ARDAY WAA UBAXA DALKA

ARDAY WAA UBAXA DALKA

Share

Ardaynadu waa sharaf uulana Hanoqotee

03/01/2024

ARAGTI QAYBTII 1AAD: DHOWRISTA MUQADISNIMADA XORIYADA IYO MADAXBANAANIDA DAL AMA FEDERAL STATE MEMBER AY ISKAGA ILAALIYAAN IN MAALGASHIGA DIBBEDEED “FDI” AMA MAALGASHIGA GUDAHA DALKAASI AY DHAAWAC AMA KU TUMASHO KASOO GAADHO!

ARAR IYO DHACDADA 1AAD, IYADOO 2 KALE INOO LAABAN TAHAY!

Akhristoow anoo og in dhalinta danbe ee Soomaalidu sideedaba aanay jeclayn akhrinta wax kabadan hal-page oo smart phone qaado, ayna ku oranayaan qormadaadu waa dheer tahay iyo maad soo gaabisid, hadana waxaan u holaday inaan dhacdooyin aan wax uga soo joogay arimo humaag ama shaki soo kala dhex galay Maalgashi Dibadeed “Foreign Direct Investments – FDI” iyo xitaa Maalgashi gudaha ah iyo dalkii ama maamulkii marti geliyaha ahaa “Host Nation”., iyagoo marti geliyuhu ilaashanayo sharafta, madaxbanaanida iyo xuquuqaha muwaadiniintooda, dhaqanka iyo afkooda, oo ah lama taabtaan!

Sideedaba Maalgashigu waa ama “Investment is coward - الاستثمار جبان “ waxaana Maalgeliyuhu ama dibedda haka yimaado ama ha ahaado mid gudaha ahe, waxaa mihiima in dalkaa la maalgashanaayo ay shuruucdiisu u dhan yihiin oo ilaa 7ba sharci is raac raacsan yihiin oo dhamays tiran yihiin, sida Dalku ma yahay dal la ictiraafay oo Unta iyo hay’adaheeda, IMF iyo weliba World Bank ka mid ah, saxiixay heshiiska World Banka ee MIGA “The Multilateral Investment Guarantee Agency”, leh Dastuurka dalka, Sharciga maalgashiga, ma ahan Wasaarad ee Hay’ad madax banana oo Maalgashi ay jirto, Sharciga Shaqaalaha oo ILO ogtahay, Sharciga lacag kala bixida dalka, Sharciga guud ee sector-ka la maalgashanayo sida Isgaadhsiinta, Beeraha oo boqolkiiba intaas dalaga kuu soo baxa waa la bixi kartaa inta kalena suuqa gudaha ka iibi, Kaluumaysiga oo shabaagtaa ma isticmaali kartid iyo wax soo saarka intaas waad dhoofin kartaa intaasna suuga gudaha ku iibi, dalalkaas ama dalkaas wax soo saarka aad dalkayaga kasoo saarto k**a iibin kartid IWM.

Isla shuruucdaas kore, waxay ilaalinayaan Xoriyada, Madaxbanaanida, Siyaasada dalka, danta guud ee dalkaa marti gelinaya Maalgashiga, oo waa Kefiyadaha miisaanka oo ay Danta iyo Madaxbanaanida dalka iyo Faa’iido doonka Maalgeliyaha isu miisaamaya, iyadoo ay dalalka hantiyey maalgashi waafiya sida Maraykanka, Singapore, Malaysia iyo Yurub ay sameeyaan Hay’ad madax banaan oo dastuuri ah leh awood badan oo Xukuumada iyo Maalgelihu u siman yihiin, lagana fogaado Wasaarad Maalgashi oo xukuumada hoos timaada, si looga fogaado ma anaa lay qarshaa mindiyihii laygu qali doono. Dalalka hay’adaa dastuuriga ah oo Wasiirada, Raysal Wasaare iyo Madaxweyneba maxk**ad hor keeni karta samaysta, waa ka dhergaan Maalgashi oo waa lagusoo dhiiradaa!

Hadaba arartaa dheer kadib waxaan u soo joogay oo aan makhraanti ka ahaa, dhacdooyin badan oo kala sheki Masuuliyiin iyo Muwaadiniin danta dalkooda iyo dadkooda, siiba muqadisnimada madaxbanaanidooda ilaashanaya oo dacal ah iyo dacalka kale FDI ama local investor laga shekiyey soo kala dhex galay, iyadoo muwaadiniintaasi ilaashanayeen danaha dalkooda iyo dadkooda, saddexdaan dhacdo aan idinla wadaago:

1. Maalgashigii dalka Libya ee Shirkada Isgaadhsiinta Satellite-ka ee Thuraya oo ay 5% ku lahayd dawlada Liibiya, taaso maalgashiga guud uu ahaa $3 Billion ilaa 11 dalna ku bahoobeen, inkastoo Imaaraadku ugu tun weynaa oo ahaa kan ugu maalgashiga badan, shirkadaasna gacanta ku hayey.

Waxaan ahaa shaqaalihii ugu horeeyey ee shirkada hooyada u ahayd mashruuca waa shirkada isgaadhsiinta imaaraadkee ay usoo raafeen inay mashruucaas kiciyaan, anoo ahaa CIO Thuraya mudo 8 sano ah, ayaa markii aan si guul leh u dirnay Dayax Gacmeedkii kowaad Thuraya #1 oo Kismaanyo Soomaali noo dul yaalay ilaa 36,000 KMs maadaama uu ahaa Geosynchronous orbit satellite “GEO”, ayaa wefti u kala dirnay dalalkii maalgashaday anagoo dal kasta Madaxweynihiisa iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo kan Maaliyada u geeynay teleefoono si aan u tusno in shirkadu suuq gal u diyaar tahay.

Odaygii Mucamaral Gadafi AUN – baa iyadoo Wasiiradiisii Isgaadhsiinta & Maaliyadu na hor boodayaan kuna faraxsan yihiin in mashruuca historic ga ah ee ay maalgashadeen najaxay ayaa odaygii Gadafi teendho magaalo qabow badan oo baadiye ah loogu tegey. Wasiiradu mid walba dhowr cisho ayuu isticmaalayey teleefonka aan siinay oo waa is hubaan, anaguna waan is hubnaa.

Hadii odayii loo galay oo loo sharaxay mashruuca, lacagtay geliyeen iyo inuu najaxay, teendhada dhexdeedii ayuu ka wacay qofkii u horeeyey, ilaa xarunta shirkada ee UAE shaqaalaha oo dhan waa la rigeeyey ama standby laga dhigay oo tijaabadaas guusheedaa loogu jiraa xaalad standby ah.

Nasiib daro, odaygii wuxuu wacay mid kamida caruurtiisii oo dalka Belgium mise Brussels ku sugnaa, waana xidhnaa mobile-ka uu wacay, waxaana la hadlay shebekada dalkaas oo Af-Faransiis ku tiri numberkaad wacday waa xidhan yahay!!!!

Intuu teleefonkii halgaaday, kuyee iga kaxeeya Jawaasiistan gaalada u shaqaysa, intaas oo lacag ah oo $150 million baan gelinay markaasay aniga Khawaaje luuqadiisii igula hadlayaan war maxaa idiin diiday hadaydaan Carabi Libiya igula hadlayn, maad ugu yaraan Carabiga lahjad dhexe ama kaa imaaraadka ee shirkadu degentahay igula hadli weydeen, iga saara hada si deg deg ahna dalka uga saara Jawaasiistaan Ajnabi ama xidh xidha!!

Ninkaa xoog weyn hortaa buu xanaaqaaye, waxay noqotay in la kala cararro macaa wasiiradii, aakhirkiina xal wuxuu noqday ileyn Wasiir iyo cid ku noqon kartaa ma jirtee in qofkii caruurtiisa ka mid ahaa ee uu wacay ergo ahan loo maro, oo isagii u sharaxo in aanay shirkadu khalad geline maadaama mobile-kiisu xidhnaa ay Khasab tahay shirkadaa adeega siisey afkooda kula hadasho, halkiina cafis noo raadiyo!

AUN Odaygu dacal waa saxnaa oo dhaqankiisa, afkiisa iyo xuquuqdiisa maalgelinta dalkiisa, qiimka iyo sharaftiisa ayuu ku adkaa oo uu ilaalinaayey, waase nagu khaldamayoo fahan daro wax aan awoodayada ahayn waxna ka bedeli karin buu si khalad ah nagu eedeeyey oo nagu sigay inuuba na xidh xidho! Hadaba madaxda Soomaalida Xagan, Xagoo iyo Xageer iska daa wax kale imisaa xuquuqda afkooda, dadkooda iyo dalkooda sidaa u ilaalisa, sida AUN marxuumkaasi?!

NB: La soco Qaybta 2aad!

Guuleeysta!
FH.

Xigasho Feysal Ahmed Yusuf - Hawar

30/03/2023

Kalmadii Ahmed Said Ciroowe uu kajeediyey xafladda xilwareejinta. Ururka Maakhir Students and Community In Uganda.

06/12/2021

Hab dhiska cod hageyaasha

05/09/2019
30/08/2019
12/04/2018

Sheeko cajiiba

26/03/2018

Xaaladda maanta wadanku ku jiro markaan arko waxaan soo xusuustaa geeraarkii abwaan timacadde alle ha u naxariistee ee ay kamid ahayd
In soomaali la laayey
Diyaaraadka sabbeeyiyo
Laygu saydhay rasaas aan
Saddex qaylo maqlaynoo
(Berbera, bosaaso, beledxaawo)
Sanqadheedu baxaysoo
Suubanow barlamaankuna
Salaxweete ku eegeen
Nin siraa hodmimaayoo
Sancad baa ka ifaysee
Sunbaa naanta qarxaysee
Soomaalaay ka fogow
Sababteeduna waa
Subaxii arbacaad
Nimankii la saantee
Sabixiyo watiiniyo
Subxaanaadka lagu dhaarshee
Kitaab saaray gacmohoodiyo
Ma seetayste wadaada

Madaxda markaan eegana waxan xusuustaa
Gabaygii aadan afqalooc alle ha u naxariistee oo ay ka mid ahayd
Tuducyadan soo socda.

Tallaabada mid gaalkii shabaha tegey ma liibaane
Adigoo wuxuun tabanayoo tegey halkuu joogo
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta koru taago
Oo tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa
Oo inaad adoonkiisa tahay taasna la ahaaatay
Iyaduna waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kasii daran baa jirtee taana bal asn shego
Nin tacliinta loo soo dirtoo tadhaqa ooo liita
Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey towbadiyo diinta
Oo aqal tilmaaman iyo khamriga gacan toglaynaaya
Oo uu talmiidkii yaraa taa ka baranaayo
Iyaduna waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye
Tu kasii daran baa jirtee taana bal aan sheego
Haddad adigu tuur leedihiyo tootir iyo qaallo
Tu kale inaad toosisaa waa tu aan dhicine
Waxa khiyaanada looga tegey tacabadii boobay
Nin waliba qoon ku taal buu ka baqay inay ka taabtaane
Haddaan tiriyo waxa aynu nahay waan tawahayaaye
Taariikhda sooma marin teenan ooo kale e
Tiihii israaiil helay bay tani sallowdaaye
Anoon boogta wada taabanoo idin tusaaleeyey
Oo aan tanbiih iyo islaax taana uga jeedo
Waa taar aan boosta ugu ridey soobbe haw tago e
Soobbe waa c/qaadir soobbe oo markaa ahaa wasiirkii arimaha gudaha marna ahaa gudoomiyaha barlamaanka

W/Q Ahmed dirie

Photos from ARDAY WAA UBAXA DALKA's post 25/03/2018

Qadari ruux kasta waxa u ku sheegayo hadday tahay waano ama canaanba.

Insaanka marka uu kula hadlayo si wanaagsan u dheygeyso, tani waa aadaab, waa tarbiya, ixtiraam iyo faham, hayeeshee ha rumaysan waxwalba uu sheegayo daliil la’aan…..

09/11/2017

AQOONTU WAA IFTIINKA QOFKA.

Oraah baa ahayd 'waxaan dhalanaaa inagoo fakhri ah , lakin Haddad dhimado adoo fakhriya danbiga adiga leh'.
Haddi aad aqoon la aaan dhalatay fadlan adiga wax is bar.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Address


Netko
Mogadisho