Machadka Najmu-diin معهد نجم الدين

Machadka Najmu-diin معهد نجم الدين

Share

machadka barashada culuumta sharciga iyo luuqadda carabiga ee najmu-diin
Machadka waxa uu kuyaalaa magaalada mogadisho gaar ahaan degmada dharkenley.

12/05/2022

Madoonaysaa in aad bil kuxifdis qur'aanka kariimka!

Calaashaan jawaabteeda waxaa suura gal ah in marka h**e kugu adkaato balse waa lagu xifdin karaa muddo sodon cesho ah Qur`aanka Kariimka waa arin horay u dhacday, si aad u gaarto go`aanka ah in muddo 30-cesho ah ku xifdiso Qur`aanka kariimka waxa ay kaaga baahan tahay qodobadaan.

1-Waa in aad gaartaa go`aan k**a dambeeys ah oo ku aadan in aad 30-kaasi cesho ku xifdiso Qu`raanka kariimka.

2-Waa in aad leedahay Himo sareereysa(Hami)
3-In aad la saaxibtaa dad ku dhiiri gilinaya oo aan niyad jab kuugu beereyn ama hoos ku dhigeeyn .

4-In aad sabar leedahay oo aad u adkeeysataa hadiiba ay dhacdo in culeys kugu noqoto .

Waxaa Suura gal in Aqristayaasha u suura gashay in ay aqristaan maqaalkaan ay arin la yaab ah ku noqto in 30-cesho Quraanka oo dhan lagu xifdiyo haddii aad ogaato sababta arintaasi lagu sameyn karo waa ay kuu fududaaneysaa waadna ku qanceysa .

Tusaale Diyaaradaahaani hawada gala ee aynu raacno marka aad eegto sida loo wado iyo sida ay hawada u gasho waad la yaabi laakinse marka aad wax ka barato culuunta la xariira habka loo dooliyo waa ay kuula fududaaneeysaa.

Waxa ugu fudud ee bani`aadanka lagu qanci karo waa xisaab hadaba aynu isla eegno jadwalkaan xisaabeed oo aynu ku xalin doono in 30-cesho lagu xifdin karo Qur`aanka Kariimka .

Haddii aan qaadano daabacada musxafka oo uu Qoray Cismaan Dhaahaa oo gacantiisa ku qoray musxafkaani inta badan aynu isticmaalno .

Qu`raanka waxa kuu gooban yahay 30-Jus , juskiina waxa uu ka gooban yahay 20-bog ama safxo haddii laga reebo Juska ugu h**eeya oo labada bog ee ugu h**eeya ee Faatixada iyo Shanta aayadood ee ugu h**eeya Albaqra oo la qurxiyay waa 21-bog ama safxo iyo Juska ugu dambeeya ee Jus Cama oo isna qurxin ama sharaxaad oo ka kooban 23-bog .

Tusaale: Imisa daqiiqo ayaad ku aqrin kartaa halkii jus ee Qu`raan , hadaba qofka ugu daaha badan waxa uu ku aqrin karaa ugu badnaan 30-daqiiqo hadaba 30-daqiiqo/20-bog ama safxo waxaad hadaba ku aqrisay halkii bog 1.5(daqiiqad iyo bar .

Imisa jeer ayaad hadaba ku xifdin kartaa boggaasi markii aad ku celceliso kaba soo qaad 5-jeer ayaad ku celcelisay 3-jeerna kor ayaad ka aqrisay hadaba waxaad ku xafiday 12-daqiiqo waxa ayna xisaabta ku soo baxday 8 daqiiqo x 1.5 (hal daqiiq iyo bar)=12

Hadaba waxaa loo baahan yahay in 5 jeer aad u fariisataa xifdinta quraanka oo aad shanta salaadood ka dib siisaa Hal Saac , waxa ayna saacad ahaan noqoneysaa 5-saac .

Shanta Saacadood waxa cay noqoneysaa 300-oo daqiiqo hadaba 300 oo daqiiqo u qeybi 12 daqiiqo oo aad bog ku xifdisid 300/12=25(waxaad maalintii xifdisay 25-bog oo ka kooban Jus iyo shan bog .

Qur`aanka Kariimka waxa ku gooban yahay 604-bog ama safxo hadaba 25 lagu dhuftay 25=waxa ay noqoneysa 604-beej ugu yaraan , hadaba sidaa hadaad ku wadid waxaad qu`raanka ku xifdineysa 25- cesho hadduu alla idmo .

Tusaale: Bukhaari waxa uu xifdisanaa kumanaan milyan oo Xadiis ah Muslimna sidoo kale hadaba maskxooda miyaa ka duwaneyd maskaxdeena Maya Maya kaba soo tag kuwaas Qarniga haatan lagu jiro waxa jirtay Haweeney Xaas aheyd oo afar caruur haysatay waxa ay sheegtay in xifdinta labadaan Suuradood ee Albaqra, Alcimra ku qaadatay muddo 7-sano ah .

Waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ayna tahay 15-ka bisha Soonka Odeygeena ictikaafna u aaday kacbada ayay sheegtay in yara caajistay ka dibna ay gashay net-ka deedna ay ku aragtay bogga lagu magacaabo Xufaadul waxyeen ayna ku aragtay haween la sheegayo in labadaasi suuradood ku xifdiyeen 3-maalin halka iyada ku qaadatay 7-sano .

Boggii ayay iska diiwaan gilisay jadwalkaani aynu soo sheegnay ayaa loo sameeyay waxa ayna sheegtay in maalintii ugu h**eeysaba ay xifdisay 3-Jus 6-cesa markii ay mareeysanna 16-jus sidiina ayay quraanka ku dhameeysay .

Hadaba maskaxda haweeneydaana k**a weyna middeyna balse waxaa loo baahan yahay dadaal alla waxa uu yiri(Wafii Anfusikum Afalaa Tubsiruun , Suuratul Aldaariyaat waxaa kale uu alla yiri(Wacallama Aadamal Asmaa kullaah )Albaqra .

Maskaxda uu alla na siiyay waxa ay ka kooban tahay 23Dc(Di Si Mitir) waxaa xeel dheerayaasha maskaxda yiraahdeen in 23-dc ee maskaxda oo ah wax aad u yar ay qaban karto 26-milyan oo buug waxa ku qoran hadaba ma moodeysa in awood intaa la eg ah aad leedahay .

Qabiir ka tirsan jaamacada California waxa uu sheegay haddii qofka bani`aadamka Sikinkiiba loo sheego 10-sheey laguna wado muddo 60-sano ah ma buuxineyso maskaxdiisa marka loo qeybiyo wan milyan hal meel ma aysan buuxsamin hadaba waxa kumbiyuutar dunida yaal sidaa wax uma qaban karaan .

Hadaba waa in aynu ka faa`ideysanaa fursadaasi iyadoo haatan maalmo ka harsan tahay bisha barakeysan ee Ramadaan , waxaan alla ka rajeeynayaa in aan ku xifdino mudadaasi qur`aanka kariimka oo dhan.

01/05/2022

عيدالفطر المبارك

22/04/2022
02/04/2022

Machadka barashada culuumta sharciga luuqadda carabiga ee Machadka Najmudiin waxa uu bulshada islaamka gaar ahaan umadda soomaliyeed ugu bishaaraynayaa dhalashada bisha barakeesan ee ramadaan.

Folloow page. https://www.facebook.com/Machadka-Najmu-diin-معهد-نجم-الدين-100684789232303/

Machadka Najmu-diin معهد نجم الدين machadka barashada culuumta sharciga iyo luuqadda carabiga ee najmu-diin
Machadka waxa uu kuyaalaa magaalada mogadisho gaar ahaan degmada dharkenley.

23/02/2022

معهد نجم الدين

22/02/2022

Machadka barashada culuumta sharciga iyo luuqadda carabiga ee Najmu-diin

22/02/2022

مرحبا بكم بمعهد نجم الدين

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Dharkeenley
Mogadishu