's post 14/05/2026

Ardayda fasalka 12-aad ee dugsiga DARUL NAJAH School oo shalay ka qaybgalay tababbar ku saabsan sidda loogu diyaar garoobo Imtixaanka qaranka oo ay eoo qabanqaabiyeen ururka dhallinyarada ee SEN Somali Youth.

Tababbarka ayaa ardayda lagula wadaagay farsamooyin iyo qaababka loo wajaho Imtixaanka sidoo kale waxaa arday loo sharxay sidda loo maareeyo walaaca xilliga Imtixaanka.

Maamulka dugsiga ayaa ugu mahadceliyey ururka SEN Somali Youth oo soo qabanqaabiyey tababbarkaan.

Guuleysta ARDAYEEY.

16/04/2026

MONTHLY EXAM II TIME TABLE

20/03/2026

Iid Wanaagsan

19/03/2026

Tahniyadda Maamulaha Dugsiga DARUL NAJAH, Mr. Ismail Abdullahi Mrk ee Munaasabadda Ciidul Fitriga.

Ciid Wanaagsan, Nabad iyo Caafimaad ku Ciida.
كُلُّ عامٍ وَأَنْتُمْ بِخَيْرٍ

19/03/2026

Afur Wanaagsan.

18/03/2026

|𝗗𝗼𝗰𝘂𝗺𝗲𝗻𝘁𝗮𝗿𝘆|

Warbixin dhammeystiran oo ku saabsan waxqabadkii kooxda tartan aqooneedka u qabsoomay bishaan Ramadaan.

Photos from DARUL NAJAH School's post 18/03/2026

𝗔𝗙𝗨𝗥 𝗪𝗔𝗗𝗔𝗥𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗘𝗘 𝗗𝗔𝗔𝗥𝗨𝗟-𝗡𝗔𝗝𝗔𝗫

Xalay oo taariikhdu ku beegneyd Maarso, 17 2026 waafaqsan 29-Ramadaan-1447 waxaa inoo qabsoomay kulankii sanadlaha ahaa ee afur wadareedka dugsiga DARUL NAJAH.

Kulankaan oo ujeedadiisu tahay in lagu dhiirigeliyo tartamayaasha dugsiga ku matalo fagaarayaasha tartamada ee warbaahinta dalka sanad kasta markii la gaaro bisha Ramadaan.

Waa sanadkii saddexaad oo xiriir ah oo inoo qabsoomay afur wadareedka tartamayaasha dugsiga.

Kulanka waxaa kasoo qaybgalay maamulka dugsiga, macallimintii hogaaminaayey tartamayaasha iyo geesiyaasha sida cajiibka ah u matalay sanadkaan dugsiga.

Maamulka ayaa uga mahadceliyey tartamayaasha dadaalkii joogtada ah ee ay soo sameeyeen bishaan Ramadaan iyagoo gaaray guulo waaweyn oo xasuusta iyo taariikhda dugsiga baal dahab ah ka galay.

Dugsiga ayaa ka qaybgalay shan warbaahin oo kala duwan iyadoo u suurtagashay in bilada kaalinta saddexaad kasoo qaato warbaahinta Radio Kulmiye sidoo kale tartamayaasha ayaa gaaray afar dhammaadka tartamada ay ka qaybgaleen walow uu nasiibka iyo qadarka ka roonaaday.

Ugu dambeyn maamulka ayaa kula dardaarmay ardayda in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda diyaar garow adagna u galaan siddii sanadka dambe koobka u keeni lahaayeen xarumaha dugsiga.



16/03/2026

Hambalyo bahda Dugsiga DARUL NAJAH

Waxaan u hambalyeynayaa tartamayaasha dugsiga oo runtii halgan iyo dadaal dheer muujiyey sanadkaan kuna guuleystay bilada kaalinta saddexaad ee tartanka Radio Kulmiye

Dhibco aad u sareeyo iyo bandhigyo muujinayo kalsooni, karti, aqoon iyo codkarnimo ayey sanadkaan soo bandhigeen ardaydeena.

Insha-Allah sanadka dambe iyo rajooyin kale oo waaweyn.

13/03/2026

Jimco Wanaaagsan.

Waxaa mahad weyn leh Allah SWT oo maanta mar kale inoo suurtageliyey in aan u gudubno afar-dhammaadka tartanka dugsiyada sare ee gobalka Benaadir warbaahinta Radio Kulmiye.

Tartanka maanta oo aad u xiiso badnaa ayaa waxaan wada qaadanay dugsiga Al-Khaliij oo kamid ah dugsiyada sare ee gobalka Benaadir.

Natiijada tartanka maanta ayaa kusoo dhamaatay sida tan:

Dugsiga DARUL NAJAH= 12 Dhibcood
Dugsiga AlKhalij = 6 Dhibcood.

Inta Maanku Gaajeysan Yahay Guuli Waa Weli

12/03/2026

𝗪𝗘 𝗔𝗥𝗘 𝗜𝗡 𝗧𝗛𝗘 𝗦𝗘𝗠𝗜-𝗙𝗜𝗡𝗔𝗟𝗦.

Waxaa mahad ballaaran leh Ilaahey SWT oo maanta inoo suurtageliyey in aan u gudubno afar dhammaadka tartan cilmiyeedka Shabelle TV.

Tartanka oo aad u xiiso badnaa waxaan wajahnay dugsiga Baxnaano oo kamid ah dugsiga sare ee gobalka Benaadir.

Natiijada tartanka maanta ayaa kusoo dhamaatay sida tan:

Dugsiga Baxnaano= 4 Dhibcood
Dugsiga DARUL NAJAH = 14 Dhibcood.

Insha-Allah sanadkaan waan sanadkeyna guulahane dhammaadkooda koob ayuu noqon doonaa🏆🏆🎖️

10/03/2026

𝗙𝗔𝗦𝗔𝗫𝗔 𝟭𝟬-𝗞𝗔 𝗗𝗔𝗠𝗕𝗘 𝗘𝗘 𝗥𝗔𝗠𝗔𝗗𝗔𝗔𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔.

Waxaan ogeysiinaynaa dhammaan waalidinta, ardayda iyo howlwadeenada dugsiga DARUL NAJAH in dugsiga uu galay fasax kooban oo ku aadan 10-dambe ee Ramadaan iyo maalmaha ciida.

Fasaxu wuxuu bilaabanayaa beri oo 𝐀𝐫𝐛𝐚𝐜𝐨 ah, taariikhduna tahay 22-ka Ramadaan 1447 Hijriya, kuna beegan 11-03-2026 Miilaadi.

Sidoo kale fasaxu wuxuu ku egyahay maalin Axad, taariikhduna ku beegantahay 22-03-2026.

Daraasada waxbarasho waxay dib u bilaaban doontaa maalin 𝑰𝒔𝒏𝒊𝒊𝒏 ah, oo taariikhdu ku beegan tahay 𝟮𝟯-𝟬𝟯-𝟮𝟬𝟮𝟲.

Waxaan dhamman bahda dugsiga isku dardaarmeynaa in aan ka faa'iideysano maalmahaan kheyrka badan una duceyno dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha heysta.

𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 11:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00