Ainu Rahma Primary and Secondary School

Ainu Rahma Primary and Secondary School CeynuRaxma waa dugsi waxbarasho nidaami ah wuxuu u taagan yhy soo saaridda arday leh aqoon & Akhlaaq.

TACSI TIIRAANYO LEHإنا لله وإنا إليه راجعونMaamulka, Macallimiinta iyo dhammaan Family-ka Dugsiga Ceynu-Raxma waxaan  ta...
12/09/2026

TACSI TIIRAANYO LEH
إنا لله وإنا إليه راجعون
Maamulka, Macallimiinta iyo dhammaan Family-ka Dugsiga Ceynu-Raxma waxaan tacsi tiiraanyo leh hawada u marineynaa waaliddiinta iyo ehelka gabadheennii/ardayaddeennii Nimca Cabdiraxmaan Cabdulle Maxamed oo maanta ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Nimco waxa ay ka qalin jebisay dugsiga sare ee Ceynu-Raxma sanad-dugsigeedkii 2024/2025, waxay aheyd gabar wanaagsan intii bini'aadam uu wanaagsanaa.

Geeridu waa xaq illaahey waxaan uga baryeynaa in uu jannada ugu bishaareeyo.

Waxaan idinka codsaneynaa in aan u wada duceyno, ducadu waa ay anfaceysaa e.

Hamar Jabjab 1 - 0 Ainu-RahmaSemi-FinalMogadishu Schools Cup 2026.Eng. Yariisow Stadium3 Sept 2026.Ugu horreyntii, Hamba...
03/09/2026

Hamar Jabjab 1 - 0 Ainu-Rahma
Semi-Final
Mogadishu Schools Cup 2026.
Eng. Yariisow Stadium
3 Sept 2026.

Ugu horreyntii, Hambalyo walaalaheen Dugsiga Xamar JabJab oo u tallaabay Final-ka tartanka K/cagta ee Dugsiyada G/Banaadir.

Wiilasheennii waad dadaasheen 100% qaddartu & calafku waa halkiisa e, waxaad muujiseen karti, adkeysi, dulqaad iyo ka go'naasho in aad heerkaan iyo heer ka sarreeya aad gaartaan.

Ma jiro qof leh eedda guuldarrada ee madaxiinnu kor ha ahaado.
Waxaad muujiseen nidaam & kala dambeyn.

Macallimiinta iyo la taliyeyaasheenna sharfan waa ay mahadsan yihiin kun iyo kow jeer.
Si gaar ah waxaan ugu mahad celineynaa :
Macallinka 1aad: Guuleed Maxamed Cabdi "Jcole"
Macallinka 2aad: Maxamed Cali Axmed "Amiin"
Macallinka 3aad: Maxamed Sheikh Cabdi "Lampard"
La taliye: Maxamed Deeq Murxaaye
Gud. Sports-ga Deg Hodan Macalin Taatiko
Tababaraha Deg. Gubadleey Dr. Mohamed Ismail "Kofinda"
Xoghayaha Sports-ka Deg. Yaaqshiid: Maxamed Cumar
Professional Coach from UK l MR. Fuad.

Taageerayaashu waa ay mahadsan yihiin.
Azul Sports oo tebineysay tartanka waa ay mahadsan yihiin
Xiriirka KCS oo garsoorayay waa ay mahadsan yihiin
Ugu dambeyn, AGWGB oo soo agaasimay tartanka waa ay mahadsan yihiin.

Dhammaanteen waxaan jecleyn in aan riyada wadajir u rumeyno, balse ma noqon.

Caafiyo.

Halkaan kuma ekaan doono halganku, tartamo kale ayaan kasoo muuqan doonnaa Insha'Allaah.

31/08/2026
31/08/2026
28/08/2026

Dear Students "WELCOME BACK."

28/08/2026

Best Goal of the compettion.
Mohamed Amin - Aamka, No. 40

28/08/2026

AINU-RAHMA 4 - 1 AL-MATHAL MADINA.
Thanks boys, keep going.

27/08/2026

Happy new academic year 2026/27.

Address

Hodan District
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 06:30 - 17:00
Tuesday 06:30 - 17:00
Wednesday 06:30 - 17:00
Saturday 06:30 - 17:00
Sunday 06:30 - 17:00

Telephone

+252615715053

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ainu Rahma Primary and Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Ainu Rahma Primary and Secondary School:

Shortcuts

Share

Category