University of Somalia - UNISO

University of Somalia - UNISO

Share

University of Somalia (UNISO)
University of Somalia is non – profit, private educational institution

University of Somalia is non – profit, a private educational institution providing innovative undergraduate and graduate education.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 17/06/2026

Tartanka Ciyaaraha MAJSO CUP 2026 ayaa maanta dhex maray Kulliyadaha Management and economics iyo medicine and surgery, kulan ay hareeyeen xamaasad, tartan adag iyo ciyaar qurux badan.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay karti, dadaal iyo wadajir ardayeed oo heer sare ah, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay 5–2 oo ay guushu ku raacday kulliyada management and economics kadib loollan adag oo daqiiqad kasta xiiso lahaa.

Tartankan MAJSO CUP 2026 wuxuu muujinayaa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin kobcinta xirfadaha ardayda, dhiirrigelinta wadajirka iyo abuurista jawi waxbarasho oo firfircoon.

Hambalyo labada kooxood ciyaarta quruxda badan ee ay soo bandhigeen.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 17/06/2026

Ardayda Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), gaar ahaan kuwa dhigta Fiqhiga iyo Usuushiisa, ayaa ka qayb galay seminar cinwaankiisu yahay: “𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐃𝐮𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐚𝐡𝐢𝐢𝐛𝐭𝐚 𝐅𝐢𝐪𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐋𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐓𝐚𝐜𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐨.”

Seminarka waxaa bixiyay 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐦, iyadoo ardaydu ka faa’iideysteen aqoon iyo faham qoto dheer oo ku saabsan mowduucan muhiimka ah.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 16/06/2026

Tartanka ciyaaraha ee MAJSO CUP 2026 ayaa maanta dhex maray Kulliyadaha Education and Humanities iyo Sharea and Islamic Studies.

Kadib ciyaar adag oo ay soo bandhigeen kooxaha karti, wadajir iyo is-dhexgal, ciyaartu waxa au kusoo dhamaatay 3-10goal, oo guushu ku raacday Kulliyada Education and Humanities.

Tartankan ayaa sii xoojinaya doorka ciyaaruhu ku leeyihiin kobcinta tayada ardayda iyo dhisidda jawi waxbarasho oo firfircoon.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 15/06/2026

Tartanka Ciyaaraha MAJSO CUP 2026 ayaa maanta dhex maray Kulliyadaha Engineering and Computer Science iyo Medicine and Surgery, kulan ay hareeyeen xamaasad, tartan adag iyo ciyaar qurux badan.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay karti, dadaal iyo wadajir ardayeed oo heer sare ah, iyadoo ciyaartu ku dhammaatay barbardhac 3–3 ah kadib loollan adag oo daqiiqad kasta xiiso lahaa.

Tartankan MAJSO CUP 2026 wuxuu muujinayaa muhiimadda ay ciyaaruhu u leeyihiin kobcinta xirfadaha ardayda, dhiirrigelinta wadajirka iyo abuurista jawi waxbarasho oo firfircoon.

Hambalyo labada kooxood ciyaarta quruxda badan ee ay soo bandhigeen.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 14/06/2026

Tartanka ciyaaraha ee MAJSO CUP 2026 ayaa maanta dhex maray Kulliyadaha Education and Humanities iyo Health Science kulan xiiso iyo xamaasad sare xambaarsanaa.

Kadib ciyaar adag oo ay soo bandhigeen kooxaha karti, wadajir iyo is-dhexgal ardayeed, Kulliyadda Education and Humanities ayaa ku guuleysatay natiijo dhan 5–4.

Tartankan ayaa sii xoojinaya doorka ciyaaruhu ku leeyihiin kobcinta tayada ardayda iyo dhisidda jawi waxbarasho oo firfircoon.

14/06/2026

🔥 MAJSO CUP 2026 🔥

Faculty of Education and Humanities 🆚 Faculty of Health Science

Galabta waa kulan aan la seegi karin! 🏆
Yaa guusha qaadan doona? 👀

Photos from University of Somalia - UNISO's post 13/06/2026

Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay tartanka sanadlaha ah ee ciyaaraha ardayda, Majso Cup 2026. Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalaya dhammaan kulliyadaha jaamacadda, isagoo ujeeddadiisu tahay horumarinta isdhexgalka ardayda, dhiirrigelinta kartida ciyaaraha, iyo xoojinta wadajirka bulshada jaamacadda.

Ciyaartii furitaanka ayaa dhex martay Kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha, waxaana ay ku soo dhammaatay barbaro, taasoo si rasmi ah u billowday tartanka Maso Cup 2026. 🏆⚽

Photos from University of Somalia - UNISO's post 11/06/2026

Qaar ka mid ah maamulka sare ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), oo uu hoggaaminayo 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐫. 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝, ayaa maanta booqasho ku tagay dhismaha xarunta cusub ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO).

Booqashadan ayaa qayb ka ahayd kormeer lagu qiimaynayay heerka uu marayo dhismaha xarunta cusub, iyada oo maamulka jaamacaddu ay si dhow ula socdeen tayada iyo horumarka shaqada socota.

Xaruntan cusub ayaa door weyn ka qaadan doonta ballaarinta adeegyada waxbarasho ee jaamacadda, kobcinta deegaanka waxbarashada, iyo xaqiijinta himilada UNISO ee horumarinta aqoonta iyo tayada waxbarashada sare.

Photos from University of Somalia - UNISO's post 10/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 𝟏𝟎 𝐉𝐮𝐮𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟔, waxaa Xarunta Maamulka ee 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐔𝐍𝐈𝐒𝐎) lagu qabtay shirka bilaha ee Golaha Tacliinta, kaas oo uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha Jaamacadda, 𝐃𝐫. 𝐇𝐚𝐬𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay dib-u-eegista siyaasadda imtixaannada 𝐒𝐩𝐞𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐄𝐱𝐚𝐦 iyo 𝐑𝐞-𝐄𝐱𝐚𝐦, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa tiknoolajiyadda dijitaalka ah si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo sidii loo horumarin lahaa shirarka cilmi-baarista ee jaamacaddu qabato.

𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐔𝐍𝐈𝐒𝐎) waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo tayada tacliinta, cilmi-baarista, iyo hal-abuurka aqooneed.

10/06/2026

Iyadoo la xusayo 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, ayaa 𝐊𝐮𝐥𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 (𝐔𝐍𝐈𝐒𝐎)) qabatay seminar ku saabsan ilaalinta deegaanka, saameynta isbeddelka cimilada, iyo muhiimadda cilmi-baarista ee horumarinta deegaan waara.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


KM4
Mogadisho
252