Samo-wadaag primary and secondary school

Samo-wadaag primary and secondary school

Share

"SAMO-WADAAG P.S.S is a learning center aims to improve the quality of education for somali children". Contact Us 0617111258

Photos from Samo-wadaag primary and secondary school's post 19/05/2026

Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Abaal-marinta Ardayda iyo Waalidiinta

Dugsiga Samo-wadaag waxa uu ka shaqeeyaa horumarinta tacliinta, tarbiyadda, iyo kobcinta anshaxa wanaagsan ee ardayda. Dugsigu waxa uu mar walba dhiirrigeliyaa dadaalka, ixtiraamka, akhlaaqda wanaagsan, iyo wada shaqeynta u dhexeysa ardayda, macallimiinta, iyo waalidiinta. Sidaas darteed, dugsigu waxa uu soo diyaariyey abaal-marino lagu dhiirrigelinayo dadka ugu mudan ee sanadkan muujiyey dadaal iyo anshax wanaagsan.

1. Waalidka Ugu Fiican
Dugsiga Samo-wadaag waxa uu abaal-marin guddoonsiinayaa waalidka ugu fiican ee si joogto ah ula socday waxbarashada ubadkiisa, kana qeyb qaatay horumarka dugsiga iyo dhiirrigelinta ardayda. Waalidkaasi waxa uu tusaale wanaagsan u noqday iskaashiga ka dhexeeya dugsiga iyo qoyska.

1. Ardayga Ugu Akhlaaqda Badan
Ardaygan waxa uu caan ku yahay akhlaaq wanaagsan, edeb, iyo la dhaqanka wanaagsan ee uu kula macaamilo macallimiinta iyo ardayda kale. Waxa uu noqday tusaale lagu daydo oo dhinaca anshaxa ah.

1. Ardayga Ugu Soo Dhaqsashada Badan
Ardaygan waxa uu si joogto ah ugu yimaadaa dugsiga waqtiga saxda ah, isaga oo muujiya dadaal iyo xilkasnimo. Wakhtiga ilaalintiisu waxay dhiirrigelin u tahay ardayda kale.

1. Ardayga Ugu Cashir-shaqeynta Badan
Ardaygan waxa uu si wanaagsan uga qeyb qaataa casharrada iyo shaqooyinka guriga, isaga oo muujiya dadaal dheeraad ah iyo jacayl uu u qabo waxbarashada.

1. Ardayga Aan Macallimiintu Ka Soo Dacwoon
Ardaygan waxa uu leeyahay dhaqan wanaagsan iyo adeecid joogto ah. Intii lagu jiray sanad dugsiyeedka, macallimiintu k**a soo gudbin wax cabasho ah, taas oo muujinaysa anshax iyo masuuliyad.

1. Ardayga Ugu Ixtiraanka Badan
Ardaygan waxa uu ku sifoobay ixtiraam uu u hayo macallimiinta, waalidiinta, iyo asxaabtiisa. Hadalkiisa iyo dhaqankiisu waxa ay muujinayaan edeb iyo qadarin sare.

1. Ardayga Ugu Dagan uguna Aamusnaanta Badan
Ardaygan waxa uu leeyahay degganaan iyo feejignaan wanaagsan, isaga oo mar walba ilaalinaya nidaamka fasalka kana fog buuq iyo qalalaase. Waxa uu tusaale fiican u yahay ardayda kale.

___________Ugu danbeyn________

Dugsiga Samo-wadaag waxa uu sii wadi doonaa dhiirrigelinta ardayda iyo waalidiinta dadaalka badan si loo helo bulsho waxbarasho oo tayo leh, akhlaaq wanaagsan leh, isla markaana horseed u noqota horumar iyo guul joogto ah.

17/05/2026

__________XAFLADA ABAALMARINTA ____________

Dugsiga Samo-wadaag Primary & Secondary School wuxuu qabanayaa munaasabadda Abaal-marinta Sanad Dugsiyeedka 2025–2026, si loo dhiirrigeliyo ardayda iyo waalidiinta kaalinta wanaagsan ka qaatay horumarka waxbarashada iyo akhlaaqda.

Abaal-marinnadu waxay isugu jiraan waalidka ugu firfircoon, ardayga ugu dadaalka badan, ardayga anshaxa wanaagsan leh, iyo kuwa hormuudka ka noqday tacliinta.

Munaasabaddan waxay dhici doontaa 19-05-2026, saacadda 7:00 subaxnimo ilaa 9:30 subaxnimo, waxaana lagu qaban doonaa xarunta dugsiga.

Ujeeddada munaasabaddu waa kor u qaadidda aqoonta, akhlaaqda, kartida, iyo mustaqbalka ardayda.

14/05/2026

#تقرير
هذا التقرير يُلخّص مراحل العام الدراسي، والمستويات التي يمرّ بها الطالب طوال السنة، والتحديات البسيطة التي قد يواجهها الطلاب أثناء مسيرتهم التعليمية.
#مدرسة سمووداغ الأساسية والثانوية.
#هدفُنا تنميةُ قدراتِ الطالبِ العقلية.
#هدفُنا التربيةُ والتعليمُ
#تواصلوا معنا. 0617111252-0617111258

Photos from Samo-wadaag primary and secondary school's post 13/05/2026

تقرير: بداية ورؤية مدرسة سَمَوْ وَدَاغ الأساسية والثانوية.

إنَّ الرضا والسعادة اللذين شعرتُ بهما في الحادي عشر من نوفمبر عام 2020 لا يمكن وصفهما بالكلمات.

لقد كان يومًا دافئًا يحمل في نفسي ذكرى خالدة، ففي ذلك اليوم وضعنا اللبنة الأولى لمدرسة سَمَوْ وَدَاغ الأساسية والثانوي.
لم تكن لدينا حينها مقاعد ثابتة، ولا مكاتب رسمية، ولا تجهيزات حديثة، لكننا كنا نملك شيئًا أثمن من كل ذلك: نية صادقة، وعزيمة قوية، وأملًا لا حدود له.

كان أول مقر للمدرسة غرفةً سكنية لم تُهيأ أصلًا للتعليم، لكننا انطلقنا منها بحلم كبير ملأناه بالإيمان والثقة والطموح.
أما أغلب مستلزمات المدرسة فقد كانت تبرعاتٍ من أناسٍ وقفوا معنا وساندونا، ولم يكن هدفنا يومًا الربح المادي أو البحث عن الشهرة، ولم يكن جمع المال، بل كان بناء جيلٍ متميز؛ جيلٍ متمسكٍ بدينه، محبٍّ لوطنه، متحلٍّ بالأخلاق والإنسانية، ويتمتع بصحةٍ عقليةٍ وجسديةٍ سليمة.
كنا نطمح إلى تربية طلاب سَمَوْ وَدَاغ على النظام، والانضباط، والعلم، والإبداع.

وحتى الحاسوب المحمول الوحيد الذي كنت أستخدمه آنذاك حصلتُ عليه بالدَّين، غير أن نفسي لم تعرف اليأس أبدًا.
ومن هناك بدأت رحلتنا الطويلة التي نعلم جيدًا أنها تحتاج إلى الصبر، والإخلاص، وقوة الإرادة.
واليوم، عندما ننظر إلى الماضي، نرى ثمار الجهود التي بذلناها، فقد أصبح لدينا الطلاب الذين حلمنا بهم، والمعلمون الذين تمنيناهم، والنظام الذي سعينا إلى بنائه.

ومع ذلك، فما زلنا في طريق الطموح، ولم نصل بعد إلى كل ما نرجوه، لكننا نسير بثبات وثقة نحو مستقبلٍ أفضل.
إن تعليم الأطفال مسؤولية عظيمة وأمانة كبيرة، وليس مجرد عملٍ تجاري أو وسيلةٍ لتحقيق الأرباح. بل هو واجب يفرض علينا أن نمنح كل طفل حقه الكامل في التعليم، والرعاية، والعدالة، والتوجيه السليم، فإن أحسنا أداء هذه الأمانة نلنا البركة والتوفيق، وإن قصّرنا فيها كان التقصير وبالًا علينا.

لقد تأسست مدارس سَمَوْ وَدَاغ على الصبر، والتعاون، والأمل. ونحن نؤمن أن الطريق الذي اخترناه ليس سهلًا، لكنه طريق مبارك ومشرّف. ونرجو أن تكون هذه المدرسة منارةً لصناعة مستقبل جيلٍ صومالي يُحتذى به، جيلٍ يعتز بعلمه، وأخلاقه، وإنسانيته.
وبإذن الله تعالى، سنواصل هذا الطريق، ولن نتوقف حتى نرى أبناءنا الطلاب قادةً يضيئون وطنهم ودينهم بعلمهم وأخلاقهم، ويساهمون في نهضة مجتمعهم وأمتهم.

10/05/2026

Samo-wadaag primary and secondary school
Tarbiyo Iyo Tacliin

09/05/2026

Warbixin Ku Saabsan Tayada Dugsiga Samo-wadaag
____________________Hordhac__________________
Samo-wadaag Primary & Secondary School waa dugsi diiradda saara horumarinta waxbarashada, akhlaaqda wanaagsan, iyo kobcinta mustaqbalka ardayda.

Dugsigu waxa uu dadaal weyn geliyaa bixinta waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa baahiyaha casriga ah.

》Tayada Waxbarashada:

Dugsigu waxa uu leeyahay:
○Macallimiin aqoon iyo khibrad leh.
○Manhaj waxbarasho oo habeysan.
○Hab casri ah oo ardayda lagu fahamsiiyo casharrada.
○Imtixaano iyo qiimeyn joogto ah oo lagu cabbiro heerka ardayda.

》Anshaxa iyo Akhlaaqda:

Dugsiga Samo-wadaag waxa uu muhiimad gaar ah siiyaa:

●Tarbiyadda wanaagsan.
●Ixtiraamka macallinka iyo waalidka.
●Kobcinta dhaqanka wanaagsan iyo isla-xisaabtanka ardayda.
●Deegaanka Waxbarashada

》Dugsigu waxa uu leeyahay:

◇Fasallo nadiif ah oo habeysan.
◇Jawi waxbarasho oo daggan.
◇Daryeel iyo ilaalin ardayeed.
◇Xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya maamulka, ◇macallimiinta, iyo waalidiinta.

》Horumarka Ardayda
Ardayda dugsigu waxay muujiyaan:

▪︎Heer wanaagsan oo waxbarasho.
▪︎Ka qeybgal firfircoon oo tartamada iyo imtixaannada.
▪︎Horumar dhinaca aqoonta iyo akhlaaqda ah.
____________________Gunaanad______________
Ugu dambeyn, Samo-wadaag Primary & Secondary School waa dugsi leh tayo waxbarasho oo wanaagsan, kana shaqeeya dhismaha jiil aqoon iyo akhlaaq leh. Dugsigu waxa uu sii wadaa dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada iyo tayeynta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

07/05/2026




01/05/2026

Halkan waxaa ku Soo Bandhigeynaa waxqabadka dugsiga Samo-wadaag.

》Bixinta Waxbarasho Tayo Leh
– Baridda maadooyin kala duwan si ardaydu u helaan aqoon dhameystiran.

》Kor u Qaadista Anshaxa
– Baridda edebta, ixtiraamka, iyo akhlaaqda wanaagsan.

》Dhiirrigelinta Ardayda
– Abaalmarin iyo dhiirrigelin la siiyo ardayda dadaalka sameeya.

》Imtixaano Joogto ah
– Qabashada imtixaano si loo qiimeeyo heerka waxbarashada.

》Horumarinta Hibada Ardayda
– Taageeridda ciyaaraha, suugaanta, iyo xirfadaha kale.

》Xiriirka Waalidiinta
– La shaqeynta waalidiinta si loo xoojiyo waxbarashada ardayda.

》Tababar Macalimiin
– Kor u qaadidda xirfadaha macalimiinta.

》Nadaafadda iyo Deegaanka
– Dugsiga oo leh jawi nadiif ah oo ku habboon waxbarashada.

》Isticmaalka Teknolojiyadda
– Adeegsiga qalab casri ah sida kombiyuutarro iyo internet.

》Dhacdooyin Waxbarasho
– Qabanqaabinta munaasabado, tartamo, iyo barnaamijyo waxbarasho.

20/04/2026

Shaacinta Natiijada Imtixaanka Bilaha 2aad – Sanad-Dugsiyadeedka 2025–2026.

Ardayda qaaliga ah iyo waalidiinta sharafta leh waxaa la ogaysiinayaa in Natiijada Imtixaanka Bilaha 2aad la soo bandhigi doono 22-ka April.

Fadlan kala soco natiijadaada adigoo adeegsanaya QR Code-ka ku yaalla ID Card-kaaga
Ama link-gaan ku dhufo.

samowadaag.islawict.com

Waad mahadsan tihiin.

Photos from Samo-wadaag primary and secondary school's post 15/04/2026

بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ
Ugu horreyn, mahad iyo ammaan oo dhan waxay u sugnaadeen Allah (SWT) oo inagu galladaystay naxariistiisa, isla markaana si fudud inoogu suurtageliyay in imtixaankii bilaha labaad ee sannad dugsiyeedka 2025–2026 uu maanta si habsami leh inoogu soo gabagaboobo.

Waxaan dhammaan ardaydeenna u rajeynaynaa natiijooyin farxad iyo qanacsanaan u keena, Insha Allah.

: Maalinta Sabtida waxay noqon doontaa maalin shaqo, Insha Allah.

Dadaalka wadajirka ah ee ay muujiyeen maamulka, waalidiinta, macallimiinta iyo ardayduba—intii lagu jiray diyaar-garowgii iyo muddadii imtixaanka—waxa uu dhalin doonaa miro macaan oo la wada arki doono.

Guul iyo horumar ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin.
____________________𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐝___________________

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Suuqa Xoolaha
Mogadishu
274149