Munaasabadda Maalinta macalimiinta Soomaaliyeed iyo Dugsiga faca weyn ee Al-abaadir Yaaqshiid.
Hambalyo Hambalyo Macalimiinta lafdhabarta u ah hormarka Bulshada.
Al-abaadir school yaqshid-branch
WAXAAN HIIGSANEYNAA
AQOON AKHLAAQ LEH IYO TIRO TAYO LEH
03/11/2025
بسم الله الرحمن الرحيم
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Sanad-dugsiyeedka cusub ee 2025-2026, waxaa dib uga furmay masraxa tartamada iskuulka Al-abaadir tartankii sanadlaha oo sanadkaan la magac baxay “Aqoon iyo Akhlaaq” kaas oo ku billowday si heer sare ah.
Kooxaha tartamaya sanadkaan ayaa qaatay magacyada Halgamaayaashii iyo Haldoorkii dalkeenna Soomaaliya kuwaas oo dhiiggooda u huray in ay helaan dadkeennu madax bannaani dhuleed, dhaqaale, Nafeed, diimeed, iyo mid Maskaxeedba, iyada oo u jeedadu tahay in la barto taariikhda umaddu leedahay si loo soo saaro jiilal waddaniyad, Aqoon iyo Akhlaaqba ku hubeysan.
Tartanka Aqoon iyo Akhlaaq wexa ay kooxuhu isku guruub u noqdeen sidan hoos idinkaga muuqata
kooxaha A
1. Maxamed Cawaale Liibaan
2. Shiiq bashiir Sh.Yuusuf Sh.Xassan
3. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
4. Daa’uud Cabdulle Xirsi (J.Daa’uud)
Kooxaha B
1. Aadan Cabdulle Cismaan (A.Cadde)
2. Maxamed Cabdulle Xalane
3. Maxamed Gacal Xaayow
4. Sh.xasan Nuur Axmed (Barsame)
Kooxhaa C
1. Axmed Ibrahim Al-gaazi (A.gurey)
2. Cismaan Geeddi Raage
3. Sh.Cali Jimcaale
4. Raage Ugaas Warfaa (Raage ugaas)
Kooxhaa D
1. Maxamuud Xarbi Faarax
2. G.Faarax G.Xirsi G.Faarax (wiil-waal)
3. Makaan-jire (Nasiib Buundo)
4. Cabdullaahi Ciise Maxamuud
Baro halgamaagii iyo Haldoorkii shalay dalka iyo dadka u soo dhintay si ay xornimo ugu noolaanno iyo si aan u noqono halgamaaga berri ay ku daysadaan jiilka ka dambeeyaa, waayo dal aan dadkiisa laga dhex helin kuwa naftooda u huraa kuma naaloodaan Nabad, Caddaalad, hormar iyo amni.
MAHADSANIDIIN
21/10/2025
Kulamada maanta 21-10-2025 ee Tartanka
AQOON Iyo AKHLAAQ.
WAREEGA KOOWAAN
KULAMADA 2AAD IYO 3XAAD
SHIIQ CALI JIMCAALE VS CISMAAN GEEDI RAAGE
KULANKA LABAAD
MAXAMUUD XARBI VS CABDULLAAHI CIISE MAXAMUUD
17/10/2025
Maalik Bin Nabi (1905–1973), mufakirkii weynaa ee reer Aljeeriya, ayaa yiri: “Haddii aad rabto inaad burburiso xadaaradda (dhaqanka iyo ilbaxnimada) ummadi leedahay ha weerarin ciidankeeda ama dhaqaalaheeda, balse macallinka xaqir, dhakhtarka duleey, caalimka diinta yaqaan fogee, kan aqoonta maadiga yaqaanana qiimo tir. Isla markaasna sharaf kuwa liita ee aan aqoon, aragti, akhlaaq iyo qiyam midna xambaarsanayn.” Weertani waxay tilmaamaysaa in marka la hoos geeyo dadka cilmiga iyo anshaxa leh kuwa hooseeya, la curyaamiyo maskaxda iyo ruuxda bulshada, taas oo si tartiib ah u dumisa tiirarkii horumarka iyo xadaaradda. Waa waxa nagu habsaday maanta, waxaad arkeeysaa wiil yar oo caaynaya haldoorkii bulshada.
Jumco kariim
12/10/2025
MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED
12-OCTOBER
Calanka Soomaliya waxaa sameeyay Maxamed Cawaale liibaan.
Waxaa la meel-mariyay 12-kii Oktoobar 1954-kii, intii lagu jiray muddadii Qaramada Midoobay ey maamuleysay gobolka.
Calanku wuxuu noqday mid rasmi ah 1-dii Luuliyo 1960-kii, markii ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfur ee Soomaaliya.
Dalka iyo taariikhihiisa baro asaga ayaad leedahaye
05/09/2025
Bishaaro Bishaaro Bishaaro
Dhamaan Waalidiinta , Ardayda dhigata iyo kuwo kusoo biirayaba waxaa loogu bishaareynayaa in Dugsiga Al-abaadir school yaqshid-branch uu dib u furmi doono maalinta beri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 06/09/2025 sidaas darteed waa in aad soo xaadirtaa Dugsiga si aad cashiradaada dib ugu bilaabato .
Beri arday walba iyo fasal cusub waaye marka waxaan idiin rajeynaaa farxad iyo deganaan in aad ku bilaaban doontaan , guul wacan i.a.
04/09/2025
Waxaa Xarunta dhexe ee Dugsiga Al-abaadir school yaqshid-branch ka socota is diiwangelinta Ardayda cusub ee Dugsiga Hoose iyo dhexe ka faa'iideysi wacan dhamaan shacabka ku dhaqan Degmooyinka dugsiga ku hareeraysan sida D.Yaaqshiid , Daaruslaam,Hiliwaa,Kaaraan iyo Deyniile mahadsanidiin.
Al-abaadir Primary And Secondary School
02/09/2025
Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis
Dhammaan ardayda dhigata Dugsiga Al-abaadir school yaqshid-branch Waxaa la ogeysiinayaa in maalinta beri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 03/09/2025 la shaacin doono natiijada Dugsiga ee arday walba hasoo fiirsado natiijadiisa, dhammaantiina waxaan idiin rajeynaa in aad heshaan natiijo aad ku faraxdaan
Guul wacan dhammaantiin
01/09/2025
Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda dhigata Dugsiga in uu Dugsigu furmi doono maalinta Sabtiga ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 06/09/2025
Sidaas darteed ardayda waxaa la farayaa in ay soo qaataan Uniforma-ka saxda ah ee Dugsiga lagu dhigto ha noqdo Dugsi Sare, Hoose iyo dhexe intaba .
Mahadsanidiin
29/08/2025
Waxaa Xarunta dhexe ee Dugsiga Al-abaadir school yaqshid-branch ka socota is diiwangelinta Ardayda cusub ee Dugsiga Hoose iyo dhexe ka faa'iideysi wacan dhamaan shacabka ku dhaqan Degmooyinka dugsiga ku hareeraysan sida D.Yaaqshiid , Daaruslaam,Hiliwaa,Kaaraan iyo Deyniile mahadsanidiin.
Al-abaadir Primary And Secondary School
29/08/2025
Maamulka Dugsiga Al-abaadir school yaqshid-branch Mudane Mohamed Abdullaahi Abdulle ayaa kaga qayb galay Xarunta Prof.Shuuriye ee Ex-Control Balcad Benadir University Tababarkaan oo loo qabtay qaar ka mid ah maamuleyaasha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir
Tababarkaan oo si aad iyo aad u weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa bixinayey
1- Prof. Nour Abdulle Afrah
2- Prof. Mohamed Abdullahi Nuux.
Ujeedada tababarku waxay ahayd sare u qaadida Aqoonta iyo Xirfadaha Maamuleyaasha Wuxuuna ku soo idlaaday Guul.
Ugu dambeyntii, tababarka waxaa soo xiray Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Mohamed Mohanoud Hassan
Al-abaadir Primary and Secondary School
14/08/2025
Al-abaadir school yaqshid-branch
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Waxa Aan hambalyo u diraynaa dhammaan ardada fasalka 8aad dugsiga dhexe ee gobolka Benaadir, gaar ahaan bahda reer Al-abaadir Kookakoolo oo iyagu dhammaan ku baasay (gudbay) imtixaankii shahaaadiga 2024-2025ka.
Hambalyo Hambalyo ardadeena qiimaha badan.
Waxa aad muujiseen dadaal xoog leh, waxa aadna ka mira dhaliseen dadaalkii faraha badnaa ee la idin galiyey.
HAMBALYO HAMBALYO
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Telephone
Website
Address
Mogadisho