30/04/2026
Waxaa inoo qabsoomay kulan khibrad wadaag ah, oo ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ardayda sanadka afaraad ee Kulliyadda loogana doodayay "Sida uu yahay xaalka suuqa shaqada Soomaaliya iyo xirfada looga baahan yahay".
Adam Osman Mohamed oo ah HR practitioner, kana mid ah qalin-jabiyaasha Kulliyadda ayaa qibradiisa la wadaagay ardayda.
28/04/2026
Inaga oo kaa shaneyna Shabakadda ARIJ , waxaan qaban kulan aqoon is weydaarsi ah oo lagu gorfeynayay manhajka Arij ee hubinta xogaha (Fact-Checking).
Barnaamijkan waxaa ka qeyb galay ardaydeena dhigata saxaafadda oo si qota dheer uga dooday tabaha lagu hubiyo xogaha.
Waxaan u mahadcelineynaa shabakadda Arij, AFCN iyo ustaad Ahmed Mahrus oo doodda fududeeya ka ahaa.
23/04/2026
Kulliyadda Culuumta Siyaasadda iyo Maamulka Guud ee Jaamacadda Muqdisho iyo Shabakadda ARIJ waxa ay ardayda saxaafadda dhigata ku casuumayaan tababar ku saabsan hubinta macluumaadka (Fact-Checking) oo hab online ah ku bixidoona Axad 26 April 2026, saacadda 07:00 - 09:00 fiidnimo. Qofkii daneynaya waxa uu ku soo biiri karaa whatsapp group kan hoose.
👇
https://chat.whatsapp.com/JOpIp6QVPm8Je9TsLDrs0E?mode=gi_t
كلية السياسة والإدارة العامة بجامعة مقديشو وشبكة ARIJ تدعوان طلاب الصحافة والإعلام لحضور دورة عبر الإنترنت حول "دليل أريج لتدريس تدقيق المعلومات (Fact-Checking)"، والتي ستعقد يوم الأحد 26 أبريل 2026، من الساعة 07:00 إلى 09:00 مساءً. يمكنكم الانضمام إلى مجموعة الواتساب من خلال الرابط أدناه.
👇
https://chat.whatsapp.com/JOpIp6QVPm8Je9TsLDrs0E?mode=gi_t
16/04/2026
Waxaa shalay noo qabsoomay kulan khibrad-wadaag ah oo ay soo agaasimeen wakiillada Kulliyadda ee Ururka Ardayda Jaamacadda (UMUS) Kulankaas oo diiradda lagu saaray sida qofku u samaysan karo sumad u gaar ah oo lagu aqoonsado (Personal Brand).
Intii uu socday kulanka, ardayda waxa khibraddiisa la wadaagay saxafi Hussein Mohamed, oo ka mid ah qalin-jabiyaasha Kulliyadda, isla markaana ka soo shaqeeyay wakaalado warbaahineed oo caalami ah.
28/03/2026
Join us in welcoming prof. Serra M. Hakyemez to Mogadishu University as a visiting professor from University of Minnesota (Spring 2026).
Serra M. Hakyemez is an assistant professor in the Department of Anthropology and the Institute for Global Studies at the University of Minnesota.
For more information, you can visit the link below: https://cla.umn.edu/about/directory/profile/hakyemez
12/02/2026
Waxaa farxad inoo ah inaan agaasino kulan aqoon isweydaarsi ah oo ciwaankiisu yahay Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Diblumaasiyadda.
Kullanka waxaa marti ku ah mudane Ali Abdi Ali Hoshow oo ah Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Masar.
Goobta: Xarunta Daraasaadka sare
Xeliga: Isniin, 16 February, 2026.
12/12/2025
Waa qayb ka mid ah sawirrada ardaydeyna oo si firfircoon uga qayb galay Shirweynaha Aqoonisweydaarsiga Sannadlaha ah ee 12aad ee Cilmibaarista Soomaaliyeed, kaas oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho. .