24/04/2026
π§πππ¦π
Inaa Iilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun!!!
Dhammaan Alumni kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Alumni Association of Law Mudane Avv .Abdukadir Dahir Salad waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay Alle hau riistee Abuukaate Tahliil Xaaji Axmed, oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.
Abuukate Tahliil wuxuu kamid ahaa Ardaydii 1976β1980 kii kabaxay jaammacadda Ummadda Soomaaliyeed
Abuukate tahliil wuxuu kasoo shaqeeyey meelo kala duwan oo dalka gudihiisa ah
Marxuumka waxaan Alle SWT ugu baryaynaa in uu janaddiisa ka waraabiyo, Bahdii sharciyaqaanada iyo dhammaan ehelka uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aaamin! Aaamin!
06/04/2026
πππ ππππ¬π’ ππ¬π’ ππ’ππππππ‘.
Guddoomiyaha UAQJUS Mudane Cumar Cabdulqaadir Maxamuud(Agoosto) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-Xigeenka cusub ee Midowga Ardayda Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka kuwaas oo maanta si rasmi ah loo doortay.
Waxa uuna bogaadinaynaa hoggaanka cusub ee la doortay, waxa uun u rajeynaa in Alle ku asturo, isla markaana ay ku guuleystaan gudashada masβuuliyadda loo igmaday, kana shaqeeyaan midnimada, horumarka iyo danta guud ee ardayda Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka
UAQJUS ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno hoggaanka cusub, annagoo ka duulayna is-faham, wadajir iyo ka shaqeynta danta guud ee ardayda.β
Hambalyo mar kale.
____________________________________________
Omar Abdulkadir Mohamud (Agoosto).
Guddoomiyaha Ururka Ardayda Kulliyadda Qaanuunka JUS.