Golaha Hanaqaad

Golaha Hanaqaad

Share

Waa gole Dhallinyaro oo u taagan Midnimo, Walaalnimo & Is-taageerid. Hiigsigooduna yahay MUSTAQBAL Mideysan.

02/07/2025

HAMBALYO MAGACAABIS

Golaha Hanaqaad wuxuu si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa Mudane Abdirahman Ahmed Bulhan oo loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda Darul Hikmah University-DHU

Magacaabistaada waxay caddeyn u tahay hufnaantaada, kartidaada iyo dadaalkaaga joogtada ah ee dhinaca waxbarashada iyo horumarinta bulshada. Waxaan kuu rajeyneynaa guul waarta, howl-qabad miro-dhal ah, iyo in Alle kuu fududeeyo xilka cusub ee laguu igmaday.

Golaha Hanaqaad wuxuu mar walba garab kuu yahay, wuxuuna kuu rajeynayaa guul iyo barwaaqo intaba.

Wa bilaahi towfiiq.

Photos from Golaha Hanaqaad's post 29/11/2024

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐—ท๐—ฒ๐—ฏ๐—ถ๐—ป!

Waxaan farxadda la qeybsaneynaa wiilkeenna Farhan Hassan Barre oo ka qalinjebiyey heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda.

Waxaan leennahay horumar wacan iyo guulo badan ๐Ÿ“š๐Ÿ–Š๐ŸŽ“

05/10/2024

ู„ุง ุญูˆู„ ูˆู„ุงู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡

Waxaa nagamaqan Xamiida Cabdiraxmaan (AMIIRADDA) oo ka soo lumay saakay Degmada Kaxda, Masjidka Turkiga, ama Aagga Ceelka Siidi.

Waxaan ka codsanaynaa cidii aragto in ey nagala soo xariirto Anigoo ah aabeheed tell: 0615315508, ama Hooyo Faadumo 0616705569 ama Hooyo Sumayo 0616320022.

Rabbiyow noo sahal

21/07/2024

๐ŸŽ“๐ŸŒนHambalyo ๐ŸŒน Hambalyo ๐ŸŒน๐ŸŽ“

Dhamaan xubnaheenna Golaha Hanaqaad waxaan hambalyo leennahay gabadheenna Fa'iza Hassan Mohamud oo khatintay Qur'aanka Kariimka ah.

Waxaan allaah ugu baryeynaa in ay noqoto middii u shafeecda waalidkeeda & dhamaan axbaabteeda.

Aamiiin Aaamiiin ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

14/03/2024

Golaha Hanaqaad waxa ay tacsi i dirayaan qoyska & qaraabada uu ka baxay walaalkeen Cabdikariim Axmed Bulxan oo gacan ka xaq daran ku sababsaday gobolka Galgaduud.

Waxaan si gooni ah tiiraanyada ula qeybsaneynaa walaalkeen Cabdiraxmaan Axmed Bulxan [Barre Bulhan] iyo dhamaan reer Axmed Bulxan.

Sabar iyo iimaan alla hanaga siiyo dhamaanteen asagana raxmad rabbi ha siiyo... Aamiin ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

Photos from Golaha Hanaqaad's post 04/12/2023

Golaha Hanaqaad ayaa Kulan Sagootin ah u qabtay Abwaan Gentleman oo kamid ah xubnaha Golaha.

Jimce; 01.12.2023

ุฃูŽุณู’ุชูŽูˆู’ุฏูุนู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ ุฏููŠู†ูŽูƒูŽุŒ ูˆูŽุฃูŽู…ุงู†ูŽุชูŽูƒูŽุŒ ูˆุฎูŽูˆูŽุงุชููŠู…ูŽ ุนูŽู…ูŽู„ููƒูŽ

17/08/2023

Golaha Hanaqaad waxa ay Hambalyo leeyihiin Abdirahman Abdi Mohamud (NERO) iyo dumaashi Sahro Cabdulle Cumar oo caawa oo Jimca ah ku aqal-galay Muqdisho.

Dhamaanteen waxaan leennahay Alla ha isku barakeeyo adinkana soo duceeya.

ุจุงุฑูƒ ุงู„ู„ู‡ ู„ูƒู…ุง ูˆุจุงุฑูƒ ุนู„ูŠูƒู…ุง ูˆุฌู…ุน ุจูŠู†ูƒู…ุง ููŠ ุฎูŠุฑ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ๐Ÿคฒ

Photos from Barre Bulhan's post 12/07/2023

Congrats Proff. Barre Bulhan oo kamid ah xubnaha Golaha Hanaqaad ๐Ÿ™๐ŸŽ“

Photos from Golaha Hanaqaad's post 19/06/2023

Dhamaan xubnaha Golaha Hanaqaad waxa ay farxadda la wadaagayaan saaxibkeen Ustaad Abdiladif Mohamed Ibrahim oo ay maanta u soo dhamaatay safarkiisii Darajada labaad ee Masters-ka..

Waxaan leennahay dhamaanteen Mabruukโ€ฆ

04/02/2023

Golaha Hanaqaad waxa uu duco iyo hambalyo u dirayaa Amiirad ๐Ÿ‘‘ Xamiidah Barre Bulhan oo billowday Rukniga 2aad ee Islaamka oo ah Salaadda.โค๏ธ

Waxaan Alla uga baryeynaa in uu jecleysiiyo Salaadaha & wax walba oo uu rabbi raalli ka yahay, kana dhigo mid baarri u ah waalidka ๐Ÿคฒ๐ŸŒนโค๏ธ

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Mogadishu, Somalia/Km4
Mogadisho