Reer Falastiineey Ilaahey garabkiina ha galo, hana u naxariisto Hoggaamiyihiinii iyo intii kale ee idin kaga shahiidday halgan-ka aad ku jirtaan.
Barbaarta dhalinyarada
Ku soo dhawaada page-kaan
Fadlan like sar
Hel akhbaar cusub
������������? Journalist
31/07/2024
"Dhiigga Aabahay ka ma qaalisana dhiigga ilmaha u gu yar ee reer Falastiin" Cabdisalaan Ismaaciil Haniya
Xildhibaan Rusheeye mixnad waaye, Inuu Kitaab yahay waan soo hubiyay ayuu taaganyahay!. 😂
Markaad dhimato waxaa la weriyay in Ruuxdaada ay kusii baaqi ahaan doonto Meydkaaga dhinaciisa sida Barkintaada hoosteeda iyo sariirta hareeraheeda Waa goormee?
Waa marka lagu dhaqayo iyo marka lagu Karfamayo labadaba.
Marka lagu duugo ruuxdaada waxay dib ugu soo laabaneysaa jirkaaga kadib marka Qabriga lagu soo dhex jiifiyo.
Marka lagaa soo laabto kadib waad soo tooseeysaa sida qof hurdo ka soo kacay camal. Waxaa la sheegaa in aad saddex mar oo isku xig xigto aad isku dayi doontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.
Kadib waxaad arkeysaa mugdiga ka jiro godka Qabriga dhexdiisa, Lkn mar walba oo aad damacdo inaad madaxa kor u soo qaado darbiga Qabriga ayaad Madax Ku dir dirsaneysaa.
Marka aad aragto xaaladaada in aysan caadi aheyn ayaad rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meyt-ka asxaabul qabuurka meesha ku cusub caawa.
Waxyar kadib waxaa kuu imaan doona labadii Malag ee kala ahaa Munkar iyo Nakiir, Kuwaa oo loo wakiishay keliya in ay qabriga dadka Ku su'aalaan Sadax su'aalood.
Waxa ay ku weydiin doonaan ma ahan Baasaboorkaaga, dhalashadaada ama lacag iyo maal, ee kaliya waxa ay Ku weydiin doonaan su'aalo xagga Rabbigaaga, Diintaada iyo Nabikaaga SCW.
Labo mid ayaad Noqon mid ka jawaaba oo liibaana ama mid ku dhaca oo khasaara.
Kadib waxaa laguu wadayaa goob lagu magacaabo Xayaatu-Barzaq. waxay leedahay goobtaa labo albaab: Mid waxa uu ku sii jeedaa Jannada, Midka kale isagana waxaa Uu Ku Sii jeedaa Jahanamo. Halkaas ayaad Ku sugi doontaa xisaabta iyo isa soo bixinta Qiyaamaha.
Markaa kadib labo meel mid ayaad aadi doontaa ama Janno ama Naar (Alle naga badbaadiyee).
Sidoo kale maalmaha qaar waxaa ku soo booqan doonna qaar ka mid ah qaraabadaada iyo asxaabtaada.
Waxaa la wariyaa in uu Malag kuu imaan doono, Kuguna wargelin doono in qof ehelkaaga ah ku soo salaamay. Waxaa uu kugu oranayaa, Waxaa kuu imaaday wiikaaga ama Hooyada ama Gabadhaada ama Xaaskaaga.
Ruuxdaada way ka soo baxeysaa godka Qabriga, waxayna soo koreysaa buurka sare ee carrada Qabriga, waxay rabtaa in ay dhageysato waxa uu dhihi doono qofka imaaday ee ku soo booqday.
FG: Waxaan jecleystay inaan Nafteyda iyo Naftaada geerida Xasuusnaano. Dhamaanteen Alle ha noo Dembi dhaafo Khaatumadana Alle noo hagaajiyo.
بلغوا عني ولو ءاية.❤️
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Warta Nabada
Mogadisho