28/04/2026
MA DOONAYSAA INAAD NOQOTO QOF AAN LA ISKA INDHO-TIRI KARIN?
Nin aan saaxiib nahay ayaa maalin ii sheegay sheeko aanan ilaawin.
Wuxuu yiri:
“Bilowgii shaqadayda, waxaan fariin u diray nin caan ah oo aan aad u qaddarin jiray. Xitaa igama soo jawaabin.
Laakiin 3 sano kadib, markii aan shaqadayda dhisay oo aan natiijo muuqata keenay, isagii ayaa ii soo hambalyeeyay oo ila soo xiriiray.”
Kadib wuxuu yiri hadal dahab ah:
“Qof 3 sano kadib ila soo xiriiri lahaa ayaan anigu maalin h**e la xiriiray.”
Taasi waa casharka.
Tani micnaheedu ma aha in dadka caanka ah ama dadka lacagta haysta ay yihiin dad xun.
Maya.
Mararka qaar waqti badan ma haystaan.
Mas’uuliyad badan ayaa saaran.
Dad badan ayaa wax ka raba.
Marka qof cusub oo fariin u soo dira, si fudud uma siin karaan waqtigooda, aqoontooda, iyo xiriirkooda.
Laakiin marka aad shaqo dhisto…
marka aad natiijo keento…
marka aad noqoto qof qiime leh…
dadku way ku arkaan.
Soomaalidu waxay tiraahdaa:
“Nin quraac haysta ayaa qado loogu daraa.”
Macnaheedu waa:
dadku waxay wax ku daraan qof h**e u socda, qof dadaalaya, qof natiijo keenay.
Marka bilowga h**e, shaqadaadu ma aha inaad dadka ka raadsato fursad.
Shaqadaadu waa inaad naftaada ka dhigto fursad.
Salaam dhalinyaro,
Haddii aad maanta bilow tahay oo aad rabto inaad noloshaada beddesho, hal run ogow:
Adduunku kuma abaalmariyo rabitaankaaga.
Wuxuu abaalmariyaa qiimaha aad leedahay.
Dad badan waxay waqtigooda ku lumiyaan raadinta dadka caanka ah, dadka lacagta leh, ama dadka meel gaaray.
Waxay rabaan qof caawiya, information siiya, ama albaab u fura.
Laakiin noloshu sidaas uma shaqeyso.
Jooji raadinta dadka guuleystay, oo bilow inaad noqoto qof iyagu berri raadin doonaan.
“Noqo qof ku fiican waxa uu sameeyo ilaa cid iska ka indho tiro karta aad waydid.
Ha raadin magac.
Ha raadin sawirro.
Ha raadin in lagu ammaano.
Raadi inaad dhisto wax dhab ah.
Markasta oo aad dhisto xirfadahaaga, aqoontaada, iyo kalsoonidaada…
waa markasta oo aad dadka ka maarmeyso.
Laakiin si yaab leh…
waa isla markaas marka ay dadku adiga kuu baahanayaan.
Qiimahaaga dhis.
Natiijo keen.
Kadib xiriirku wuu kuu fududaanayaa.
Hoos nagula wadaag xirfad aad miishaarta saareysid.