13/08/2026
Maanta waxaan leennahay xiisadda ugu dambeysa ee tababarka blog qorista. Waxaa marti noo ah Ustaad Suad Jama Aidiid. Waxaa farxad weyn noo ah inaan soo gaarnay gabogabadii tabarka.
SPA Learning Lab is a training and capacity development facility run by Somali Public Agenda (SPA).
13/08/2026
Maanta waxaan leennahay xiisadda ugu dambeysa ee tababarka blog qorista. Waxaa marti noo ah Ustaad Suad Jama Aidiid. Waxaa farxad weyn noo ah inaan soo gaarnay gabogabadii tabarka.
06/08/2026
Ustaad Mariam Dini ayaa galabta bixin doonta xiisadda latalinta iyo hagidda ee la siiyo ardayda qaadata tababarka blog qorista. Waxaan uga mahadcelineynaa sida ay had iyo jeer noogu heellan tahay.
02/08/2026
Waa toddobaadkii 3aad ee tababarka blog qorista. Maanta waxaa casharka bixin doona ustaad Hassan Abdi Hassan.
26/07/2026
Toddobaadkii 2aad waxa noo socda tababarka blog qorista. Maanta waxaa casharka bixin doona ustaad Abdishakur Awil.
23/07/2026
Waxaan ku jirnaa toddobaadkii 1aad ee tababarka blog qorista, dufcada 11aad. Sida caadada ah, Maalinta Axadda ah waxa ardayda la siiyaa cashar, Maalinta Khamiista ahna waxay la kulmaan khubaro ku xeeldheer arrimaha blog qorista kuwaas oo siiya talooyin waxtar leh.
Toddobaadkan, xiisadda latalinta iyo hagidda waxaa noo casuuman ustaad Xuseen Sabriye.
19/07/2026
July 19, 2026, Xarunta SPA Learning Lab ee Somali Public Agenda ayaa billowday tabobar ku saabsan blog qorista kaas oo socon doona 4 isbuuc.
Tababarka blog qorista oo ah kii 11-aad waxaa ka faa’ideysanaya dhallinyaro gaareysa 34 oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Casharro waxtar leh oo ka caawinaya sida sheekooyin nuxur badan loo sameeyo loona faafiyo ayey qaadan doonaan inta uu tababarku socdo.
Sidoo kale waxay fursad u heli doonaan ardaydu in ay la kulmaan khubaro waayo-aragnimo u leh blog qorista kuwaas oo la wadaagi doona khibraddooda, sidoo kalena siin doona talooyin iyo dardaaran.
Ardayda ka soo qeybgashay tabobarkan waxaan u rajeyneynaa guul.
12/07/2026
Waxa soo xirmay codsiyadii tababarka blog qorista. Waxaan sameyn doonnaa xulis ka dibna waxaan billaabi doonnaa koorsada 19ka July, 2026. Aad ayey u mahadsan yihiin dhammaan intii soo codsatay.
08/07/2026
Codsiga tababarka blog qorista wuxuu ku egyahay July 12, 2026, abbaare 3:59 PM. Haddii aad daneyneyso, fadlan ka soo codso lifaaqa hoos ku xusan👇
Blog Writing And Personal Branding Training - Somali Public Agenda Blog Writing And Personal Branding Training Somali Public Agenda July 5, 2026 Blog writing is an important skill that can open many doors. Learning the basics of blog writing can […]
07/07/2026
Inta uu socdo tababarka blog qorista, ardaydu waxay maalin kasta oo Khamiis ah fursad u helaan la-kulanka qalinley kala duwan oo waayo-aragnimo iyo aqoon u leh xirfadda blog qorista.
Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan khubarada halkan ku xusan oo tababarradii h**e u faa’ideeyey ardaydeenna, lana wadaagay talooyin iyo dardaaranno waxtar badan.
Tababarkan wuxuu billaabanayaa July 19, codsigana wuxuu furan yahay ilaa July 12, 2026. Haddii aad daneyneyso ka soo codso lifaaqa ku xusan faallada 1aad.
06/07/2026
Tababarka blog qorista ee billaabanaya July 19, 2026, waxaa bixin doona macallimiinteenna kala ah Cabdishakuur Cawil iyo Xasan Cabdi Xasan. Labaduba waa cilmibaareyaal waxayna khibrad 10 sano ka badan u leeyihiin xirfadda blog qorista.
Waxaan ku faraxsannahay in ay sanadkan bixin doonaan casharrada tababarkan, iyaga oo h**e u soo tababaray dufcooyin h**e.
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |