29/09/2026
Booqashada Madaxda Hayโadda DirectAid_ Somalia ุฌู
ุนูุฉ ุงูุนูู ุงูู
ุจุงุดุฑ ee Dugsiga Ahmed Gurey High school
Shalay, oo ku beegnayd 28-ka Sebtembar 2026, waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Dugsiga Imam Axmed Gurey wafdi ka socday Xafiiska Hayโadda DirectAid ee Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa:
- Ustaad Xasan Axmed Sh Maxamed (Al-Badawi) โ Mudiirka Xafiiska DirectAid ee Soomaaliya.
- Ustaad Xuseen Sheekh Xasan Cabdi โ Madaxa Waaxda Waxbarashada Hay'adda DirectAid_ Somali _
- Ustaad Maxamed Cabdullaahi Nuur (Abtiyow) โ Madaxa Xafiiska Maaliyadda Hay'adda DirectiAid _Somalia _
Madaxda Hayโadda DirectAid ayaa intii ay booqashada ku guda jireen kormeer ku sameeyey Dugsiga Axmed Gurey, iyagoo warbixinno ka dhageystay maamulka iyo Macalliniinta ( Barayaasha ) Dugsiga kana xog-wareystay xaaladda waxbarashada, maamulka, baahiyaha dugsiga iyo horumarka adeegyada waxbarasho.
Sidoo kale, madaxda Hayโadda DirectAid waxay dhiirrigelin iyo bogaadin u sameeyeen ardayda fasalka shahaadiga ah, iyagoo ku boorriyey inay dadaalkooda sii laba-jibaaraan, waqtigooda si wanaagsan uga faaโiideystaan, kuna dadaalaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ardayda ku guuleysata imtixaannada shahaadiga ah. Hadallada dhiirrigelinta ah ee madaxdu waxay ardayda u noqdeen taageero iyo dhiirrigelin muhiim ah oo ku wajahan dadaalkooda waxbarasho.
Dugsiga Imaam Axmed Gurey wuxuu ka mid yahay dugsiyada hoos yimaada Hayโadda DirectAid, waxaana booqashadani qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo tayada waxbarashada, maamulka dugsiyada iyo horumarinta adeegyada waxbarasho ee loo fidiyo ardayda.
Maamulka Dugsiga Imaam Axmed Gurey wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa madaxda Hayโadda DirectAid booqashadooda, waqtiga ay u hureen dugsiga, dhiirrigelinta ay siiyeen ardayda iyo dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada.