مدرسة ام القري لتحفيظ القرآن الكريم اونلاين

مدرسة ام القري لتحفيظ القرآن الكريم اونلاين

Share

Kusoo Dhawoow مدرسة ام القري لتحفيظ القرآن الكريم Online

31/10/2025

Dugsi quran online maku noo shahy qurbaha ma raadinesay Dugsi online ila soo xariir

Photos from ‎مدرسة ام القري لتحفيظ القرآن الكريم اونلاين‎'s post 08/10/2025
05/10/2025
08/11/2023

Saddex xaaladoodba, aamuska ayey ku wanaagsan yihiin.

1. Marka aad xanaaqsan tahay, aamus!.🤫

Tani waxay kaa saacideysaa, in aadan ku hadlin waxyaalo aan loo baahneyn, ama aanu kaa mudneyn qofkaas,/dadkaas, sida aflagaaddo, ku dhawaaqista go’aanno qaldan, dhaar aadan fulin doonin, ama inaad sameysid wax aad hadhow ka qoomameyn doontid, marka xanaaqu kaa ba’o. Sidaas darteed, iskaba aamus markaad xanaaqsan tahay.

2.Marka aad ogaatid in hadalkaagu aanu qiimo ugu fadhin, cidda aad wax u sheegayso, ama uusan is badal keeni doonin, ha is xiijinine, iska aamus!.

3.Marka aad wax dhageysaneysid aamus!. Ha noqon sida dadka qaar oo markaad hadashidba kaa daba hadla, tusaale ahaan in dhacdadii aad ka sheekeynaysay aad markii la booddid, mid la mid ahna ka sheekaysid, “War aniga xitaa hadda ka hor sidaas oo kale, sidaas iyo sidaas baa igu dhacday.” 🚫❌JOOJI ALAABTAAS!.🫷

Sugo hadalka inta uu kaa soo gaadhayo, ee ha hor boodin sheeko kasta. Haddii kale dadku waxay kaa aaminayaan beenaale, aadna noqon mid la karaaheysto.

FG:Sheeko bareeje ha noqon markasta, ee aamuska ku sug fursaddaada, ciyaar kasta 1:1 kuma dhammaato. Mararka qaar extra time baa loo baahan karaa ee AAMUS!..

Sir kale aan kuu sheegee, dadka aamuska badan, way ka qurux iyo ixtiraam badan yihiin kuwa bah-bahlayaasha sagaashanku afka kala furan yahay!!. Waa xaqiiq damaanadeysan, bulshaduna way ku kalsoonaan iyo ixtiraam badan yihiin.

Haji Hassan✍️

Photos from ‎مدرسة ام القري لتحفيظ القرآن الكريم اونلاين‎'s post 18/10/2023

Si aan u garab istaagno walaalaheenna muslimiinta ah ee reer Falastiin, aan berri oo Khamiis ah soonno, oo Alle u barino reer Falastiin iyo dhammaan caalamka islaamka.

Fadlan samee arrintaas haddii aad awooddid.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Towfiiq
Mogadishu
252