28/06/2025
🎓 Kusoo biir Kuliyadda Kumbuyuutarka – Jaamacadda Benadir
Kulliyadda Computer Science & IT ee Jaamacadda Benadir diiradda saartaa diyaarinta arday xirfad leh oo la jaanqaadi kara baahida suuqyada shaqada ee maanta iyo mustaqbalka.
Waxaan bixinaa manhaj casri ah oo ka tarjumaya horumarka tiknoolajiyadda, si ardaydeenu u helaan aqoon, karti, iyo faham dhammaystiran oo ay kaga qayb qaadan karaan horumarinta bulshada iyo suuqa shaqada.
📌 Isdiiwaangelinta ardayda cusub waa furan tahay.
Fadlan booqo mid ka mid ah xarumaha hoos ku xusan si aad isu diiwaangeliso:
📍 Dr. Addow – Sei Piano
📍 Dr. Shahiid – KM13
📍 Dr. Shurie – Ex-Control Balcad
29/03/2025
Ciid Mubaarak dhamaan umadda Muslimiinta gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed! 🌙✨
Alle ha naga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee bisha Ramadaan. Ku ciida farxad iyo caafimaad 🤲🏽💚
24/02/2025
Mahadcelin iyo bogaadin ballaaran ayaan u diraynaa 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗹𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗼𝗺𝗽𝘂𝘁𝗲𝗿 𝗦𝗰𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗮𝗻𝗱 𝗜𝗧 (𝗕𝘂𝘂𝗰𝗼𝘀), kuwaas oo si hufan u soo agaasimay tartanka Buucos Cup 2025.
Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha Midowga,𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗳𝗶𝘁𝗮𝗵 𝗔𝗯𝗱𝗶𝘄𝗮𝗵𝗶𝗱 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱, oo door muhiim ah ka qaatay hirgelinta tartanka.
Aad baad u mahadsan tihiin! 👏🙌
24/02/2025
Guddoonsiinta Koobka Buucos Cup 2025, oo ay ku guuleysteen kooxda Batch 22! 🎉👏🎖️
Hambalyo Batch 22!
🏅🥇
24/02/2025
Biladsiinta Kooxda Batch 22, oo ku guuleystay tartanka Buucos Cup 2025 🏆🎉
24/02/2025
Biladsiinta Kooxda Batch 21, oo kaalinta labaad ka gashay tartanka Buucos Cup 2025 🏆👏
24/02/2025
Abaalmarinta tababaraha ugu fiican ee Buucos Cup 2025 waxaa ku guuleystay 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗛𝘂𝘀𝘀𝗲𝗶𝗻 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗵𝗶𝗺, oo ah tababaraha dufcadda 22-aad.
Hoggaamintiisa iyo xeeladdiisa ciyaareed ayaa ka dhigtay kooxdiisa mid guuleysata.
Hambalyo Coach Mohamed! 🎖⚽👏
24/02/2025
Xiddiga tartanka Buucos Cup 2025 ee loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu wanaagsan (Best Player) waa muscab abdiqadir omar, oo ka tirsan dufcadda 22-aad.
Dedaalkiisa, xirfaddiisa iyo ciyaartiisa heerka sare ah ayaa si weyn uga dhex muuqday tartanka.
Hambalyo muscab ! 🏆🔥👏
24/02/2025
Abaalmarinta gooldhaliyaha tartanka Buucos Cup 2025 waxaa ku guuleystay 𝗨𝘀𝗮𝗮𝗺𝗲 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗵𝗶𝗺 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱, oo ka tirsan dufcadda 22-aad, kadib bandhig heer sare ah oo uu ka sameeyay tartanka.
Hambalyo Usaame! 🎖⚽👏
24/02/2025
Tartanka Buucos Cup 2025, oo loo qabtay dufcadaha kala duwan ee Kulliyadda Computer Science and IT, ayaa si rasmi ah usoo gaba gaboobay.
Tartankan, oo ay soo agaasimeen Midowga Ardayda Kulliyadda Computer Science and IT (Buucos), waxaa kulankiisii ugu dambeeyay (final) isaga horyimid dufcadda 22-aad iyo dufcadda 21-aad.
Sanadkan, koobka Buucos Cup 2025 waxaa ku guuleystay dufcadda 22-aad, oo 8-1 kaga adkaatay dhiggeeda dufcadda 21-aad.
Hambalyo guuleystayaasha – Batch 22! 🎉👏
15/02/2025
Waxaa Galabta si rasmi ah loo daah furay Tartanka Kubadda Cagta ee ardayda Kuliyadda Kumbuyuutarka ee Jaamacadda Benadir BUUCOS cup 2025. Tartankan oo ay soo agaasimeen Midowga Ardayda Kuliyadda Kumbuyuutarka, furitaanka Tartanka waxaa goob joog ahaa Xiriiriyaha Kuliyadda 𝗘𝗻𝗴. 𝗫𝗮𝘀𝘀𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗮𝗹𝗲 iyo Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kuliyadda 𝗘𝗻𝗴. 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗳𝗶𝘁𝗮𝗵 𝗔𝗯𝗱𝗶𝘄𝗮𝘅𝗶𝗱 𝗔𝗵𝗺𝗲𝗱.
Waxaa Lagu furay tartanka dufcadaha kala ah Dufcadda 19aad iyo Dufcadda 22aad waxayna guusha raacday Dufcadda 22aad oo 4-1 kaga adkaatay Dufcadda 19aad.
Kooxdee ayaad filaysaa inay koobka qaadi doonto? 🤔👇🏆